Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQ KA DHACAY GOBOLKA DAARFUUR EE SUDAN.

(SAWIR)-KA. DAARFUUR.

(DAR-FUR)-Weerarada ciidamadda Taageeradda Deg dega ah(RSF) ee dalka Suudaan ey ka wadaan Galbeedka Daarfuur ee ka dhanka ah dadka Massalit iyo Bulshooyinka kale ee aan Carabta ahayn waxay ka dhigan tahay Isir sifeyn iyo Xasuuq suurtagal ah,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegtay Hayadda u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch(HRW). Ciidamadda Taageeradda deg Dega ah(RSF) iyo maleeshiyaadka xulafadda la ah ayaa lagu eedeeyey iney dileen kumaanaan qofood eyna barakiciyeen boqolaal kun oo kale intii uu socday weerarkii ka dhacay EL-Geneina ee ah xarunta Gobolka Daarfuur muddadii u dhexeysay bishii Abriil iyo bishii Noofembar-2023-kii. HRW waxa ey ka diiwaangelisay weerarada aan joogsiga lahayn ee RFS iyo Maleeshiyaadka huwanta ah oo ey ku jiraan Tamazujka seddexaad ee ka dhaca meelaha ey u badan yihiin Massalit ee El-Geneina intii u dhexeysay bilaha Abriil ilaa Juun ee sannadkii 2023-kii. Kooxda u dooda Xuquuqda ayaa sheegtay in gacan ku dhiigleyaasha ey gaysteen xadgudubyo kale oo waa weyn oo ey ka mid yihiin Jirdil,Kufsi iyo Dhac. HRW waxa ey sheegtay in beegsiga Massalitka iyo dad kale ee aan Carabta ahayn iyadoo ujeedku yahay in ugu yaraan si joogta ah looga barakiciyo Gobalkooda ey la mid tahay Isir sifeyn. Waxa ey sidoo kale sheegtay in falalka waxashnimada ah ee la sameeyo in looga dan leeyahay in lagu burburiyo gebi ahaan ama qeyb ahaan Massalitka dega Galbeedka Daarfuur,taasine waxa ey muujinaysaa in sidoo kale uu halkaasi ka dhacay Xasuuq.

ISHA.MEE.

KA AKJRI HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAVID CAMERON OO KA HADLAY WEERARKA ISRA’IIL EE RAFAX.

(SAWIR)-KA.REYSAL WASAARAHA INGIRIISK DAVID CAMERON.

(LONDON)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqrtooyadda Ingiriiska(UK) David Cameron ayaa sheegay in Uk eysan ku raaci doonin dalka Maraykanka joojinta hubka laga iibiyo Isra’iil,Cameron ayaa sheegay boosaska ey kala taagan yihiin UK iyo Maraykanka eysan ahayn kuwa la is barbardhigi karo bacdmaa Uk eysan ahayn dawlad weyn oo hub ka iibisa Isra’iil. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa intaas ku daray in Uk eysan taageerin duulaanka balaaran ee lagu qaaday magaaladda Rafax,haddii eysan arag qorshe lagu ilaalinaayo nolosha dadka rayidka ah,mawqifkaasi oo ey Uk ku celcelisay bishii la soo dhaafay. Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa sheegy ineysan wax fikrad ka qabin kooxda Xamaas iyo Isra’iil ey ku dhaw yihiin mawqifka UK ee xabad joojinta labada dhinac ah,oo ka bilaabma xabad joojin bani’adanimo oo horseedeysa xabad joojin joogta ah. Isra’iil ayaa ku andacootay in dalabka ey aqbaleen Xamaas Axadii uu ka duwan yahay midkii ey Isra’iil u diyaarisay iney aqbasho todobaad ka hor. Isagoo su’aalo la weydiinayo dhammaadka khudbadiisa dheer oo uu ku muujinaayey aragtidiisa Siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda ka dib lix bilood ee uu shaqada ku jiray,Cameron waxa uu yiri” Farqi weyn ayaa u dhexeeyo xaaladda Maraykanka iyo xaaladda Ingiriiska”taaso uu ula jeedo in dalka Maraykanka uu la leeyahay xiriir wanaagsan dalka Isra’iil.

