Ahmed Hussein Ahmed Hussein

S/G.MAXAMED XAMO OO DACWAD LOOGA FURAY SWEDEN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA SURIYA.

(STOCKHOLM)-Maxkamad ku taalo dalka Sweden ayaa waxaa ka furantay dacwad ka dhan ah taliye hore kana tirsanaay ciidamadda dalka Suriya S/G.Maxamed Xamu,waa sarkaalkii ugu horeeyey oo Suuriyaan ah oo lagu Maxkamadeeyo Yurub isagoo loo haysto inuu caawinay gacana ka gaystay Gumaad shacab loo gaystay iyo dembiyo dagaal intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee dalka Suriya. Shalay oo Isniin ahayd ayaa Maxkamad ku taalo magaaladda Caasimadda ah Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa ka furantay dacwad loo haysto Jineraal hore oo ka tirsanaay ciidamadda dalka Suriya sarkaalkaas ayaa ku lug yeeshay dembiyo dagaal oo dalka Suriya ka dhacay sannadkii 2012-kii. Maxamed Xamu waa 65-jir waxaane lagu oogay dacwad ah inuu taageeray xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,sidaas waxaa laga soo xigtay Warbaahinta gudaha ee dalka Sweden. Haddii S/G.Maxamed Xamu lagu helo dembiyadda lagu soo oogay waxa uu mutaysan doonaa Xabsi Da’in kaaso guud ahaan u dhexeeyo 20 ilaa 25-sano sida uu qabo sharciga dalka Sweden. Dacwad oogaha dalka Sweden haweeneyda la yiraahdo Karolina ayaa Maxkamadda u sheegtay in Xamu uu gacan ka gaystay “talooyin iyo Ficil”dagaalka ey wadaan ciidamadda dalka Suriya.

ISHA/YANI SAFAK.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO LAGA HELAY XABAAL WADAREED.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.GAZA

(GAZA)-Muuqaalo Video ah ayaa laga daawaday Xabaalo Wadareed ey ciidamadda difaac ee Isra’iil ku Aaseen barxadda Isbitaalka AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza ka dib markii ciidamadda difaaca Isra’iil ey fuliyeen weerar ey ku qaadeen Isbitaalka AL-Shifa’a todobaad ka hor. Muuqaalka Xabaal Wadeereedka ayaa waxaa soo bandhigay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Jazeera ee saldhigiisu yahay magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar maanta oo Isniin ah kuna beegn 15/4/24-ka. Meydadka la soo bandhigay ayaa ahaay kuwa ey ka muuqatay toogasho lala beegsaday dad Falastiiniyiinta ah ee waqtigaas Isbitaalka Jiifay iyo kuwii kula sugnaayba,sawiradda dadka la soo helay meydadkooda ayaa waxa ey xirnaayeen dharka hoos laga xirto oo aan weli go’ogo’in kuwaaso loo maleynaayo in la dilay waqti dhaw,dadka qaarkood ayaa qabay dhaawac markii la keenaayey Isbitaalka AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza. Xafiiska warfaafinta ee Xuuumadda Gaza ayaa sheegay in koox ka socotay caafimaadka iney soo heleen ilaa sagaal Meyd kana soo kala heleen hareeraha iyo Gudaha Isbitaalka AL-Shifa’a,kooxda ka socotay caafimaadka Gaza ayaa intaas raaciyey in Isra’iil ey dishay ilaa 4-boqol oo qofood oo ku sugnaay dhismaha Isbitaalka AL-shifa’a maantane waxaa suuragashay in la soo saaro sagaal qofood oo dadkaas ka mid ah,meydadka la helay qaarkood ayaa waxaa la socday agab caafimaad ey ku isticmaalayeen Isbitaalka AL-Shifa’a.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SIR KA HESHAY DALAL CARBEED ISKANA DIFAACDAY IRAAN.

(SAWIRKA)-WEERARKII IRAAN KU QAADAY ISRA’IIL.

