AFAR SHAQAALE OO YEMENIYIIN OO KU DHINTAY CIRAAQ.
(SAWIRKA)-BAABUURTA GARGAARKA DEG DEG AH.
(ERBIL-IRAQ)-Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya ayaa waxaa lagu qaaday dhismo lagu sifeeyo Gaaska eyna iska leedahay dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta maanta oo Jimca ah,dhismaha la weeraray ayaa waxa uu ku yaalaa Waqooyiga dalka Ciraaq,waxaane weerarkaasi ku dhintay afar qofood oo shaqaale ahaay una wada dashay dalka Yeman. Weerarka ayaa lala beegsaday dhismaha Khor Moor oo ey iska leedahay shirkadda Dana Gas oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ku taalo Suleymaaniyaha. Afhayeen maamulka Kurdistan(KRG) Pehawa Hawramani ayaa weerarka ku tilmaamay inuu yahay mid aragaixiso,waxa uu intaas raaciyey in goobta gaaska uu soo gaaray burbur xoogan,sidoo kalane weerarka uu sababi doono koronto yaraan ka dhacda Suleymaaniyah. Bayaan ey soo saartay Wasaaradda Korontada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee KGR ayaa lagu sheegay iney hoos u dhacday quwadda Korontada qiyaas dhan 2,500 Meega Watt(MW) oo koronta ah weerarka awgiis. Ma aha markii ugu horeysay ee xaruntaan la beegsado,waxay wajahday weeraro loo adeegsaday Gentaalo sannadii la soo dhaafay iyadoo duqeyntii ugu dambaysay loo isticmaalay Drones-ka Ismiidaamiyo bishii Janaayo-2024-ka.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO ISU DIYAARINEYSO WEERAR EY KU QAADO RAFAX.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA RAFAX.
(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah wafdi ka socdo dalka Masar ayaa wada hadallo xukumadda Isra’iil kula yeeshay magaaladda Tel Aviv,kulankaas oo warbaahinta Cibriga ey ku soo warantay in dalka Masar uu soo bandhigay Hindise lagu doonaayo iney heshiis wada gaaraan Isra’iil iyo Xamaas. Warbaahinta Cibriga ee Wallah ayaa daaha ka qaaday in Isra’iil ey si cad ugu sheegtay dalka Masar in dhinacyadu ey haystaan fursadii ugu dambeysay ey ku heshiiyaan dawladda Isra’iil iyo Xamaas haddii eysan taasi dhicine ciidamadda Isra’iil waxa ey xoog ku geli doonaan Rafax. Shabakadaan oo soo xiganeysa masuul sare oo Isra’iil ka tirsan ayaa sheegtay in Isra’iil ey u cadeysay Masar in wada hadaladii maanta ey la yeesheen wafdigii reer Masar ee booqday Tel Aviv iney Isra’iil diyaar u tahay iney fursadda ugu dambaysay siiso heshiis,haddii wax horumar ah la gaari waayana Isra’iil ey bilaabi doonto hawgal ku wajahan Rafax.
ISHA/ARAB.
GAZA OO LAGA HELAY MEYDAD XUBNO LAGALA BAXAY.
(SAWIRKA)-XABAAL WADAREEDYO.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo inuu jiro tuhun ah in qaar ka mid ah dhibanayaasha Xabaal Wadareedka ee laga helay Isbitalka Naasir loo gaystay Xatooyo Xubno ka mid Jirkooda,halka Xarakadda Xamaas ey ku baaqday baaritaan caalami ah oo deg deg ah. Arrintaan ayaa timid xilli ey shir jaraa’id ku qabteen magaaladda Rafax ee koonfurta Marinka Gaza si ey u iftiimiyaan arrintaan Seddexda Xabaal Wadareed ee laga helay Isbitaalka Naasir ee magaaladda Khan Yoonis ka dib markii ey isaga bexeen ciidamadda difaaca Isra’iil 7/4/24-ka. Intii uu socday shirka Jaraa’id ayaa Agaasimaha Waaxda Agabka iyo sahayda shacabka ee Marinka Gaza Muxamed AL-Muqayar waxa uu soo bandhigay muuqaalo muujinaayo qaar ka mid ah meydadka dadka la xasuuqay ee Xabaal Wadareedyada kuwaaso ey ka muuqatay jirdil iyo baco lagu xiray. AL-Muqayar ayaa sheegay iney soo heleen meydad ey gacmahooda isku xiran yihiin calooshooduna furan tahay ey ka muuqdaan toliin aan ahayn midkii caadiga ahaay ee dadka loo toli jiray,waane midaas tan kor u qaaday inuu jiro shakiga ah in lala baxay xubnahooda ka dib markii la dilay.