ISHA/THE GUARDIAN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALIYIHII HORE EE CIIDAMADDA ISR’IIL OO KU TALIYEY…

(SAWIR)-KA.TALIYEYAASH CIIDAMADDA ISRA’IIL.

(QUDS)-Madaxii hore ee ciidamadda difaaca Isra’iil Aviv Kochavi ayaa sheegay in sida kaliyah ee lagu xaqiijin karo sii deynta la haystayaash reer Isr’aiil ee ku sugan gacanta Xamaas ey tahay in la joojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Xamaas,sidaas waxaa lagu sheegay warbixin la soo saaray. Aviv Kochavi ayaa hadlkaan ka sheegay khudbad uu ka jeeediyey kulan ey isugu yimaadeen dad reer Isra’iil ah kuna nool dalka Maraykanka waxaane hadalka taliyihii hore ee ciidamadda difaaca Isra’iil baahiyey Tv-ga 12-aad ee dalka Isra’iil. Aviv Kochavi ayaa xilka ka degay muddo hadda laga joogo sagaal bilood ka hor waqtigii Xamaas ey ku qaaday weerarka lama filaanka ahaay degaanadda deriska la ah Marinka Gaza 7/10/2023-kii. Si kastaba ha ahaatee,dad badan oo reer Isra’iil ah ayaa u arka in Aviv Kochavi yahay mid ka mida saraakiisha masuulka ka ah fashalka amni ee horseeday dhacdooyinkaas sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil. Aviv Kochavi ayaa yiri”Uma maleynaayo inuu jiro qaab dib loogu soo celin karo la haystayaasha reer Isra’iil iyadoo aan la joojin dagaalka hadda socdo”.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XARAKADDA XAMAAS OO SOO SAARTAY BAYAAN.

(SAWIR)-KA. BARIGA RAFAX.

(DOHA-QATAR)-WAR DEG DEG AH: Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin ayaa ku dhawaaqday iney aqbashay soo jeedinta Masar iyo Qadar ee heshiiska la haystayaasha iyo xabad joojinta Marinka Gaza,sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saartay Xarakadda Xamaas waxyar ka hor. Haddii Isra’iil ey aqbasho shuruuda la midka ah,waxa ey keeni kartaa in la sii daayo ilaa 33-Qof oo ah la haystayaal reer Isra’iil ah laguna haysto gudaha Marinka Gaza iyo in la joojiyo dagaalka ka socdo Marinka Gaza oo hadda galay bishiisii todobaad. Hadii la gaaro xabad joojin dhab ah waxa ey dib u dhigi doontaa in Isra’iil weerarto magaaladda Rafax ey saakay Isra’iil weerartay qeybaheeda bari, Rafax ayaa waxa ku nool amaba ey hooy u tahay in ka badan hal milyan oo qaxooti reer Falastiin ah kuwaaso itooda badan ka soo qaxay dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa khadka telefoonka kula hadlay Reysal Wasaaraha Dawaladda Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimha dibadda dalka Qadar Md.Maxamed Bin C/raxmaan Jaasim AL-thani iyo Madaxa sirdoonka dalka Masar G/le dhexe.Cabaas Kaamil una sheegay iney aqbaleen soo jeedintooda.

ISHA/AXISO.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY MAGAALADDA RAFAX.