(WASHINGTON)-Wargayska caanka ah ee WALL STREET JOURNAL ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ey sirta weerarka Iraan la wadaageen dalalka Maraykanka iyo Isra’iil ka hor inta aanuu dalka Iraan uusan Isra’iil ku weerarin Diyaaradaha Drones-ka ee ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah. Habeenimaddii Sabtida dalka Iraan ayaa weerar balaaran waxa uu ku qaaday dalka Isra’iil iyadoo ku gentay in ka badan 300-diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya ah iyo Gentaaladda Balastikada ah kuwaaso intooda badan hawada lagu gubay inteysan gaari halkii bartilmaameedku ahaay. Weerarka ey qaaday Iraan ayaa jawaab u ahaay weerar ey Isra’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ee magaaladda Dimishiq ee dalka suriya horaantii bishaan Abril-2024-ka,weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ilaa todobo qofood ey ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan. Sida laga soo xigtay Wargayska WSJ Isra’iil waxay awood u yeelatay iney ka hortagto ku dhawaad dhammaan diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya sabab la xiriirta ku lug lahaanshaha wadamadda Carabta ee kala ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,wadamadaan ayaa sii gudbiyey sirta ku saabsan weerarka ka hor inta uusan dhicin,waxa eyna hawadooda u fureen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Isra’iil si ey u difaacaan Isra’iil, wadaag xogta weerarka Iraan ey bixiyeen Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxa ey noqotay mid Isra’iil ka badbaadisay halis fara badan oo ey kala kulmi laheed weerarka Iraan kaga yimid.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO DALBATAY HESHIIS QORAA AH.

(SAWIR)-KA MARINKA GAZA.

(WASHINGTON)-Xarakadda Xamaas ayaa dalbatay “Balan qaad Qoraal ah oo cad” in Isra’iil ey ka bixi doonto Marinka Gaza inta lagu guda jiro wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ah oo seddex weji ah,sarkaal sare oo Masar ah iyo sarkaal Xamaas ah ayaa sheegay sidaas maanta oo Axad ah. Xamaas Sabtidii ayey sheegtay iney jawaabta lix todobaad oo xabad joojin ah ey u gudbisay dhexdhexadiyeyaasha Masar iyo Qadar. Xamaas waxa kaloo ey sheegtay iney weli ka go’an tahay dalabkeeda xabad joojinta ah,ka bixitaanka ciidmaadda Isra’iil dhammaan qeybaha Marinka Gaza ey ka joogaan,ku noqoshada dadka barakacayaasha ah guryahood,xoojinta qulqulka gargaarka iyo bilawga dib u dhiska dhismayaashii ku burburay dagaalka. Xarakadda Xamaas ayaa tiri” Waxaan xaqiijineynaa sida aan diyaarka ugu nahay inaan gaarno heshiis ku saabsan is dhaafsiga Maxaabiista ee labada dhinac”. Isra’iil ayaa Axadii hore sheegtay in Xamaas ey diidan tahay soo jeedintii ugu dambeysay ee heshiiskii la gudbiyey todobaadkii hore.

ISHA/POLITICO.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY….

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA CENTCOM.

(CENTCOM)-Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) ayaa maanta oo Axad ah sheegay iney burburiyeen in ka badan sideetan(80) diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn isna miidaamiya iyo lix Gentaal oo Balastik ah oo la doonayey in lagu duqeeyo Isra’iil,dhammaan diyaaradaha iyo Gentaaladda ayaa laga soo kala gemay dalalka Yeman iyo Iraan Taariikhaha kala ah 13/4/ iyo 14/4/24-ka. Taliska ayaa intaas raaciyey in ciidamadooda ey burburiyeen Gentaalo Balastiik ah iyo todobo diyaaradood oo Drones-ka ismiidamiya ah kuna sugnaay degaanada ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman,Taliska ayaa yiri”Ciidamadeynu waxa ey diyaar u yihiin una diyaar garoobeen sidii ey uga hortegi lahaayeen falalka halista ah ey ku keceyso dawaladda Iraan”. Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Iraan sii wadida dhaqnkeeda xun ee aan horay loogu arag,xasidnimada iyo taxadar la’aanta ah waxay halis gelineysaa xasiloonida Gobolka Bariga Dhexe iyo badbaadada Ciidmadda Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga kuna wada sugan Gobolka”. Taliska dhexe ayaa xaqiijiyey iney sii wadi doonaan la shaqeynta saaxiabdda Gobolka si kor loogu qaado amnigaGobolka.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DIB U DHIGTAY WEERARKII IRAAN.