ISHA/ARAB.
MW-BIDEN IYO 17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.
(SAWIRKA)-17-HOGAAMIYE OO BAAQ U DIRAY XAMAAS.
(WASHINGTON)-Marka laga hadlaayo dagaalka u dhexeeyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-kii oo maanta galay maalintiisii 202-aad ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,tirada dadka reer Falstiin ee ku geeriyooday dagaalka Marinka Gaza ayaa lagu sheegay iney dhan yihiin 34,183-Qof halka dad dhaawaca ah ey dhan yihiin 77.889-Qof,waxaane jiro tiro kale oo dad ah oo lagu la’ayahay nolol iyo geeri oo reer Falastiin ah. Isra’iil ayaa dagaalkan ku khasbay iney gasho ka dib markii Xarakadda Xamaas ey ka dishay 1,200-Qof una badan ciidamadda isla markaasne ey soo qafaasheen 253-kale oo isugu jira shacab iyo askarba.Hadaba Madaxweyne Biden iyo Hogaamiyeyaasha 17-Wadan oo Muwaadiniintooda ey qafaasheen Xarakadda Xamaas ayaa soo saaray bayaan wadajir ah maanta oo Khamiis ah waxa eyna Xarakadda Xamaas ugu baaqeen iney aqbasho heshiiska la hasytayaasha ee hadda saaran miiska kaaso horseedayo xabad-joojin ka dhacda Marinka Gaza. Kani waa bayaankii ey si wadajirka ahaa ee ugu muhiimsanaa ee ey beesha caalamku daabacday tan iyo 7/10/23-kii oo Xarakadda Xamaas ku caadineyso iney sii deyso la haystayaasha. Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixan Biden iyo Madaxda kala ah”Argentina,Austria,Brazil,Bulgaria,Canada,Colombia,Denmark,Hungry,Germany,France,Poland,Porugal,Romania,Serbia,Spain,Thailand iyo UK”. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa hadal kooban ku sheegay in fikradda daabacaada bayaankan wadajirka ah ey soo baxday intii lagu guda jiray kulan dhexmaray la taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka Jake Sullivan iyo xubnaha qoysaska la haystayaasha Maraykanka laba todobaad ka hor. “Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ey Xamaas ku haysato Gaza in ka badan 200-Maalmood. Waxaa ku jira Mawadiniinteyna,waa walaac caalami ah”18-Hogaamiye ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
ISHA/AXIOS.
GAZA: HOOYO MEYDKA WIILKEEDA KA HESHAY XABAALO WADAREED.
(SAWIRKA)-XABAALO WADAREED LAGA HELAY KHAN YOONIS.
(GAZA)-Reem Zidan oo ah Hooyo Falatiiniyad ah ayaa wiilkeeda raadineysay muddo bilo ah ilaa ugu dambeyntii ey meydkiisa heshay maanta oo Arbaca ah(24/4/24)-ka,ka dib markii Cagaf Cagaf uu haraaga Meydkiisa uu ka soo saaray god ka baxsan Xarunta caafimaad Naasir ee Khan Yoonis ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza. Hooyadaan oo Falastiiniyad ah oo murugaysan ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Press “Waxay ii sheegeen inaan halkaan ka tago,markaas ayaan ku iri “Wiilkayga waxa uu ku hoos jiraa Cagaf Cagafta isagoo 22-jir ah”. Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid weeraradii iyo hawlgaladii Israa’iil ee Khan Yonis waxaane bilaabatay in shaqaalihii caafimaadka ey bilaabaan iney dib ugu soo laabtaan goobohoodii shaqo,waxa eyna taasi sababtay in meydad fara badan dhulka hoostiisa laga soo aaro gaar ahaan Isbitaalka Naasir.
ISHA/ARAB.
XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARTAY MARAAKIIB MARAYAKAN.