(SAWIR)-KA. qAX KA BILAWDAY MAGAALADDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo Reysal Wasaaraha dalka Isra’iil Netanyahu ayaa kuwada hadlay khadka Telefoonka muddo dhan ilaa sodon daqiiqo,maanta oo Isniin ah,iyagoo ka wada hadlay wada xaajoodka heshiiska la haystayaasha reer Isra’iil iyo u diyaargarawga Isra’iil ee duulaanka dhinaca dhulka ah kuna wajaha magaaladda Rafax,sida ey sheegeen saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Madaxweynaha Maraykanka Biden waxa uu raadinayaa inuu badbaadiyo heshiiska Isra’iil iyo Xamaas ee mudada dheer hakadka ku jiray iyo ka fogaanshaha hawlgal balaaran ey Isra’iil ka fuliso magaaladda Rafax halkaas ey ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo reer Falastiin ah kuwaaso gabaad ka dhiganaayey intuu socday dagaalka Marinka Gaza. Ka hor duulaanka suurtagalka ah ee dhulka,Isra’iil ayaa Isniinta maanta ah bilawday iney ka daad gureyso dadka reer Falastiin ee rayidka ah qeybaha bari ee magaaladda Rafax oo u dhaw xuduuda Isra’iil la leedahaya Marinka Gaza.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO ISRA’IIL KA HAKIYEY RASAAS UU SAMEEYEY.

(SAWIR)-KA.DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALKA MARAYKANKA LAGU SAMEEYEY.

(WASHINGTON)-Maamulka Biden ayaa todobaadkii hore hakiyey shixnad rasaas ah oo uu Maraykanku sameeyey loon diraayey dalka Isra’iil,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Isra’iil ah kuwaaso u waramay Wargayska Axios. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas ugu magac dartay”Duufaantii AL-Aqsa’a” bishii oktoobar-2023-kii,Maraykanka ayaa joojyo shixnada hub ah oo loogu taagalay Mileteriga Isra’iil. Dhacdadaan ayaa walaac xoogan ku abuurtay gudaha dawladda Isra’iil,waxayna Masuuliyiintu u direen iney fahmaan sababta shixnadda loo haysto,sidaas waxaa sheegay masuuliyiin reer Isra’iil ah. Madaxweyne Biden ayaa dhaleeceyn ba’an kala kulmay dadka Maraykanka ah ee ka soo horjeedo taageerada uu siiyo Isra’iil. Maamulka Biden ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan-2024-ka ka codsaday Isra’iil iney bixiso damaanad qaadka in hubka Maraykanka lagu sameeyey eysan ciidamadda difaac Isra’iil u isticmaaleyn dagaalka Marinka Gaza si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISARA’IIL OO CARQADEYNEYSA WADA HADALADDA XAMAAS….

(SAWIR)-KA. ISMAACIIL HANIYAH.

(QATAR)-Ismaaciil Haniyah oo ah Madaxa wada hadaladda Xarakadda Xamaas ayaa Reysal Wasaaraha Isra’iil benjamiin Netanyahu ku eedeeyey inu carqaladeynaayo dadaaladda lagu doonaayo in lagu gaaro xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,Netanyahu ayaa diiday baaqyada ah in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza si loogu bedelo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xarakadda Xamaas. “Xamaas waxay weli aad u danaynaysaa in la gaaro heshiis lagu soo afjaraayo gardaradda,damaanad qaadayo bixitaanka ciidamadda Israiil,isla markaasne la gaaro heshiis halis ah oo maxaabiista ah”ayuu Haniye ku yiri qoraal uu soo saaray. “Dunidda waxay la hayste u noqotay dawladda Xagjirka ah taaso gaysatay tiro badan oo dhibaatooyin siyaasadeed iyo dembiyo siyaasadeed iyo dembiyo ka dhacay Marinka Gaza”ayuu raaciyey Haniyah isagoo tixraacay xukuumadda Netanyahu.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: WAXAA LAGU DILAY ILAA 45-SAXAFI.

(SAWIR)-KA. DILALKA LOO GAYSTO SAXAFIYIINTA OO KORDHAY.