(SAWIRKADIYAARADAHA DAGAALKA EE ISRA’IIL.

(TEL AVIV)-Knaalka Cibriga ee 11-aad ee dalka Isra’iil ayaa sheegay maanta oo Axad ah in weerarkii ey Isra’iil ku qaadi lahayd dalka Iraan la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeysay. Telefishanku wuxuu sharaxay in intii uu socday shirkii Golaha maamulka dagaalka ee Isra’iil(War Cabinet) ey habeenkii xalay ee tegay ey si aqlabiyad ah u taageereen in la weerar lagu qaado dalka Iraan kaaso qarka u saarnaay inuu bilawdo,waxaane go’aankaasi taageeray labada Wasiir Benny Gantz oo ah Madax Ururka Hamaneh Hamalakhti iyo Wasiirka Xisbigiisa Gadi Eisenkot iyo kuwa kale,laakinse weerarka ayaa la joojiyey daqiiqadihii ugu dambeeyey. Telefishanka oo soo xiganaayo ilo xogogaal ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in baajinta weerarka ey ka timid ka dib markii ey khadka Telefoonka ey ku wada hadleen Madaxweynaha Maraykanka Biden iyo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyadoo dhan kale ey soo xiganeyso saraakiil kale ayaa sheegay in baajinta weerarka ey sabab u tahay khasaaraha ka dhashay weerarka oo aan buurneyn darteed ayaa jawaabtu noqotay mid lala noqday. Golaha dagaalka ee Isra’iil ayaa soo gabagabeeyey shir ey maanta yeesheen kaaso looga hadlaayey sidii looga jawaabi lahaay weerarka Iraan. Wargayska Yedioth Ahrronoth ayaa sheegay in shirkii Golaha dagaalka ee Isra’iil looga dooday jawaabta laga bixinaayo weerarkii Iraan uu soo dhammaaday iyadoon aan la bixin wax faahfaahin ah kuna saabsan waxa uu ku soo gabagaboobay,sidoo kale,warbaahinta ku baxda afka Yahuuda ma eysan sheegin wax tafaasiil ah kuna saabsan nuxurka kulanka.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO ISRA’IIL KU WEERARTAY ILAA 350-GENTAAL IYO DRONES.

(SAWIRKA)-GENTAALKA DIFAACA HAWADA EE ARRAW.

(QUDS)-Weerarakii xalay ey Iraan ku qaaday Isra’iil ayna u adeegsatay Gentaalo iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya iska difaacidooda ayaa Isra’iil waxaa uga baxday lacag dhan $1.35-Bilyan. Wargayska Maalinlaha ah ee ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo Yedioth Ahronoth oo soo xigtay S/G.Ram Aminach oo ahaay la taliye hore ee dhinaca dhaqaalaha ee madaxa shaqaalaha Isra’iil ayaa yiri”Kharashka Isra’iil xalay kaga baxay iska difaacidda weerarka Iraan waa mid u dhexeeyo(1.08 ilaa 1.35)-Bilyan. Hal gentaal ee dhinaca difaaca hawada lana yiraahdo”Arraw”looguna talagalay inuu hawada ku gubo gentaaladda kaga imanayo Iraan ayaa qiimihiisa waxaa lagu sheegay iney dhan tahay $3.5-Milyan,halka nuuca loo yaqaano”Magic Wand” qiimihiisu dhan yahay $1-Milyan marka lagu daro diyaaradaha ka qeyb qaatay ka hortaga Drones-ka Iraan. Wargayska Haaretz ee Isra’iil oo soo xiganaayey afhayeenka ciidamadda difaac isra’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in ilaa 350-gentaal iyo Drones ah ey Iraan ku soo gentay Isra’iil,gentaaladda iyo Drones-ka ayaa intooda badan la qabtay laguna gubay hawada,25-ka mid ah 30-ka gentaal ee nuucoodu yahay Cruisesiles ayaa hawada lagu gubay oo aan ku qarxin dhulka,in ka badan 120-gentaal oo Balastik ahne in yar oo ka mid ah ayaa ku qaraxday dhulka Isra’ill,waxaane burbur uu soo gaaray saldhiga hawada ee Nevatim. Afhayeenka ciidamadda difaac Isra’iil Hagari ayaa sheegay inuu guul daraystay isku daygii Iraan ey ku dooneysay iney ku wiiqdo awooda ciidanka Cirka Isra’iil gaar ahaan saldhiga Nevatim oo weli shqeynaayo,Hagari ayaa intaas raaciyey iney jiraan Gentaalo laga tuuray dalalka Yeman,Lubnaan iyo Suriya balse aan waxba gaysan. Afhayeenka Ciidamadda dufaaca Isra’iil ma uusan sheegin khasaaraha inta uu la eg yahay.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO WEERARATAY DALKA ISRA’IIL MAANTA.

