HOGAAMIYIHII JABHADDA AL-NUSRA’A EE SURIYA OO LA DILAY.
(SAWIRKA)-JABHADDA AL-NUSRA EE SURIYA
(IRAQ)-Wararka ka imanayo dalka Ciraaq ayaa sheegaayo in Hogaamiye sare oo ka tirsan Mintidiinta Ciraaq ayaa lagu dilay weerar Ismiidaamin ah oo ey fulisay koox ka soo horjeedo Daacish ee ka dagaalanta dalka Suriya. “Abu Mariyah AL-Qaxtani waa shahiiday ka dib weerar khiyaano ah oo ey fuliyeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo loo adeegsaday Suun Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey”ayey tiri kooxda Hayat Taxriir AL-Shaam oo horay uga tirsanaay kooxda AL-Qaacidda oo la hadashay Warbaahinteeda Amjad. Kormeeraha dagaalka dalka Suriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Qaxtani oo magaciisa saxda ah uu yahay Meysara AL-Jabuuri,la dilay si xunna loo dhaawacay laba ka mid ah saaxibadiisa,ka dib markii shaqsi Ismiidaamiye ah uu isku Qarxiyey,balse kooxda ISIS ayaan weli sheegan masuuliyadda dilka Qaxtaani.
ISHA/MEE.
MASAR IYO QADAR OO KA DIGAY WADA HADALADDA.
(SAWIRKA)DAGAALKA MARINKA GAZA.
(QAHIRA)-Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Xamaas ayaa sheegay in dalka Masar uu dhawaan soo bandhigi doono Hindise Xabad joojin ah oo laga sameeyo Marinka Gaza balse eysan ku jirin wax cusub. Hogaamiyaha Xamaas ayaa intaas raaciyey mar uu waraysi siinaayey Wakaaladda Reuters in dhexdhexaadiyeyasha Maraykanka iyo Masar ey doonayaan iney sii wadaan hanaanka wada xaajoodka xabad joojinta in kastoo ey ku qanacsan yihiin in farqiga u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas uu yahay mid balaaran. Waxa uu sheegay in laga yaabo in wareeg cusub oo wada hadalka ah in lagu qabto magaaladda Qaahira todobaadka soo socdo ka hor Ciida Soon Fureed,wada hadalada ayaa u dhexeeyo dhexdhexadiyeyasha iyo dawladda Isra’iil waane isku day cusub oo dhexdhexaadin ah si loo gaaro is afgarad xabadda lagu joojin karo,hogaamiyaha Xamaas ayaa intaas raaciyey in dalalka Masar iyo Qadar ey ku wargeliyeen in waxa la soo bandhigay aan la aqbali karin sababtoo ah waa sii socoshada mawqifka Isra’iil aan is bedel lahayn.
ISHA/ARAB.
HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA OO KA HADLAY DAGAALKA.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in C/Malik AL-Xuuti oo ah Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman uu maanta oo Khamiis ah sheegay in 30-qofood ey dhinteen eyna ku dhaawacmeen 424-qofood oo kale weerarada dhinaca cirka ah iyo duqeymaha kale ey si wadajirka ah u fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska seddex bilood gudahood. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman ayaan sheegin in dadka la dilay iney maleeshiyaad hubaysan yihiin iyo iney yihiin dad rayid ah ama in dadka dhintay iyo kuwaa dhaawacmay ey ku jiraan dad rayid ah. Dhinaca kale,C/Malik AL-Xuuti waxa uu tilmaamay in kooxda Xuutiyiinta ey beegsatay 90-Markab intiii lagu guda jiray hawlgalo uu ku tilmaamay iney ku taageerayaan Marinka Gaza kuwaaso uu ula jeedo dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil kaaso soo bilawday 7/10/23-kii. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/Malik AL-Xuuti ayaa intaas ku daray in 34-weerar lagu qaaday muddo hal bil ah loona adeegsaday 125-Gentaal oo Balaastik ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano DRONES-ka. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa weeraray dhawr Markab oo maraayey biyaha Badda Cas,waxa eyna Xuutiyiintu sheegeen in weeraradoo iney jawaab u yihiin dagaalka ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Weerarada Xuutiyiinta ayaa hakad geliyey isu socodka Maraakiibta caalamiga ah ee marta biyaha Badda Cas taaso sababtay in shirkadaha iska leh Maraakiibta Ganacsiga iney safaro dhaadheer oo qaali ah ku maraan cirifka koonfureed ee Qaaradda Afrika. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos u weeraraayey goobaha ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyagoo ujeedkoodu yahay in la carqaladeeyo lana wiiqo awooda kooxda Xuutiyiinta oo ah mid halis gelinaysa xuriyadd socdaalka iyo khatarta Ganacsiga caalamiga ah.