(SAWIRKA)-AFHAYEENKA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ayaa sheegaayo in Afhayeenka u hadla kooxda Xuutiyiinta Yaxye AL-sareec uu maanta oo Arbaca ah uu shaaca ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ey weerar la beegsadeen laba Markab uu mid Maraykanka leeyahay iyo midka kalane ey leeyahay Isra’iil kuwaaso maraayey Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Yaxye AL-sareec ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey fuliyeen “hawlgal Mileteri oo lagu beegsaday Markab uu leeyahay Maraykanka lana yiraahdo”MAERSK YORKTOWN” oo maraayey Gacanka Cadmeed,waxaane lala beegsaday dhawr Gentaal oo ah kuwa lida Maraakiibta duqeyntuna waa sax”,labada hawlgal ey sameeyeen Xuutiyiinta Yeman mid ka mid ah ayaa lala beegsaday Maraakiib dagaal uu Maraykanku leeyahay oo maraayey Gacanka Cadmeed,waxaane lagu tuuray tiro diyaaradaha oo Ismiidaamiya ah,Markabka kale ee isna la beegsaday ayaa waxa lahayd Isra’iil waxa uuna maraayey Badweynta Hindiya,waxaane Markabkaan la yiraahdaa”MSC VERCRUZ” waxaane lagu tuuray tiro diyaaradah Ismiidaamiya ah.
ISHA/ARAB.
DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII 200-AAD.
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(MARINKA GAZA)-Sida aan la wada socono dagaalka Marinka Gaza ayaa waxa uu soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii,dagaalka ayaa qarxay ka dib markii Xamaas ey weerar gaadmo ku qaaday Isra’iil kana dishay dad gaaraayo ilaa 1200-Qof halka ey Xamaas soo qafaashtay dad dhan ilaa 352-Qof kuwaaso qaarkood ey ku dhinteen duqeyntii Isra’iil ka gaysatay Gaza dhawrkii bilood ee la soo dhaafay. Hadaba dagaalka Marinka Gaza ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 23/4/24-ka waxa uu galay maalintiisii laba boqolaad(200),waxaane dagaalka Gaza ku dhintay dad ey tiradooda gaareyso ilaa 34.183-Qof,waxaane ku dhaawacmay ilaa 77.143-Qof. Dadka geeriyooday ayaa waxa ey badan yihiin Caruur waxaane tiadooda lagu sheegay iney dhan tahay ilaa 14,560-Canug,waxaane ku xiga Dumarka oo iyaga gaaraayo ilaa 9,583-Qof,dagaalkan ayaa waxaa ku barakacay gudaha Gaza dad garaayo ilaa 1.9-Milyan oo reer Gaza ah,waxa uuna burbur soo gaaray guryo dhan ilaa 360-kun guri. Hayadaha Qaramada Midoobe ee ka hawlgala Marina Gaza ayaa soo sheegay in 85% daka reer Gaza ey barakaceen halka 60% ey burbureen dhismayaashii Gaza ku yiil. Weeraradii Isra’iil ey ku qaaday Marinka Gaza maanta oo Talaada ah(23/4/24)-ka ayaa waxaa ku dhintay dad dhan 32-Qof waxaane ku dhaawacmay dad garaayo ilaa 59-Qof.
ISHA/SB-MEDIA.
MIDAWGA YURUB OO U SOO GURMADAY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-WAKIILKA MIDAWGA YURUB IYO MIKATI.