(SAWIRKA)-SIDA DALKA CIRAAQ LOOGAS OO DHAWEEYEY DAGAALKA IRAAN IYO ISRA’IIL.

(QUDS)-Dhawr dal oo reer galbeed ah oo ey ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si deg deg ah u muujiyey taageeradda ey u hayaan dawladda Isra’iil, ka dib markii ilaaladda Kacaan dalka Iraan ey maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen iney tobanaan diyaaradood iyo gentaalo la beegdadeen bartilmaameedyo gaar ah oo ey Isra’iil leedahay. Inkastoo ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen in diyaaradaha Drones-ka Iraan ey u baahan yihiin saacado badan si ey u soo gaaraan dhulka Isr’iil. Wadamadda Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyey weerark Iraan ku qaaday Isr’iil waxayna Iraan weerarkaan ku sheegtay inuu jawaab u yahay beegsigii Qunsuliyadda Iraan ee caasimadda Suriya ee Dimishiq bilawga Bishaan Abriil-2024-ka. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 16-qofood oo ey ku jiraan todobo ka mid ah ey yihiin xubno ka tirsan ilaaladda kacaan dalka Iraan oo uu hogaaminaayo taliyaha caanka ah ee la yiraahdo Maxamed Reza Zahedi.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOQORTOOYADA BAXRAYN OO CAFIS U FIDISAY…

(SAWIRKA)-NAJI FATEEL IYO CARUURTIISA.

(BAHRAIN)-Dadka u ololeeya Xuquuqda ayaa la yaabay Talaaladii ka dib markii maamulka Baxrayn uu si shuruud la’aan ah u sii daayeen 1,500-Maxbuus, waane cafiskii ugu weynaa ee Boqortooyada tan iyo wixii ka dambeeyey kacdoonkii Carabta ee dhacay sannadkii 2011-kii. Dadka la sii daayey waxaa ka mid ahaa tiro maxaabiis ah oo u xirnaay arrimo Siyaasadeed,xitaa haddii aan la sii deyn kuwa ugu caansan ee mucaaradka ah sida Cabdulhadi AL-khawaja,Cabduljaliil AL-singas ama Xasan Mushayma. “Qaar badan oo ka mid ah kuwa la sii daayey ayaa markii ugu hore lagu helay dembiyo rabsahado wato ama xadgudubyo dadweyne,dhammaan damaanadaha ama lacagaha la xiriira waa laga tanaasulay”Xafiiska isgaarsiinta ee dawladda ayaa lagu yiri bayaan. Dadka u ololeeyo Dimuqaraadiaydda dalka Baxrayn ayaa soo dhaweeyey sii deynta ey sameeysay Xukuumadda,waxayne xuseen in weli loo baahan yahay in wax badan laga qabto oo ey ku jirto sii deynta dhammaan maxaabiista siyaasadeed ee harsan.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA: WIILASHA HANIYAH OO DUQEYN LAGU DLAY.