ISHA/ARAB.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB UU MARAYKAN LEEYAHAY.
(SAWIRKA)- CENTCOM.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar dhinac cirka ah ey soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,sida uu sheegay Taliska Dhexe ee ciidamadda dalka maraykanka ee CENTCOM inta u dhexeysay qiyaastii 3:49 ilaa 10:00-subaxnimo ee waqtiga Sanca shalay oo ey taariikhdu ahay 3/4/24-ka ayaa markabka dagaalka ee Maraykanka USS Gravely(DDG 107) iyo ciidamadda taliska dhexe ee Maraykanka ee CENTCOM ayaa si guul ah u hawlgalay waxa ey burburiyeen hal gentaal oo balaastik(ASBM) ah looguna talagalay in lagu gubo Maraakiibta iyo laba diyaaradood oo Drones(UAS) ah,dhammaan Gentaalka iyo Drones-ka ayaa waxaa soo tuuray kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta dalka Yeman,waxa eyna ku wajahnaayeen Markabka USS GRAVELY oo ku sugnaay Badda Cas. Ma jiraan wax dhaawac ah ama khasaara ah oo ey soo sheegeen Maraykanka,Isbahaysiga ama Maraakiibta ganacsiga. Intaas waxaa dheer inta lagu jiray hawlgalka ciidmadda taliska dhexe ee CENTCOM waxay burburiyeen nidaamka Gentaaladda hawada wareega ee yiilay dhulka ey Xuutiyiinta maamulaan. Waxaa la go’aamiyey in nidaamkani uu khatar ku yahay ciidamadda Maraykanka,Isbahaysiga iyo Maraakiibta ganacsiga ee Gobolka. Taliska ee ciidamadda Maraykanka waxa uu u heelan yahay ilaalinta xuriyadda hagidda iyo ka dhigidda biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah oo amaan u ah Isbahaysiga iyo Maraakiibta Gancsiga.
ISHS.CENTCOM
XUUTIYIINTA OO WEERARAY GOBOLKA LAXAJ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo dalka Yeman caasimadiisa Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyinta dalka Yeman ey weerar lama filaan ah ku qaadeen Ciidamadda Dawladda caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yeman,weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11-askeri oo ka tirsan Ciidamadda Dawaladda Yeman,weerarka ayaa subaxnimadii saakay oo Arbaca ah waxa uu ka dhacay dhinaca koonfureed ee dalka Yeman halkaaso ey ku xooga badan tahay Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay ciidamadda reer koonfureedka. Maxamed AL-Naqiib oo ka tirsan kooxda gooni u goosadka ee koonfurta Yeman ee golaha ku meel gaarka koonfurta(STC) ayaa sheegay in dagaalyahanadooda uu bartilmaameed u ahaay weerarka Xuutiyiinta ee ka dhacay Gobolka Laxaj. Kow iyo toban dagaalyahan ayaa la dilay markii ey iska caabiyeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta,sidaas waxaa wakaaladda AFP u sheegay AL-Naqiib.
ISHA/AN
QAAHIRA: URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SHIR ISUGU YIMID.