(BEIRUT)-Wararka imaanayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Gudiga Deriseynta iyo Balaarinta u Qaabilsan Midawga Yurub Oliver Varheli ayaa sheegay in “Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan ey yihiin kuwa mudnaanta koobaad u leh Yurub", inta uu ku guda jiray socdaalkiisa uu ku soo gaaray caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut maanta oo Isniin ah ayuu halkaasi waxa uu kula kulmay masuuliyiin reer Lubnaan ah,Oliver ayaa carabkiisa ku adkeeyey sheegayne in xiriir qotada dheer ee u dhexeeyo Midawga Yurub iyo dalka Lubnaan kuna saabsan arrintaan”. Oliver,war qoraal ah uu soo saaray ayuu ku sheegay ka dib markii uu kulan la qaatay Ku-Simaha Reysal Wasaaraha dalka Lubnaan Najiib Mikaati yiri ”Waxaa iska cad Golaha Yurub inuu doonaayo inuu gacan ka gaysto Xasiloonidda iyo Amaanka dalka Lubnaan iyadoo dalka Lubnaan kaalmo dheeraad ah laga siinaayo dhinaca Ciidamadda Qalabka Sida,Hayadaha kale ee gacanta ka gaysta Amniga iyo Xasiloonidda Gobolka,sidaas darteed,waxaan raadineynaa Xirmo taageero iyo talaabooyin joogta ah si aan u taageerno Xasiloonidda iyo Amniga dalka Lubnaan”. Varheli Oliver waxa uu intaas raaciyey “inaan si dhaqsi ah u dhammaystirno arrintaan,oo aanu ku dhaqaaqi doono Xirmadaan iyo dhammaystirkeeda marka uu Madaxweynahaynu uu yimaado dalka Lubnaan,waxaan ku dhawaaqi doonaa waqtigaas”
ISHA/ARAB.
XARAKADDA XAMAAS OO BEENISAY WARAR…
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(DOHA-QATAR)-Ka dib markii ey soo bexeen wararka sheegaayo in xaruntooda dalka Qadar loo raraayo dalka Turkiga ama meel kale,Xarakadda Xamaas ayaa Xaqiijisay in dawladda Qadar eysan ka codsan ka bixitaankooda Dooxa iyadoo beenisay wararka la faafiyey. Afhayeenka Xarakadda Xamaas Muxamed Nazaal ayaa intaas raaciyey in Xarakadda Xamaas eysan Dooxa ka bexeyn ka dib markii uu Waraysi siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Carabiya Qeybtiisa AL-Xadath ee magaaladda Dooxa maanta oo Axad ah,taaso muujinayso warka la faafiyey inuu yahay been la iskuna dayaayo in Xarakadda Xamaas cadaadis lagu saaro iney isaga baxd dalka Qadar. Wargayska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii shalay sheegay in Hogaanka Siyaasadda Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah uu ka fikiraayo inuu xaruntiisa u raro meel ka baxsan dalka Qadar iyadoo uu sii kordhaayo cadaadiska Xubnaha Koongareeska dalka Maraykanka ey ku hayanaa dalka Qadar oo qeyb ka dhexdhexaadiyeyaasha Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,halka dhexdhexaadiye kale oo Carab ah kuna jira wada xaajoodka(Masar) uu Wargaysku tilmaamay suuragalnimada in wada hadaladda Xabad joojinta u dhexeuso Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas iney gebi ahaanba Burburaan. Wargayska Wall Street Journal ayaa masuuliyiin Carbeed waxa uu ka soo xigtay in Xarakadda Xamaas ey maalmihii la soo dhaafay la xiriirtay ugu yaraan laba wadan oo Gobolka ah iney siiyaan fursad ah in Hogaamiyeyaashooda Siyaasadda iney u guuraan caasimadahooda.
ISHA/AL-ARABIYA.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO CIIDMADDA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.
(WASHINGTON)-Dawladda Isra’iil ayaa ugu baaqday maamulka Madaxweyne Joe Biden Axada Maanta ah inuu si guud iyo si gaar ahba dib u eegis ku sameeyo go’aan la filaayo ee ah in cunaqabateyn lagu soo rogi doono Guutada Difaaca Isra’iil ee “NETZAH YEHUDA”ee Xadgudubyada Xuquuql Insaanka ka gaysatay Daanka Galbeed ee Isr’aiil haysato. Saraakiisha Isra’iil ayaa u sheegay wargayska AXIOS iney aad uga walaacsan yihiin go’aanka aan horay loo arag inuu u hordseedi karo cunqabateen dheeraad ah oo lagu soo rogo Qeybaha kale ee Ciidamadda Difaaca Isra’iil. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa la filaa inuu maalmo gudahood ku dhawaaqo cunaqabateyn ka dhan ah Guutada Ciidamada Difaaca Isra’iil ee ‘NETZAH YEHUDA” ee loo haysto iney gaysatay Xadgudub Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulka Isra’iil haysato,sidaas waxaa shalay oo Sabti ahayd sheegay wargayska AXIOS. Cunaqabateynta Maraykanka saaraayo Guutadaan ayaa ka mamnuuci doono Guutada iyo xubnaheeda iney Maraykanka ka helaan nuuc kasta oo ka mid ah kaalmada iyo tababarada Ciidanka,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo Mileteri.