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(DOHA-QATAR)-Ismaaciil Haniiya oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas oo ka hadlay Geeridda seddex ka mid ah wiilashiisa iyo tiro ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ee ku wada dhintay weerar ey Isra’iil ku qaaday Xeradda Qaxootiga ee Shaadhi’i ee Waqooyiga Marinka Gaza, Ismaaciil Haniyah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa yiri maanta oo Arbaca ah “Dhiiga Wiilasheyda kama qaalisana dhiiga dadkayga Gaza ku shahiiday waayo kuligood waa wiilasheyda”. Haniyah ayaa intaas ku daray waraysi uu siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Jazeera ka dib markii ey shahiideen seddex wiil uu isaga dhalay kuwaaso lagu kala magacaabi jiray Xaazim,Amiir iyo Muxamed iyo laba caruur ah uu awoowe u ahaay,dhammaan dadkaan ayaa ku geeriyooday duqeyn lala beegsaday gaari ey la socdeen oo ku sugnaay Xeradda Qaxootiga ee ku taalo Xeebta Marinka Gaza. “Cadawgu wuxuu isku dayaa inuu ka laabto taanaasulaadkiisa isagoo beegsanaayo wiilasha Hogaamiyeyaasha iyo jebinta go’aanka dadkeyna,laakinse wuu lumin doonaa, sababto ah tani waxa ey kordhin doontaa go’aankeeyna”sidaas waxaa yiri Ismaaciil Haniyah.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIL MURAN KA DHEX DHALIYEY DALALKA SURIYA IYO LUBNAAN.

(SAWIRKA)-SULEYMAN PASCAL.

(BEIRUT)-Ciidamadda dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd in Pascal Suleyman oo ahaa isku duwaha ciidamadda Kiristaanka Lubnaan ee magaaladda Jubeyl ee dhacda Waqooyiga dalka Lubnaan,waxaane Pascal la dilay markii la isku dayey in si xoog ah looga qaato gaarisiisa taaso carro badan ka dhex abuurta taageerayaash Xisbiga iyo eedeymo ku saabsan sababta dilka ka dambaysa. Suleyman ayaa la la’aa tan iyo fiidnimadii Axada ka dib wax u muuqday isku day afduub oo ka dhacay buuraha ka sareeya Jubeyl. Baadi goob maalin socday ka dib,ciidanka waxay sheegeen in Suleyman la dilay intii lagu guda jiray afduubka gaarigiisa,meydkiisana loo qaaday dalka Suriya. Maamulka dalka Suriya ayaa meydka Suleyman dib ugu soo cleiyey gudaha dalka Lubnaan galabnimada Talaadada. Jabhadda LF ayaa diiday sharaxaada ey ciidmadda ka bixiyeen dilka Suleyman,waxayna Jabhadu sheegtay in dilka Suleyman u araan inuu yahay dil siyaasadeed.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJIYEY WEERARKA RAFAX.

(SAWIRKA)-QAXOOTI KU SII SOCDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Talaada ah sheegay inuu shaki geliyey in Isra’iil duulaan ku tahay magaaladda Rafax ka hor wada hadaladda cusub ee todobaadka soo socdo ka dhacaayo magaaladda Washington ee dalka Maraykanka,kaaso kor u qaaday walaaca laga qabo in weerar lagu qaado magaaladda camiran ee Gaza. Antony Blinken ayaa sheegay in Isra’iil eysan Maraykanka u soo gudbin taariikhda hawlgalka Rafax,waxaane Washington booqan doono wafdi Isra’iil ah todobaadka soo socdo si ey u dhegaystaan walaaca Maraykanku ka qabo in la weeraro magaaladda Rafax. Waqti hore oo maanta ah ayey Xamaas sheegtay in soo jeedinta Isra’iil ey ka heshay dalalka Qadar iyo Masar eysan buuxin mid ka mida dalabyada Xamaas. Bayaan ey soo saartay Xamaas ayey ku sheegtay iney daraasad ku sameyn doonto soo jeedinta taaso ey Xamaas ku tilmaantay iney tahay midaan waxba ka bedeleyn mawqifkooda,jawaabtoodana ey u gudbin doonaan dhexdhexaadiyeyaasha.