(SANA’A-YEMAN)-Shalay oo Jimca ahayd kuna beegneed 3/5/24-ka waxaa caalamka laga xusay Maalinta Xutriyadda Saxaafadda Caalamka,waxaane si aad ah looga hadlay tacadiyadda loo gaysto dadka ku shaqeysto Mihnadda Saxaafadda. Takhaatiirta aan xuduuda lahayn waxa ey soo saareen warbintoodii sanadlaha ahayd kuna saabsaneed Xuriyadda Saxaafadda ee wadmadda Caalamka oo dhan,hadaba dalka Jamhuuriyadda Yeman oo ka mid ah wadamadda ey ka socdaan dagaaladda ayaa waxaa lagu dilay ilaa 45-Saxafi tan iyo markii laga soo bilaabo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo dawladda Yeman ee uu caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta sannadkii 2015-kii,sidaas waxaa shalay sheegay Ururka Saxafiyiinta Caalamka. Ururka Saxaiyiinta dalka Yeman ayaa maalinta Xuriyadda Saxaafadda Adduunka sheegay in 165-Goobood oo Saxaafadu ey shaqada joojiyeen, (200) oo mareegaha wararka Maxaliga ah iyo kuwa Carabta ahne la xayiray tan iyo sannadkii 2015-kii. Ururka Saxafiyiinta ma uusan eedeyn koox gaar ah iney ka dambeyso weerarada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Saxafiyiinta. Waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada iney joojiyaan xadgudubyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo xoriyadda Saxaafadda dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa weli u qeybsan ilaa seddex aag oo saameyn ku leh nolosha shacabka Yeman,waxa eyna kala yihiin: (1)-Dawladda Sharciga ah ee uu taageero dalka Sacuudiga. (2)-Kooxda Xuutiyiinta uu taageero dalka Iraan. (3)-Golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta(STC) oo ey taageerto dawladda Imaaraatka Carabta. Dalka Yeman waxaa weli ka socdo colaad tan iyo markii ey faragelin Mileteri ku sameeyeen xulafadda Carbeed ee uu hogaaminaayey Sacuudiga bishii Maars-215-kii,ka dib markii ey Xuutiyiinta qabsadeen magaaladda caasimadda ah ee Sanca. Labadii sano ee la soo dhaafay,dalka Yeman waxaa ka jiray xaalad xabad joojin ah,waxaane joogsaday dagaalkii u dhexeeyey dhinayda isku haayo taladda dalkaasi Yeman,waxaane weli xasilooneyn xaaladda dalka Yeman oo goor kasta uu ka dhici karo dagaal lagu hoobto.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO SI KULUL UGA HADLAY DIL LOO GAYSTAY…

(SAWIR)-KA.URURKA LAANQEERTA CAS ICRC.

(PARIS)-Dalka Faransiiska ayaa maanta oo Jimca ah si kulul u cambaareeyey weerar lagu qaaday kolonyo ey la socdeen gudiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo ku sugnaay dalka dagaalku uu aafeeyey ee Suudaan weerarkaaso lagu dilay laba shaqaale laguna dhaawacay seddex kale. “Faransiiska waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya colaada dalka Suudaan iney ixtiraamaan waajibaadkooda sida uu dhigaayo sharciga caalamiga ah ee bani’adanimadda kaaso ku waajibinaayo iney ilaaliyaan bani’adanimadda dhammaystiran,badbaado iyo caqabado aan la xakamayn”,sidaas waxaa sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Faransiiska Charistophe Lemoine. ICRC-da ayaa sheegtay in rag hubaysan ey ku dileen Koonfurta Daarfuur Khamiistii shalay laba darawal eyna ku dhaawacmeen seddex shaqaale ah xilli ey ka soo laabteen hawlo bani’adanimo. Dagaalka Bahanimada ah ee u dhexeeyo Ciidamadda dalka Suudaan ee uu Hogaamiyo Gen.C/fataax AL-Burhani iyo ciidamadda sida deg dega ah u taageero ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Hamadan Dagalo ayaa dalka Suudaan Burburiyey muddo sannad ka badan.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO XABSIGA U TAXAABTAY TAAGEERAYAASHA FALASTIIN.

(SAWIR)-KA.BANAANBAXAYAAL REER MASAR AH.