ISHA/AXIOS.
MAXAAN KA OGNAHAY DAGALKA IRAAN IYO ISRA’IIL?
(SAWIRKA)-BANANBAX KA DHACAY IRAN.
(LONDON)-Ma aha mid la wada moog yahay in Iraan iyo Isra’iil ey in mudda ah isu Boola Xooftenayeen balse markii dambe ey is fara saareen,Iraan waxa ey Gobolka Bariga dhexe ku leedahay xulafo hubaysan oo aad u fara badan marka loo fiiriyo Isr’aiil kuwaaso qaarkood ey Isra’iil la leeyihiin Xuduud dhinaca dhulka ah sida dalalka Lubnaan iyo Suriya,Isra’iil ayadane waa ey leedahay Xulafo carbeed kuna sugan mandiqadda Bariga dhexe balse ma aha kuwa cadeeystay dagaal ey ku difaacayaan dalka Isra’iil,wadamadda Carabta qaarkood ayaa Isra’iil siiya sirta Iraan kuna saabsan weeraradda Iraan ee ku wajahan Isra’iil sida midkii dhacay todobaad ka hor. Dalka Iraan ayaa 13-kii bishaan Abriil-2024-ka banaanka soo dhigay dagaalka uu kula jiro Isra’iil muddo dhan tobaneeyo sano ka dib markii uu Isra’iil ku qaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah,dalka Iraan ayaa weerarkiisu ahaay mid aargoosi ah ka dib markii ey dheceen duqeymo looga shakiyey iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,duqeyntaas ayaa waxaa lala beegsaday Qunsuliyadda Iraan ee caasimadda Suriya ee Dimishiq,waxaane halkaas lagu dilay todobo qofood oo ku sugnaay qunsuliyadda Iraan eyna ka mid ahaayeen laba sarkaal oo ka tirsan Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC).
ISHA/AN.
190-QOFOOD MEYDADKOODA AYAA LAGA SOO HELAY XABAAL…
(SAWIRKA)-GOOBTII LAGA HELAY XABAAL WADAREEDKA.
(GAZA)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in halkaasi dad fara badan oo Falastiiniyiin ah oo gaaraayo ilaa 190-qof Meydadkooda laga soo saaray Xaabaal Wadareed ku dhex yaalo Isbitaalka Naasir ee magaaladda Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Falastiiniyiinta ee WAFA maanta oo Axad ah. Meydadkaan ayaa la soo helay ka dib markii ciidamadda difaaca Isra’iil ey isaga bexeen magaaladda Khan Yoonis todobadii bisha Abriil(7/4/24)-ka,waxaane magaaladda Khan Yoonis ka dhacay weerar culus ey ku soo qaadeen ciidamadda difaaca Isra’iil,Xabaal Wadareedka la soo helay dadka ugu badan waxa ey yihiin Dumar iyo Caruur ey dileen ciidamadda Isra’iil. Sida laga soo xigtay Warfidiyeenadda ku sugan Khan Yoonis dadka la la’ayahay ayaa lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 500-qofood mana jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamadda difaac Isr’aiil.
ISHA/AA.
FARNSISKA OO DALKIISA KA TARXIILAY IMAAM…
(SAWIRKA)-ASKERI FARANSIIS AH.