ISHA ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

90-MEYD AYAA LAGA SOO SAARAY BURBURKA KHAAN YOONIS.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY KHAAN YOONIS.

(GAZA)-Ku dhawaad sagaashan meyd ayaa laga soo saaray Khan Yoonis ka dib markii ey ciidamadda Isra’iil ey isaga bexeeen koonfurta magaaladda Gaza maalintii Axada,sida ey sheegeen masuuliyiinta difaaca madaniga ah maanta oo Talaada ah. Burburka ceynkaas ah ayaa ah in dad fara badan oo degaana oo ka soo laabtay magaaladda deriska la ah ee Rafax halkaaso in ka badan 1.5-Milyan qofood u ah gabaad kuwaaso ka soo baracakay halkii ey degaanaayeen,mid ka mid ah dadkii ku soo laabtay Khaan Yoonis(Saalim Sharab) ayaa sheegay inuu aqoonsan kari waayey halkii uu degnaay. Kuwa kale oo ka mid ah dadkii ku soo laabtay Khaan Yoonis ayaa iyagana sheegay iney u adkeysan kari waayeen Urka ka soo baxaayo Meydadka aan la duugin ee weli ku hoos jira burburka dhismayaasha,xoogaga difaac Madaniga ah ee magaaladda Khaan Yoonis ayaa Qaramada Midoobe ka codsaday Isniintii in la siiyo qalab ey ku asturaan meydadka go’ogo’ay ee weli hoos yaala dhimayaasha.

ISHA/ARAB.

RIIX HALAKN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS IYO ISRA’IIL OO IS DHAAFSAN DOONO MAXAABIIS.

(SAWIRKA)-BAABUURTA GARGAARKA DEG DEGA AH.

(GAZA)-Ilo Falastiini ah kuwaaso wax kala socdo wada-xaajoodka xabad joojinta ee Marinka Gaza ayaa sheegay maanta oo Isniin ah(8/4/24)-ka in hindisaha cusub ee dawladda Maraykanka uu ka kooban yahay seddex Marxaladood oo kan ugu horeeyo uu yahay sii deynta 900-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah eyna ku jiraa 100-Maxbuus oo ku xukuman xukuno aad u dheer waxaane lagu bedelahaa Maxaabiis Rayid reer Isra’iil ah. Warku waxa uu intaas raaciyey in masuuliyiin reer Falastiin ah lana socdo wada hadaladda ey la hadleen Wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa sheegay marxaladda koowaad iney tahay soo laabshada dadka ka barakacay Waqooyiga Marinka Gaza iyadoo shuruud looga dhigay in dib loogu celiyo xeryo ey sameysteen hayaddo caalami ah oo aan la geyn degaanadooda. Xaaladaan oo kale,ilo xogo-gaal ah oo waraysi siiyey Tv-ga Aljazeera ayaa ku sheegay “Soo jeedinta ey ka mid tahay in dadka rayidka ah ee aan hubaysneyn ey ku noqdaan Waqooyiga Marinka Gaza iyadoo aan la sheegin tiradooda dhabta ah” waxaa kaloo soo jeedinta ka mid ah in Isra’iil ey aqabasho iney furto Wadooyinka AL-Raashid iyo Salaaxa-AL-diin eyna ciidamadeeda ey dejiso meel 500-Mitir u jirta”.

ISHA/ARAB.

RIIX HAKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: 10-DAQIIQO EE KASTABA HALA CANUGA AYAA YEMAN KU DHINTA.

(SAWIRKA)-MACLUUSHA KA JIRTA DALKA YEMAN.