(QAHIRA)-Ugu yaraan 12-Qof ayey masuuliyiinta reer Masar ku soo ogeen iney ku keceen falal ey ku taageerayaan dadka reer Falastiintan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-ka,sida ey sheegeen kooxaha u doodo xuquuqda dadka reer Masar. Hindisaha Masaaridda ee Xuquuqda shaqsiyadeed(EIPR) ayaa warbixin ey soo saartay khamiistii shalay ahayd ku sheegtay in Qareenadda ey u doodaan dadka loo xiray sideed kiis oo kala duwan ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha Amniga Qaranka dalka Masar. Dadka la xiray oo dhan sagaashan qofood oo ey ku jiraan laba caruur ah ayaa weli lagu hayaa xabsi ku meel gaar ah sida ey sheegtay hayadda EIPR. 30-ka bishii hore ee Abriil-2024-ka shan nin ayaa laga soo qabtay guryahooda oo ku yaalo Alexandariya ka dib dhaqdhaqaaqooda gudiga wadajirka ee reer Falastiiniyiinta. Soo xiritaan dadka reer Masar ee taageero Falastiiniyiinta ayaa soo bilaabatay maalintii uu qarxay dagaalka Marinka Gaza-7/10/23-ka sidaas waxaa sheegtay hayadda EIPR.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO DADAAL ADAG UGU JIRA SII DEYNTA…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA MASAR IYO FARANSIISKA.

(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Stephane Segornet ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney weli dhiman tahay shaqo lagu doonaayo in xabad joojin laga gaaro dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Hadalka Segornet ayaa yimid ka dib markii masuuliyiin reer Masar ah kuna sugan Qaahira ey uga warbixiyeen halka uu maraayo wada xaajoodka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa yiri ka dib markii uu la kulmay dhigiis Saamix Shukri “Waxaan u nimid inaan isku dubaridno dadaaladda aan rabno inaan ku gaarno xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,fariimaha ey dirayaan Faransiiska iyo saaxibadda Carabta ee Gobolka Bariga dhexe ayaa ah in Isra’iil ka baxdo oo ey caqligeeda ka saarto iney weerarto magaaladda Rafax”. Segronet ayaa diiday inuu sheego heerka ey gaarsiisan tahay rajada uu ka qabo in heshiis la gaaro,balse taas bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu rajaynaayo in seddexda mawaadin ee Farnsiiska ah ee ka mid ah la haysatayaasha in lagu soo daro liiska dadka la sii deyn doono haddii xabad joojin laga gaaro Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA DIGAY IN LA WEERARO RAFAX.

&SAWIRKA)-BLINKEN OO GAARAY TEL AVIV.

(TEL AVIV)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay intii uu ku guda jiray booqashadiisa Isra’iil in dalka Maraykanka ey ka go’an tahay in heshiis xabad joojin ah laga gaaro Marinka Gaza taaso ku xiran sii deynta Maxaabiista ey kala haystaan labada dhinac,Blinken ayaa carabka ku adkeeyey intii uu socday kulankii uu la yeeshay Reysal Wasaare Benjamiin Netanyahu iyo sida Maraykanka uu uga soo horjeedo in weerar lagu qaado Rafaxa sida ey Wakaaladda Wararka France Press ka soo xigatay masuul Maraykan ah. Blinken ayaa xaqiijiyey in Washington ey ka soo horjeedo weerarka ey Isra’iil ku qaado magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza,intii uu socday wada hadalada uu Blinken la yeeshay Netanyahu ayuu RW-Netanyahu balanqaaday inuu horay u sii wadi doono weerarka Rafax sida laga soo xigtay saraak Maraykan ah.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-NETANYAHU OO KA WALAACSAN MAXKAMADDA ICC

(SAWIRKA)-HOGAANKA DAGAALKA EE ISRAEL.