(PARIS)-Dawaladda Faransiiska ayaa dalkeeda waxa ey ka ceyrisay shalay oo Jimca ahayd kuna beegneed 20/4/24-ka Imaam Majsjid una dhashay dalka Aljeeriya lana yiraahdo Maxamed Taatiyat kaaso Imaam ka ahaay mid ka Mid ah Masaajidada Tuuloz ee Koofurta dalka Faransiiska waxaane Imaamka loo taRxiilay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Aljeeriya ka dib markii ey Maxkamadi ugu dambeyntii ey ku xukuntay dembiga ah”Nacayb iyo Hurinta Rabshadaha ka dhanka ah dadka Yahuuda ah”,sidaas waxaa laga soo xigtay bogga France24. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Faransiiska Gerald Dermanin ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in sharciga socdaalka (loo ogol yahay)mar kale ceyrinta Imaamka ee Tulooz kaaso kicinayey Nacaybka oo si cadaalada ah loogu xukumay dalkiisa in ka yar 24-saacadood ah”. Dhinaciisa,mid ka mid ah Qareenada Imaam Taatiyat ayaa dhaleeceeyey ceyrinta ku dhacday Imaamka waxa uuna ku sheegay iney tahay mid loo adeegsaday “Xoog Mileteri”,Qareen Aglisiis ayaa yiri”Ma ahayn amar deg deg ah isagu waxa uu joogay Faransiiska muddo dhan Afartan sano,waxa uu leeyahay Caruur, waxa uuna ka shaqeeyaa halkaan,Muddo todoba sano ah wax buuq ah ma uusan sameeyn Imaamka,waxa uuna hadda sii saaran yahay diyaarad isagoo ku sii jeeda Aljeeriya.
ISHA/ARAB.
WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY DALKA CIRAAQ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(IRAQ)-Dhawr qof ayaa ku dhaawacantay “Bam” xalay lagu weeraray saldhig ey ciidamadda Ciraaq leeyihiin iyo kooxaha Isbahaysiga hubaysan ey taageerto dawladda Iraan sida ey sheegeen laba ilo wareedyo amni subanimadii maanta oo Sabti ah. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Mileteri Calso ee Gobolka Baabiloon ee Koonfurta caasimadda Baqdaad halkaas ey ku sugan yihiin ciidamo abaabulan oo Ciraaqiyiin ah loona yaqaano “XASHDI AL-SHACBI” sida laga soo kala xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq iyo saraakiil Mileteri. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa sheegay in duqeynta hawada uu ku dhintay hal qof eyna ku dhawacmeen sideed kale,isla weerarkaas ayey ilo Mileteri sheegayaan in seddex askeri oo ka tirsan Mileteriga dalka Ciraaq lagu dhaawacay. Weerarkaan dhinaca cirka ah ee ka dhacay dalka Ciraaq ayaan ilaa hadda cidna sheegan iney iyadu ka dambeysay balse waxaa war cad ka soo saaray Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ee CENTCOM sheegayne inuusan ku lug lahayn weerarka xalay ka dhacay dalka Ciraaq,waxaase dhici karta in weerarka ey qaadeen kooxo reer Ciraaq ah kana soo horjeedo kooxahaan reer Ciraaq ey taageerto Iraan.
ISHA/ARAB.
9-QOFOOD OO HAL QOYS AH OO LAGU DILAY RAFAX.
(SAWIRKA)-GURI ISRA’IIL WEERARTAY.
(GAZA)-Hayadda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in weerar dhacay goor habeen ey fulisay Isra’iil ey ku dhinteen Sagaal Qofood oo ka wada tirsan hal Qoys oo Falastiin ah,dadkaan la dilay ayaa waxaa ka mid ahaay ilaa lix caruur ah waxa uuna weerarka ka dhacay magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Shan caruur ah oo ey da’adoodu u dhexeyso hal sano ilaa iyo 16-jir ah ayaa ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii cirka ee Isra’iil,waxaane caruurtaas dhimatay wehliya laba dumar ah iyo hal nin sida uu sheegay Isbitaalka magaaladda AL-Najaar. “Sagaalka Qofood ee Shahiiday oo ey ku jiraan lix caruur ah ayaa laga soo saaray burburka dhismihii ey ku sugnaayeen ka dib markii ciidamadda cirka ee Isra’iil duqeyn ey u gaysteen gurigii ey deganaayeen Qoyska Ridwaan oo ku yaalo Xaafadda Tal AL-Suldaan ee Rafax”afhayeenka Hayadda Difaaca Madiniga ah ee Marinka Gaza Maxamud Basaal ayaa ku yiri hadal uu soo saaray weerarka ka dib.
ISHA/ARAB.
WAX KA OGOW MAXAABIISTA REER FALASTIIN.
(SAWIRKA)-SHAXDA GABOOD FALKA.