(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(QAHIRA)-Wararka ka imanaayo magaaladda caasimadda ah ee Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaayo in shir aan caadi ahayn oo deg deg ah ey isugu yimaadeen wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta maanta oo Arbaca ah ka dib markii ey codsatay Dawladda Falastiin,shirka ayaa ka furmay caasimadda dalka Masar ee Qahira kaaso looga hadli doono duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Isagoo ka hadlaayey kulanka Ergayga Dawladda Falastiin u fadhiyey Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa ka digay in Isra’iil ey weerar dhinac dhulka ah ku qaado magaaladda Rafax halkaaso ey ku nool yihiin 1.4-milyan qofood oo gabaad ka dhiganaayo magaaladda Rafax,”weerarka isra’iil wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa in ka badan hal milyan oo qof oo u soo barakacay magaaladda Rafax”. Ergayga Falastiin u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta Muhanad AL-Akluuk ayaa sheegay in Isra’iil ey diiday iney dhaqangeliso Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee xabad joojinta Gaza inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe iney Isra’iil ku qasbaan in Isra’iil ey joojiso rasaasta ey ku wado Marinka Gaza eyna cunaqqabteyn ku soo rogaan Isra’iil”.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO LAAYSAY TODOBO SAMAFALE OO KU SUGAN…
(SAWIRKA)-SAMAFALAYAASHII LAGU LAAYEY GAZA.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in habeenimadii Talaadada ayey ciidamadda Isra’iil waxa ey weerar la beegdadeen baabuur ey leedahay hayada World Central Kitchen oo ku taal magaaladda Diir AL-Balax ee bartmaha Marinka Gaza, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho ilaa todobo qofood ah,dhacdadaan ayaa keentay falcelin caalami ah. Wadamado fara badan oo isbahaysi la leh dalka Isra’iil kuna baaqay in la sugo amniga gargaarka la gaarsinayo dad reer Falastiin ayaa ku guul dareystay ilaalinta ama bixinta damaanadda amniga dadka rayidka ah iyo gaynta gargaarka dadku u baahan yahay ee gudaha Marinka Gaza. Tan iyo bilawgii dagaalka Oktoobar-7,Ururka World Central kitchen ayaa si firfircoon uga qeyb qaadanaayey hawgaladda gargaarka gaar ahaan iyado qeybinta cuntada ey u baahan yihiin dadka degan Marinka Gaza kuwaaso halis ugu jiro Macluul baahsan. Todobada qofood ee ku dhintay weerarka Isra’iil u gaysatay samafalayaasha ayaa u kala dhashay”1-Falastiinah,3-Ingiriis ah,1-Boolan iyo 1-Kanadi ah”sidaas waxaa lagu sheegay Bogga rasmiga ah ee World Central Kitchen.
ISHA/ARAB.
DUQEYN KA DHACDAY DIMISHIQ CAAWA FIIDKII.
(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAH.
(SYRIA)-DEG DEG: Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in halkaasi caawa laga maqlay Qaraxyo isku xiga oo aad u xoogan,warbaahinta dalkaasi Suriya ayaa soo sheegtay in Qaraxyo laga maqlay hawada magaaladda Dimishiq iyo dhulka baadiyaha ah ee deriska la ah caasimadda Dimisihiq. Warbaahinta ayaa sheegtay in xog hordhac ah oo la helay ey tilmaamayso in Qaraxyada la maqlay ey yihiin duqeyn ey gaysteen diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil kuwaaso maalmihii ugu dambeeyey duqeyn ku haayey goobo gaara ah. Inta badan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ka dhacay dalka Suriya ayaa lala beegsadaa goobo ey ku sugan yihiin Ururka Xizbullah ee reer Lubnaan eyna taageerto dawladda Iraan,goobaha sida aadka ah loo duqeeyo ayaa waxaa ka mid ah Bakhaaradda lagu keydiyo Hubka,rasaasta,Cuntada ey iska leeyihiin kooxaha ey taageerto Iraan iyo kuwa ey iska leeyihiin ciidamadda dalka Suriya. Ka dib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil Oktobar-2023-kii waxaa sii kordhay si aad ahne u xoogaystay duqeynta ey Isra’iil ka gaysato dalka Suriya,waane wax aad u yar in la arko Isra’iil oo ka hadasho weerarka duqeynta ah ey ka gaysato gudaha dalka Suriya,sidoo kale dalka Maraykanka ayaa bartilmaameedsado kooxaha ey taageerto Iraan ee ku sugan Bariga Suriya.
ISHA/SBM.
HOGAAMIYE SARE OO AL-QAACIDA AH OO KU DHINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYE ALQAACIDDA.