(HAGUE)-Qareenadda u doodaya Isra’iil ee jooga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee ku taalo magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa ka walaacsan in amarka lagu soo xiraayo saraakiisha reer Isra’iil laga yaabo in si qarsoodi ah loo soo saaray,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta Isra’iil. Warbixin ey soo saartay Ynet ayaa lagu sheegay in qareenada ey ka walaacsan yihiin in saraakiisha Isra’iil ey ogaan karaan waaranka digniin la’aan marka ey gaaraan dalalka Yurub. Warbixintu waxa ey sheegtay in amarkan oo kale uu salka ku haayo hadalo ka soo yeeray qaar badan oo ka mid ah Madaxda Isra’iil intii uu socday dagaalka ka socdo Marinka Gaza kuwaaso ey uga digaayeen Falastiiniyiinta ku sugan dhulka la go’odoomiyey in loo diido cuntada iyo gargaarka. Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu uu sida muuqata u adeegsanaayo xeelad Hanjabaada ah oo ka dhan ah dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Mr.Karim Khan,isagoo habdhaqankiisa barbar dhigaayo “Maroodi dhex taagan dukaan ku yaalo Shiinaha”,Israa’iil ayaa sidoo kale waxa ey raadinaysaa iney damaanad ka hesho Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken si dawladda Maraykanka ey u soo farageliso dacwdaan una joojiso talaabo kasta oo ey ICC-da qaadeyso.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMDDA ICC-DA OO WARAYSAY SHAQAALE CAAFIMAAD.

(SAWIRKA)-BURBURKA GAARAY MARINKA GAZA.

(LONDON)-Waxaa jirta xaalad si weyn looga sugaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv kuna saabsan Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda(ICC) oo soo saarta amaro lagu soo xiraayo Hogaamiyeyaasha Isra’iil ka dib markii ey Maxkamdu heshay Marqqatiyaal ku sugnaay goobaha caafimaadka ee Marinka Gaza marka lagu daro rajada laga qabo wada hadaladda Qaahiro ee ku saabsan soo jeedinta cusub ee xabad joojinta Marinka Gaza. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay laba ilo wareedyo maanta oo Isniin ah,in dacwad oogayaashu Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey waraysi la yeelatay shaqaale ka tirsan labada Isbitaal ee ugu waa weyn Marinka Gaza,waane xaqiijintii ugu horeysay in Isra’iil xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza,baarayaasha Maxkamadda ayaa la hadleen shaqaalaha caafimaadka waxa eyna wax ka weydiiyeen sida wax uga dheceen Marinka Gaza waxaane suurtagal ah iney sheegeen in dembiyo xadgudub ku ah Xuquuqda aadanaha ey ka dheceen Marinka Gaza waqtigii ey soo weerareen ciidamadda difaac Isra’iil.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA WALAACSAN HUBKA UU SIIYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-ANTONY BLINKEN.

(WASHINGTON)-Qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa kula taliyeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ineysan heleyn wax lagu kalsoonaan karo ama la isku halayn karo damaanadda Isra’iil ee ah iney isticmaaleyso hubka uu Maraykanka bixiyey si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo tan bani’adanimadda,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda gudaheeda oo ey dib u eegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Sida ku cad Heshiiska Amniga Qaranka(NSM) ee uu soo saaray Madaxweyne Biden bishii Feberaayo,Blinken waa inuu warbixin siiyaa Aqalka Koongareeska Maraykanka 8/5/24-ka haddii uu helo damaanad lagu kalsoonaan karo oo Isra’iil ah taaso ah adeegsiga Hubka Maraykanka sameeyey eysan ku xadgudbin sharciga Maraykanka iyo kan caalamiga ah. Taariikhdu markeey ahayad 24/3/24-kii,ugu yaraan todobo xafiis oo Waaxyaha dawladda ah waxa ey u soo direen Blinken xusuusta kala doorashada ah ee bilawga ah. Qeybo ka mid ah qoraalkaas oo aan horay loo sheegin ayaa la kala saaray. Soo gudbinta qoraalkan ayaa bixineyso sawirka ugu balaaran ilaa taariikhda kala qeybsanaanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku saabsan in Isra’iil laga yaabo iney ku xadgudubto sharciga caalamiga ah iyo bani’adanimo ee caalamiga ah.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NETANYAHU OO KA WALAACSAN IN LA SOO XIRO.

(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.