(QUDS)-Marka laga soo bilaabo sannadkii 1948-dii ilaa maanta la joogo dadka reer Falastiin waxa ey ku jireen dagaal aan lahayn dhammaad oo kala dhexeeyey Isra’iil,dagaalkan ayaa waxaa u sabab ah sida la sheegay Gumaysigii Ingiriiska ee waqtigaas oo dhulka reer Fakstiin ku wareejiyey Isra’iiliyiinta,hadaba dad reer Falastiin waxaa soo maray maalmo eysan marnaba hilmaami kareyn kuna qoran Xusuusto eyna isu soo gudbiyan min Jiil ilaa Jiil marka laga soo bilaabo1948-dii. Maanta waa maalin Arbaca ah waxa eyna ku beegan tahay 17/4/2024-ka,dadka reer Falastiin waxa ey u dabaal degaan Maalinta Maxaabiista Falastiin si ey muujiyaan dhibaatada iyo Halganka Maxaabiista si looga xureeyo Xabsiyadda Isra’iil. Halkan waxaa lagu soo bandhigay tirooyinka Maxaabiista ugu badan ee fadeexadda ku ah Isra’iil dembiyada ey ka gashay dadka reer Falastiin.
ISHA/ARAB.
SUDAAN: XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS XILAL.
(SAWIRKA)-WASIIR CALI AL-SADIIQ.
(KHARTUM-SUDAN)-War ka soo baxay Xukumadda Sudaan ee caalamku aqoonsan yahay ayaa lagu sheegay in Danjire Cali AL-Sadiiq laga qaaday Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sudaan,sidoo kale waxaa iyagan xilalkii ey haayeen laga kala qaaday Madaxdii Maamulka Goboladda Gadaarif iyo Kasalla ee wada dhaca Bariga dalka Sudaan. Go’aanka Golaha Wasiira dalka Sudaan ayaa Danjire Xuseen Cawad loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda,Danjire Xuseen ayaa horay u soo noqday Ku-xigeenka Xogahayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Sudan,sidoo kale waxaa iyagana la magacaabay Gudoomiyeyaasha Goboladda Gadaarif iyo Kasalla, Gobolka Gadaarif ayaa loo magacaabay S/G.Maxamed Axmed Xasan oo hawlgab ah,halka S/G.AL-Saadiq oo isna hawlgab ah loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Kasalla. Taariikhdu markeey ahayd 21/1/2022-kii ayuu Taliyaha Ciidanka Sudaan Md.C/fataax AL-burhaani waxa uu Danjire Cali AL-Sadiiq u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sudaan waxa uuna ka mid ahaay shan iyo toban Wasiir oo kale oo waqtigaas la magacaabay,AL-burhani ayaa qaaday talaabooyin gaar ah eyna ka mid tahay kala diradda Golihii Wasiiradda ee ku meel gaarka ahaay iyo ku dhawaaqidda xaalad deg deg ah,dhinaca, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda ee Sudaan waxaa waqtigaas loo magacaabay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda bishii Diseembar-2023-kii,waxaa kaloo horay uu u soo noqday Safiirka dalka Sudan u fadhiya dalalka Zambiya iyo Ugandha.
ISHA/ARAB.
MADAXA XAFIISKA SIYAASADDA EE XAMAAS HANIYAH OO…
(SAWIRKA)-MW ERDOGAN IYO ISMAACIIL HANIYAH.
(TURKEY)-Telefishanka NTV ee dalka Turkiga ayaa sheegay in Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah uu booqasho ku tegi doono dalka Turkiga maalmo gudahood si uu halkaas wada hadallo ugula soo yeesho Madaxweynaha dalka Turkiga Md.Rajab Dayib Erdogan. Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu Arbacadda maanta ah uu xaqiijiyey wax uu ku tilmaamay “Hogaamiyaha Qadiyadda reer Falastiin, uu marti ii noqon doono dhammaadka todobaadkan,waane wada hadli doonaa” ayuu yiri Erdogan. MW-Erdogan ayaa hadlakaan sheegay mar uu ka hadlaayey kulan ey yeesheen Xubnaha Xisbigiisa kaga jira Baarlamaanka dalka Turkiga,”Waxaan sii wedi doonaa inaan difaaco halganka geesiyaasha Falastiin,waxaan ahaan doonaa codka shacabka reer Falastiin ee dulman,xataa haddii aan ilaaheey i siin nolol kaligay baa la iiga tegay”.
ISHA/ARAB.