(MUKALLA-YEMAN)-Wararka ka imaanayo Gobolka Xadarmuut Koonfur Bari dalka Yeman ayaa sheegaayo in Hogaamiyihii AL-Qaacidda Maanac Cabdallah Bin Hadbaan AL-Duhmi loona yaqaano Abu Carjaf AL-Jawfi ayaa ku dhintay daadad ku soo rogmada Togga Wadi Sir ee degmada AL-Qutni ee Gobolka Xadarmuut ee Koonfur-Bari ee dalka Yeman. Ila wareedyo isku mid ah oo gudaha iyo kuwa warbaahinta ah ayaa xaqiijiyey geeridda Horjoogaha AL-Jawfi oo lagu tiriyo mid ka mid ah hogaamiyeyaasha caanka ah ee Ururka Argagixisada ee AL-Qaacidda. AL-Jawfi ayaa AL-Qaacidda ku biiray sannadkii 2016-kii,waxaane si dhaqsi ah uu caan uga noqday Waqooyi-Bari ee dalka Yeman. Abu Carfaj ayaa kaalin weyn ka qaatay sidii madaxda Ururka AL-Qaacidda ey u heli lahaayeen goobo nabdoon oo ey ku maamulaan dhaqdhaqaaqooda inta u dhexeysa goboladda Ma’arib iyo Jawf. Dalka Yeman ayaa waxaa ka hawlgalo kooxo badan oo iska soo horjeedo kalana fikir duwan waxaane kooxahaas ka mid ah Xuutyiinta oo Shiica ah iyo AL-Qaacidda,waxaane suurtagal ah in kooxda Xuutiyiinta doonayaan sidii ey ula wareegi lahaayeen.
ISHA.SBM.
XUUTIYIINTA OO BARAKICIN KA WADA….
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo casimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ee maamusha Waqooyiga dalka Yeman intiisa badan ey bilaawday iney barakicin ka sameeyso qeybo ka mid ah degaanada Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman. Sida uu dhigaayo Qorshaha dawladda Iraan,Xuutiyiinta ayaa bilaabay barakicinta mawaadiniinta degan Xudeyda,maleeshiyaad Xuutiyiinta ayaa dhisaya wado gaaban oo loo maro Raas Ciise kana timaad degaanka AL-Mamlaax ee xeebta halkii ey ka dhisi lahaayeen wadada weyn,si ey ugu fududaato daabulidda agabka laga keenay dalka Iraan si loogu weeraro Maraakiibta marta Badda Cas. Ila wareedyo maxali ah oo rasmi ah ayaa shaaca ka qaaday hawlgalo qasab ah oo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey ka fuliyeen degaanka Raas Ciisa ee Gobolka Xeebta Xudeyda ee dhaca Galbeedka Yeman. Ku-xigeenka xoghayaha Gobolka Xudeyda Waliid AL-Qadami ayaa sheegay in gudi ku xiran waxa loogu yeero Nabad Sugida iyo Sirdoonka Xuutiyiinta ey soo degeen oo ey diiwaan geliyeen tirada Qoysaska iyo mawaadiniinta ee Raas Ciisa oo ka kooban seddex Tuulo oo kala ah Diir AL Zuxayfi,Diir AL weli iyo Dabrah si loogu diyaar garoobo sidii looga soo wareejin lahaay Gobolka iyagoo raacaayo wadadii ey Isra’iil ka sameysaneysay Marinka Gaza. AL Qadimi ayaa ka digay barakicinta mawaadiniinta isagoo ku micneeyey in maleeshiyaadku Xuutiyiinta doonayaan iney Raas Ciisa ka dhigaan aaga dhaqaale oo shidaal sida qorshaha ey wadaan iyo si ey ugu shaqeeyaan si raaxo leh iyadoo eysan joogin mawaadiniinta Gobolka. Shaqada ayaa socoto iyadoo ey kormeerayaab khubaro ka socoto dalka Iraan iyo kuwa kale oo ajaanib ah xilliyada qaarkood goobjoog ka ah hawsha sida ey u socoto.
ISHA/SBM.
QARAX XOOGAN OO KA DHACAY SUUQ CAAN AH.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY XALAB.