(LONDON)-Dalka Maraykanka ayaa ka shaqeynaaya sidii uu uga hortegi lahaa soo saarista Waaran Qabasho oo ey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey ku soo rogtay Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu Waarankaaso ku saasbsan Weerarka ey Isra’iil ku qaaday Marinka Gaza,sidaas waxaa ku warantay warbaahinta dalka Isra’iil. Sida laga soo xigtay Mareegta Wararka ee Walla,RW-Netanyahu waxa uu hogaamiyaa “Dagaalka aan joogsiga lahayn oo dhanka Telefoonka ah”si uu uga hortago amar soo qabasho ey soo saartay Maxakamadda Caalamiga ee Dembiyadda ICC,la xiriirka Aqalka Cad ee dalaka Maraykanka. Wargayska laga leeyahay dalka Isra’iil ee Maaiv ayaa sheegay in RW-Netanyahu uu “Cabsi qabo oo uu si aan caadi ahayn u walaacsan yahay”suurtagalnimadda amar lagu soo xiraayo oo soo socdo,ilo wareed aad ugu dhaw Wargayska ayaa rumaysan in Amarka xariga ee RW-Netanyahu uu yahay mid waqti yar uun ey ka harsan tahay,Wargaysku waxaa kaloo uu sheegay in Wasiirka G/dhiga Isra’iil Gallant iyo Taliyaha ciidamadda Isra’iil S/G.Herzi Halevi sidoo kale la siin karo Waaran.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUDAAN OO EEDEYSAY DALKA IMAARATKA.

(SAWIRKA)-C/FATAAX AL-BURHANI.

(PORT SUDAN-SUDAN)-Dalka Sudan ayaa codsaday kulan deg deg ah oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ka yeesho waxay ugu yeertay “Gardaradda”dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo lagu eedeeyey iney taageerto kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira ciidamadda dawladda Sudan,ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaas sheegay maanta oo Sabti ah. Dagaalka ka socdo dalka Sudan ayaa soo bilawday bishii Abriil ee sannadkii hore 2023-kii,waxa uuna dagaalka u dhexeeyaa ciidamadda dawaldda Sudan uu hogaamiyo C/fataax AL_Burhani iyo jabhadda Xoogaga Gagaarka deg dega ah oo uu hogaamiyo ku xigeenka Burhani ninka la yiraahdo Maxamed Hamdan Dagalo,ciidamadda dawladda Sudan ayaa dalka Imaaraatka Carabta muddo bil ah ku eedeynaayey iney taageerto ciidamadda Dagalo,laakinse Imaaraatka ayaa arrintaas beeneeyey. Ilo wareedyo ku dhaw AL-Burhani ayaa laga soo xigtay in AL-burhani yiri shalay oo Jimca ahayd “Wakiilkayga joogtada ah ee Qaramadda Midoobe wuxuu soo gudbiyey codsi ku saabsaan fadhi deg deg ah oo Golaha Amaanka QM si looga hadlo Gardaradda Imaaraatku ku haayo dalka Sudan iyo bixinta hubka iyo qalabka ee maleeshiyaadka aragagixisada”.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA CIRAAQ OO SHARCI ADAG KA SOO SAARAY LAGA ROONAYAASHA.

(SAWIRKA)-CALANKA LAGA ROONAYAASHA.

(BAQDAD-IRAQ)-Wararka ka imanayo dalka Ciraaq ayaa sheegaayo in Baarlamaanka dalka Ciraaq uu meel mariyey sharci cusub oo dhigaayo in dadka ka tirsan Ururka laga roonayaasha ee LBGTQ+ ey xabsi geli doonaa ilaa muddo dhan shan iyo toban sano ah haddii lagu soo eedeeyo falal la xiriiro Jinsiga. Raa’id Maaliki oo xubin ka ah gudiga sharciga ee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in wax ka bedelka sharciga ka hortaga dhileysiga uu ka mid noqon doono qodobo lagu ciqaabaayo”dhaqanada ku dayashada haweenka”,Jinsi isbedelka iyo “kor u qaadista falalka galmada”, iyo mamnuucidda ururada”kor u qaadida “ dhileysiga iyo ka leexinta galmada,sida uu u sheegay shafaq News. Sharciga cusub waxa uu dhigayaa ugu yaraan 10-sano oo xarig ah inuu yahay fala Qaniisnimadda iyo ugu yaraan 7-sano oo xariga ah cidii lagu arko kor u qaadida dhaqdhaqaaqa Ururka LGBTQ+. Amiir AL-Ma’amuuri oo ah xildhibaan madax banaan ayaa Shafaq News u sheegay in sharciga cusub yahay “Talaabo muhiim ah oo lagula dagaalamaayo ka leexinta galmoodka marka loo eego gelitaanka kiisaska gaarka ah oo ka hor imaanaayo Qiyamka Islaamka iyo Bulshada”. Ka hor sharciga cusub Qaniisnimada waxa ey ahayd mid sharci ah gudaha dalka Ciraaq in kastoo dad fara badan oo ka tirsan Ururka LGBTQ+ ey la kulmeen xadgudub,Hanjabaad iyo dil gudaha dalka Ciraaq.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO EY KA TAAGAN TAHAY XIISAD DIINEED.