(ADEN-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Golaha Hogaanka dalka Yeman Rashaad AL-Culeymi ayaa carabka ku adkeeyey Sabtidii shalay ahayd baahida loo qabo in si wanaagsan looga faa’iideysto kaalmada Qarmada Middobe si loo horumariyo xaaladah nololeed ee bulshooyinka maxaliga ah ee Yeman. Hadalka AL-Culaymi ayaa yimid iyadoo laba warbixinood ey daaha ka qaadeen in 10-daqiiqaba uu hal canug uu Gaajo ugu dhinto gudaha dalka Yeman,halka 89% barakacayaasha Yeman eysan awoodin iney daboolin baahidooda cunto ee maalinla ah,in ka badan 20-Milyan oo qofood ayaa u baahan gargaar bani’adanmo gudaha dalka Yeman. Hayadda Samafalka Islaamiga ah ayaa sheegay in sagaal sano oo colaad ah ka dib heerka nafaqa darradda ee dalka Yeman ey ka mid tahay kuwa ugu sareeyo ee abid la diiwaan geliyey iyadoo in ka badan 20.7-Milyan oo qofood ey baahan yihiin gargaar bani’adanimo si ey u noolaadaan iyo iyadoo ilmo uu Gaajo ugu geeriyonayo gudaha Yeman tobankii daqiiqaba.

ISHA/AL-SHARQ.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAU SURIYA EY KU DHINTEEN ILAA..

(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA HUBAYSAN EE SYRIA.

(SYRIA)-Ugu yaraan labaatan qofood ayaa lagu dilay Gobolka Darca’a ee dalka Suriya ka dib markii uu dhacay iska horimaad u dhexeeyey laba kooxood oo hubaysan oo iska soo horjeeda,maalin ka dib markii ey Qarax ku dhinteen todobo caruur ah. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Suriya ayaa sheegtay in qalabka Qarxa lagu Qarxiyey magaaladda Sanamayn ee Gobolka Darca’a Sabtidii shalay. Sidoo kale kooxda la socoto dagaalka dalka Suriya ee SOHR oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa ka warbixisay Qaraxa waxa eyna sheegeen in maleeshiyaadka lagu eedeeyey iney aaseen aalad qaraxday si ey u beegsadaan qof aan la aqoonsan oo goobta ku sugnaay. Sida laga soo xigtay kormeeraha shaqsi magaciisa lagu sheegay Axmed AL-Labad oo ah Hogaamiyaha koox hubaysan ayey koox ey iska soo horjeedaan ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa,Labad oo horay ula soo shaqeeyey Hayadaha Amaanka dalka Suriya ayaa beeneyey eedeymaha loo soo jeediyey.

ISHA MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO XIRTAY 28-SAFAARADOOD WAA MAXAY SABABTA?

(SAWIRKA)-BURBURKA QUNSULIYADDA IRAAN EE DIMISHIQ.

(TEHRAN)-La taliyaha dhinaca Mileteriga ee Hogaamiyaha dalka Iraan Yaxye Raxiim Safavi ayaa sheegay maanta oo Axad ah in ka dib weerarkii Isra’iil ku qaaday dhismaha Qunsuliyadda Safaaradda dalka Iraan ee magaaladda Dimishiq ee dalka Suriya,in Safaaradaha dalka Isra’iil ineysan hadda Amaan ku ahaan doonin caalamka. Wax uu intaas ku daray khudbad uu ka jeedinaayey xus loo sameeyey dadkii ku dhintay weerarkii Isra’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ee magaaladda Dimishiq,dalka Isra’iil ayaa albaabada waxa uu u laabay ilaa 28-Safaaradood oo ku kala yaalo caalamka daafihiisa isaga oo ka baqaayo weerar kaga yimaado dalka Iraan. La taliye Safavi ayaa tixraacay hanjaabada Hogaamiyaha Iraan Cali Khamayni ee ah inuu bixiyo”Jawaab Qoomamo leh”,isagoo leh “Jawaabtii iska caabinta waa diyaar,laakinse maxaa dhici doono waa inaan sugnaa”sida ey sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Iraan.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA WASIIRADDA KUWEYT OO IS CASILAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA KUWEYT.