(SYRIA)-Kooxda la socoto arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka Suriya ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in 8-qofood ey ku dhinteen 23-kalane ey ku dhaawacmeen Qarax laga soo buuxiyey Baabuur oo lala beegsaday Suuq caan ah oo ku yaalo magaaladda Iczaz ee Gobolka Xalab ee dalka Suriya. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay goobo ey sugan yihiin kooxaha uu taageero dalka Turkiga,waxaane ka dhashay burbur xoogan iyo dab qabsaday goobta,taaso muujineysa in khasaaraha hadda la ogaaday uu yahay mid hordhac ah,mana jirto cid sheegatay ilaa hadda Qaraxaas. Magaaladda Iczaz ayaa horay waxaa uga dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Walxaha Qarxa iyo Gawaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa,waxaane sidaan oo kale ey dhacday dhammaan degaanada dhaca baadiyaha Waqooyiga Xalab. Labaatankii bishii hore ee Feberaayo ayey ahayd markii nin darawal ahaa uu ku dhintay laba askeri oo ciidmaada Mileteriga ka tirsane ey ku dhaawacmeen,kuwaaso dhammaantood loo qaaday Isbitaalk si halkaas loogu daaweeyo,Qaraxa ayaa ahaay mid Gaari ey walaxaha Qarxa ka buuxaan oo lala beegsaday barta koontarool ey ciidamadda ka soo galaan magaaladda AL-raaci oo ey gacanta ku hayaan kooxda ey taageerto Turkiga ee ku sugan baadiyaha Waqooyiga magaaladda Xalab ee dalka Suriya.
ISHA/SBM.
ISRA’IIL OO DOONAYSA IN CIIDAMO CAALAMI AH LA KEENO…
(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA SOO GAARAY.
(WASHINGTON)-Intii lagu guda jiray booqashadiisa Washington ee todobaadkan,Wasiirka difaac Isra’iil Yoav Gallant wuxuu soo qaaday suurtagalnimada in la dhiso ciidan Mileteri oo caalami ah oo ka socdo wadamada Carabta si loo hagaajiyo sharcga iyo nidaamka Marinka Gaz loona gelbiyo kolonyada gagaarka bani’adanimo ,sidaas waxaa Wargayska Axios ee dalka Maraykanka u sheegay laba sarkaal oo sare oo reer Isra’iil ah. Dalka Isra’iil waxaa saaran cadaadis ah iney hagaajiso qeybinta gargaar ee Marinka Gaza,taaso Qaramada Midoobe ey sheegtay in Marinka Gaza uu qarka u saaran yahay iney ka dhacdo Macluul baahsan. Saraakiisha Isra’iil ayaa sidoo kale aaminsan in ciidamo ka socdo wadama badan ey gacan ka gaysan karaan sameynta bedelka Xukuna Xarakadda Xamaas ee maamulka Marinka Gaza. “Talaabadda nuucaan oo kala ah waxay dhisi doontaa gole maamul oo ka jira dhulka aan Xamaas ahayn,waxayna wax ka qaban doontaa dhibaatada sii kordhaysa ee Isra’iil ku hayso Maraykanka marka ey timaado xaaladda bani’adanimo ee Marinka Gaza”ayuu yiri sarkaal sare oo reer Isra’iil ah.
ISHA/AXIOS.
ISRA’IIL OO WEERARTAY GAROONKA XALAB.
(SAWIRKA)-QARAXYADII XALAB.