(SAWIRKA)-CALIREZA PANAHIAN.

(TEHRAN-IRAN)-Dalka Iraan waxa uu ka mid yahay wadamadda Islaamka waxa uuna xubin buuxda Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC),Iraan waa dawlad ka mid ah wadamadda Bariga Dhexe ku yaalo balse aan xuduud toos ah aan la leheyn Isra’iil cadaawadse kala dhexeyso. Iraan waxaa u badan dadka Shiicadda ah oo kuwa Sunniyiinta ah waa laga tira badan yahay oo ma aha kuwa ka muuqdo siyaasadda dalkaasi,si kastaba ha ahaatee,dalka Iraan gudihiisa waxaa dembi ka ah in Nabegayna Muxamad(SCW) wax laga sheego amaba loo gefo,waxaane sharci ka ah dalka Iraan haddii wax laga sheego amaba hadallo deelqaaf ah oo ku saasban Nebi Muxumad(SCW) dadka waxa ey inta badan ku muteystaan xabsi dhan shan sano ah. Wadaad uu si aad ah u jecel yahay Hogaamiyaha sare ee dalka Iraan Cali AL-Khameyni ayaa lagu eedeyey inuu galay dembi la mid ah horaantii bishan,waxa uu la kulmay aamusnaan ka timid dhimnaca hogaanka sare ee Iraan. Canaan la’aanta rasmiga ah ma eysan dareemin dadka reer Iraan oo xanaaqsan kuwaaso si deg deg ah u tilmaamay labada heer taaso u ogolaatay wadaadka xagjirka ah ee Calireza Panahianin aan la ciqaabin. Intii lagu guda jiray barnaamij ah faalo siyaasadeed oo laga sii daayey TV-ga dawladda Iraan ayuu wadaadka xagjirka ah ee Calieza Panahian ayuu ka hadlay “Maseyrka Ruuxiga ah”waxa uuna yiri Nebi Muxamed wuxuu ahaay “mid aan faraxsaneyn”iyo “inuusan ahayn saaxib naftiisa iyo Imaam Cali”.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADDA ICC OO KU DHEGAN NETANYAHU.

(SAWIRKA)-NETANYAHU.

(TEL AVIV)-Isra’iil ayaa lagu soo waramayaa iney ka walaacsan tahay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) iney soo saarto amar lagu soo xiraay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sar sare oo kale kana tirsan xukuumadiisa,ka dib dacwada socoto weli kuna saabsan dagaalka Marinka Gaza una dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas. Saraakiisha sare ee dawladda Isra’iil ayaa kulamo deg deg ah ku yeeshay magaaladda Tel Aviv todobaadkan si ey uga wada hadlaan suurtagalnimada in Maxkamaddu ey soo saarto amar lagu soo xiraayo RW-Netanyahu,Wasiirka difaaca Gallant iyo taliyaha Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) Herzi Halevi,sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil. Saraakiisha Isra’iil ee walaaca ka muujiyey arrintaan ayaa isku dayaya iney taageero ka helaan xulufadooda reer Galbeedka ee ku saabsan baaritaanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee dagaalka ey hadda Isra’iil ku hayso Gaza iyo xasuuqyada kale ey ciidamadda difaaca isra’iil ka gaysteen dhulka la haysto ee daanta galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More