DALKA QADAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA.
(SAWIRKA0-SHEEKH MAXAMED BIN C/RAXMAN.
(DOHA-QATAR)-Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan AL-thani ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in wada hadaladdii ku saasbanaay xabad joojinta Marinka Gaza iyo sii deynta la haystayaasha reer Isra’iil ey mareeyso “Marxalad Xasaasi ah”. “Waxaan isku dayeynaa inta ugu macquulsan inaan wax ka qabano turturooyinkaan”ayuu raaciyey Md.Maxamed AL-thani isagoo aan bixin wax faahfaahin dheeraad ah. Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas ayaa cambaareeyey waxa uu ku tilmaamay siyaasadda ah”Ciqaab Wadareed ey weli wado Isra’iil taaso ey kula dhaqmayso dagaalka ey kula jirto kooxda reer Falastiin ee Xamaas,taaso soo xoogaysatay iyo xiisaddii ugu dambaysay ey ka dhacday Daanta Galbeed ee dhulka Isra’iil haysato. Wada hadaladda xabad joojinta oo ey dhexdhexaadinayaan dalalka Masar iyo Qadar ayaa weli sii socda iyadoo dhibaatadii bani’adanimo ee aadka u liidatay ey weli ka taagan tahay Marinka Gaza,waayo dadka reer Gaza ma haystaan cunto ku filan oo halkasi waxaa ka jirto cunto yari aad u ba’an,daawo yari iyo daryeel caafimaad aan halkaasi ka jirin. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee lix bil jirsaday ayaa yimid ka dib markii Xamaas ey weerartay dhulka ey Isra’iil haysato taariikhdu markeey ahayad 7/10/2023-kii,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad reer Isra’iil ah oo gaaraayo ilaa 1200-qofood,waxaane lagu soo qafaashay dad garaaayo ilaa 253-qofood una badan Isra’iil sida ey sheegtay Isra’iil. Dalka Isra’iil ayaa qaaday weerar aargoosi ah waxa uuna duqeyn aan kala sooc lahayn la beegsaday Marinka Gaza waxaane xigay weerar dhinac dhulka ah ey qaadeen ciidamadda difaac Isra’iil(IDF),waxaane weerarka Isra’iil ee Marinka Gaza ilaa hadda ku dhintay 34-kun qofood sida laga soo xigtay maamulka Caafimaadka ee Marinka Gaza.
ISHA/AW.
CABDOULAYE BATHILY OO IS CASILAY XILKII UU HAAYEY.
(SAWIRKA)-ERGAYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOOBE EE DALKA LIBIYA.
(LIBYA)-Ergayga Qaramadda Midoobe u qaabilsan dalka Libiya ayaa iska casilay xilkii uu haayey ka dib markii uu arkay inaan wax rajo ah laga qabin in Horumar laga sameeyo dhinaca siyaasadda ee dalka Libiya. Cabdoulaye Batilya ayaa sheegay in Rabitaan la’aanta siyaasadeed iyo niyad wanaag dhanka madaxda dalka Libiya ey ka dhigayan dadaaladda maamul u sameynta dalka Libiya ee Qaramada Midoobe kuwa aan waxba ka jirin,Sababta ugu weyn ey Libiya waxa uga socon la’ayihiin ayaa ah wadamadda shisheeye ee ku hardamaayo khayraadka dalka Libiya eyna ugu horeeyaan dalalkaq Turkig,Masar iyo Imaaraatka Carabta. Md.Bathilye ayaa sheegay in hayadaha caalamiga ah eysan ku guulaysan karin iney taageeraan isbedelka siyaasadeed ee dalka Libiya marka Hogaamiyeyashooda ey danahooda gaarka ah ka hormarinayaan xal u helidda dhibaatadda haysata dalka Libiya. “Waxaan shaqo ka tegisteeda u gudbiyey Xogahayah Guud ee Qaramada Midoobe”,siyaasigaan reer Senigal Cabdoulaye Bathily ayaa u sheegay Warfidiyeenadda maanta oo Talaada ah inuu iscasilay ka dib markii uu warbixin siiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe taaso ku saabsaneed xaaladda dalka ku yaalo waqooyiga Qaaradda Arfika ee la yiraahdoLibiya.
ISHA/AL-JAZEERA.