(SYRIA)-Saacado ka dib duqeyn ey Isra’iil ka fulisay jihadda Buuraha Goolan ayaa lala beegsaday dhismo ey degan yihiin dad rayid ah oo ku yaalo gobolka baadiyaha ee caasimadda Dimishiq,waxaane Qaraxyo xoogan laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Xalab. Isra’iil ayaa weerar ku qaaday bakhaaradda hubka ee ku dhaw garoonka la weeraray ee Xalab,taaso keentay dhimashada in ka badan 36-qofood oo rayid iyo askar ah,sida ey sheegtay kooxda la socoto xuquuqda aadanaha ee dalka Suriya. Sida la cadeeyey weerarka ayaa “lala beegsaday bakhaaro ey ku jireen Gentaalo uu iska leeyahay Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan oo ku yiileen degaanka Jubreyn oo u dhaw garoonka caalamiga ah ee Xalab”. Warka ayaa intaas raaciyey”Qaraxyo kuwaan la mid ah ayaa laga maqlay AL-Safiir iyo Kafar Juum oo dhaca Galbeed Xalab,iyadoo dhawaqyada Qaraxyada ey weli socdaan lana xaqiijiyey iney jiraan dhimasho iyo dhaawacyo fara badan oo gaaray tobaneey askar ah kuwaaso uu galaafteen qaraxyada ka dhashay bakhaaradda la weeraray. Dhinca kale, laba ilo wareed ayaa shaaca ka qaaday in weerarada Isra’iil ey sababeen dhimashada shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ey Wasaaradda Difaaca ee dalka Suriya ey soo saartay bayaan kuna sheegtay in tiro dad rayid iyo askar ah lagu dilay amaba lagu dhaawacay weerar ey Isra’iil ku qaaday goobo ku yaalo baadiyaha Xalab. Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarada ey dheceen (1:45)-subaxnimo waqtiga maxaliga ah jihada Arya ee Koonfur Bari Xalab. Waxay sidoo kale tilmaantay Wasaaradda in duqeynta ey ku soo beegantay wax ey Wasaaradda ku tilmaantay “Weerar ey fuliyeen Ururo Argagixiso oo ka yimid Idlib iyo baadiyaha Galbeed ee Xalab oo doonaayey iney ku bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah ee ku nool magaaladda Xalab iyo nawaaxigeeda.” Waxaa kaloo ey Wasaaradda difaaca Suriya ey Xaqiijisay iney jiraan khasaaro hantiyeed oo soo gaaray dadweynaha Xalab iyo hanti ey leedahay xukuumadda Suriya.
ISHA/AL-ARABIYA.
CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)-MARKABKA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo inta u dhexeysay 6:00 ilaa 10:56-PM ee waqtiga caasimadda Sanca maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 28/24-ka ey dheceen weeraro dhinaca cirka ah waane maalintii labaad oo xiriir ah ayuu taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) sheegay inuu si guul ah ey ku hawlgeleen ciidamada laguna burburiyey afar diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha wedin ee Drones-ka(UAS) kuwaaso ey soo tuureen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan. Diyaaradaahan Drones-ka ah ayaa ujeedkoodu ahaay in lagu weeeraro laguna waxyeeleeyo Maraakiibta Isbahaysiga,Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ganacsiga ee mara Biyaha Badda Cas,balse weerarkaas waxaa iska difaacay Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka kuna sugan Badda Cas,mana jiraan wax khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta ciidamadda badda ee Maraykanka,kuwa ishabahaysiga iyo kuwa Ganacsiga. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) ayaa go’amiyey in hubkani uu soo bandhigay khatar ku wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamadda badda ee Maraykanka ee jooga gobolka.Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo kuwa amaan ah oo amaan u ah ciidamadda badda ee Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee marta Biyaha Badda Cas.
ISHA/CENTCOM.
ISRA’IIL OO WEERARTAY CAASIMADDA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE ISRAEL.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah weerar dhanka cirka ah ku qaaday dhisme ku yalaao xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq halkaas ey ku dhaawacmeen laba qofood,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta Suriya. Iyadoo soo xiganeyso ilo wareedyo Mileteri ayey Wakaaladda Wararka ee dalka Suriya SANA sheegtay in weerarku uu dhacay (5:50)-PM ee waqtiga maxaliga ah. SANA ayaa sheegtay in nidaamyada difaca cirka ee dalka Suriya ey soo rideen inta badan Gentaaladdii ka imaanayey buuraha Goolan,waxaane ku dhaawacmay laba qofood oo rayid ah,waxaane jira burbur soo gaaray hanti. Magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq iyo nawaaxigeeda ayaa la ogyahay iney martigeliyaan ciidamadda xukuumadda Suriya,kooxaha aragagixisada ah ey tageerto Iraan iyo canaasiirta Ururka Xisbullaahi ee reer Lubnaan. Tan iyo bilawgii dagaalka sokeeye ee Suriya sannadkii 2011-kii, Isra’iil waxay si is daba joog ah u waday weeraro ka dhan ah kooxaha ey taageerto Iraan iyo goobaha Mileteriga ee ciidamadda dalka Suriya.
ISHA/AA
GOLAHA DAGAALKA ISRA’IIL OO ISKU KHILAAFAY IN LA WEERARO..