(KUWAIT)-Xukuumadda dalka Kuweyt ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey is casilaadeeda u gudbisay Amiirka dalka Kuweyt Amiir Sheekh Mishcal AL-Axmed AL-Jabir AL-Sabaax sida uu qabo dastuurka dalka Kuweyt,waxaane la filaa in horaanta todobaadka soo socdo ey bilaaban doonto la tashiyadda Reysal Wasaarihii hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka hor inta aan la magacaabin Reysal Wasaare cusub uu yeesho dalkaasi Kuweyt. Golaha Wasiiradda Kuweyt ayaa ka hor inta eysan is casilin kulan aan caadi la yeeshay Amiirka dalka Kuweyt maanta oo Sabti ah,waxa uuna Goluhu Ansixiyey wareegto lagu casuumaayo Amiirka Kuweyt inuu soo xaadiro kulanka ugu horeeyo ee uu yeelanaayo Baarlamaanka la soo doortay ee dalka Kuweyt kaaso dhici doono 17/4/24-ka,inta uu socdo kulanka ayaa waxa khudbado ka jeedin doono Amiirka Kuweyt ka dibne waxaa dhici doonto Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xgeenadiisa iyo Gudiyadda uu yeelan doono Baarlamaanka cusub ee Kuweyt.

ISHA/KT.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUUR MIINO KU LAAYSAY DALKA SURIYA..

(SAWIRKA)-GAARIGA EY LA KACDAY MIINADA EE DARCA’A.

(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in todobo caruur ah lagu dilay koonfurta dalka Suriya ee Gobolka Darca’a maanta oo Sabti ah ka dib markii ey la kacday Miino sida ey sheegtay warbaahinta dawladda Suriya. “Waxaa dhintay todobo caruur ah waxaane dhaawacamay laba qof oo kale kuwaaso mid ka mida ey tahay Dumar,dadkaan ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay miino sida la sheegay ey aaseen kooxaha Argagixisada ee magaaladda Sanamayn,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u Faafiso dalka Suriya SANA oo soo xiganaysay ilo Boolis ah. Kooxda la socoto Xuquuqda Bani’adanka dalka Suriya ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay Qarax ka dhacay Darca’a waxa eyna sheegeen in qaraxa ey ku dhinteen Caruur dhan sideed midne uu ku dhaawacmay,Qaraxa ayaa waxaa Aasay koox Argagixisa ah oo doonaysa iney ku khaarijiso qof aan la garaneyn kuna sugan aagaas uu ka dhacay Qaraxa. Darca’a ayaa ah halkii uu ka bilawday kacdoonka looga soo horjeeday Xukunka Bashaar AL-Asad sannadkii 2011-kii,waxa eyna gacanta dawladda Suriya ku soo laabatay ka dib markii uu dhacay heshiiskii xabad joojinta ee uu taageeray Ruushka.

ISHA/ARAB.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ABU MARIYA AL-QAXTANI OO QARAX ISMIIDAMIN AH LAGU DILAY.

(SAWIRKA_HOGAAMIYAHA AL-NUSRA’A.

(SYRIA)-In la maqlo horjooge hebel oo ka tirsanaay koox heblaayo ayaa la dilay waa mid ey maqlaan dhegaha dadka ku nool wadamadda ey ka jiraan kooxaha Xagjirka sida Soomaaliya, Ciraaq,Suriya iyo Yeman. Dilalka kooxahaan ka dhex dhaco ayaa ah mid Araxan daran oo aan waxba la isula harin markeey is dilayaan dhexdooda. Haddii aan u soo laabto dagaalka dalka Suriya ee soo bilawday sannadkii 2011-kii ilaa haddana socdo waxaa intiisa badan ku lug leh kooxo Xagjira ah kalana fikir duwan gacan saarne la leh dawalddo ku fushanaayo danahooda gaarka ah. AL-Qaacidda,AL-Nusra’a iyo ISIS intuba waxa ey kuwada sugan yihiin dalalka Suriya iyo Ciraaq, jabhadda AL-Nusra’a ayaa ka soo faracantay kooxda AL-Qaacidda ee ka dagaalameysay Suriya iyo Ciraaq,hadaba AL-Nusra’a yaa Aas-Aasay magaciina ka bedelay una bixiyey Xayat AL-Taxriir Alsham(HST)? Waxaan halkaan idinkula wadaagaa taariikhda Hogaamiyaha shalay lagu dilay Qaraxa ismiidaamin ah lana yiraahdo ABU MARIYA AL-QAXTANI. Fadlan Link-ga hoose Click-gareey si aad uga Bogatid warbixinta inteeda kale.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More