(SAWIRKA)-MADAXA MOSSAD DAVID BARNEA.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Madaxa Sirdoonka dalka Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa ku wargeliyey Golaha Wasiiradda ee dagaalka iney suuragal tahay in horumar laga gaaro wada xaajoodka Xamaas iyo in la muujiyo debecsanaan qiima leh kuna saabsan arrinta soo noqoshada dadka degan Waqooyiga Marinka Gaza. Reysal Wasaare Netanyahu ayaa ka soo horjeedo tafaasiisha uu soo bandhigay wuxuune taas bedelkeed Netanyahu weydiistay Golaha diyaarinta Hawlgal Mileteri oo lagu qaado Rafax. Sida maanta oo Khamiis ah laga soo xigtay TV-ga 12-aad ee ku hadla luqadda Cibriga David Barnea ayaa sheegay in laga fikiro xal cusub iyo in xal laga gaaro soo celinta 40-maxaabiis oo Isra’iil ah oo nool ey mudan yihiin in loo gurmado sii deyntooda ayago bed qaba,hadalka Madaxa Mossad ayaa waxaa taageeray Wasiiradda Benny Gantz,Gadi Eisenkot iyo Wasiirka Istaraatiijiyadda Ron Dermer.
ISHA/ARAB.
CIIDAMADA BADDA EE MARAYKANKA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)-MARAKABKA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Mileteriga dalka Maraykanka ayaa sheegay iney soo rideen afar diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wedin ah(DRONES) ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yeman ey taageerto Iraa ey ku soo weerareen Markab dagaal uu iska leeyahay Maraykanka kuna sugnaay Badda Cas. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykaka(CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray kuna daabacay bartiisa(X) ee horay loo oran jiray Twitter in ciidamadooda ey “ku hawlanaayeen eyna burburiyeen afar diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha wedin ee ridada dheer” saacada markey ahayd labadii duhurnimo ee xilliga caasiadda Sanca ee dalka Yeman(23:00GMT),taliska ayaa intaa raaciyey in aaney jirin wax dhaawac ah ama khasaara ah oo soo gaaray ciidamadda Maraykanka amaba Maraakiibta isbahaysiga. “Waxaa la go’aamiyey in Drones-kan ey yihiin khatar ku soo wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan Gobalka”. “Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo laaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah la dhigo kuwa amaan ah maana u ah ciidamadda badda ee Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga” ee marta Badda Cas.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO EEDEYN U JEEDIYEY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MARWAN BARGHOUTI.
(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa lagu soo waramayaa inuu walaac ka muujiyey qaabka ey Isra’iil ula dhaqanto Hogaamiyaha Falastiiniyiinta ee u xiran Isra’iil Marwan Barguuti. Wargayska Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Arbacada Maanta ah sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ey soo bandhigtay edeymo ku saabsan xadgudubyada Marwan Barguuti ey u gaysatay Isra’iil,Wasaaradda ayaa weydiisatay in si hufan loo baaro eedeyamaha culus kuna saabsan Barguuti iyo maxaabiista reer Falastiin lagu haayo xaalad sharaf leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah. Xubno ka tirsan Qoyska Barguuti ayaa ku andacoonaayo in tan iyo todobadii Oktobar-2023-kii markaas ey Xamaas weerartay Koonfurta Isra’iil iyo dagaalkii xigay ee Marinka Gaza,Barguuti waxa uu la kulmay Jirdil aan caadi ahayn oo nafsi ah eyna ka mid tahay in la geeyey meel aad mugdi u ah iyo meel aan dad joogin oo cidla ah muddo dhan 12-maalmood. Qareenada Barguuti ayuu Wargayska Washington Post ka soo xigtay sheekada Marwan Barguuti oo in mudda ah u xiran Isra’iil iyo dhawr nabar oo soo gaaray Barguuti intuu xirnaay.
ISHA/MEE.
WAKIILKA QARAMAD U QAABILSAN FALASTIIN OO LA HANDADAY.
(SAWIRKA)-FRANCESCA ALBANESE.
(GENEVE)-Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan dhulka Falastiin Francesca Albanese ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Arbaca ah iney la kulantay hanjabaado badan xilli ey ka shaqeyneysay diyaarinta warbixintii ey u gudbisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva ee ku saabsan xaaladda Marinka Gaza. Shir jara’id ey Arbacadii ku qabatay magaaladda Geneve Albanese ayey ku sheegtay in Isra’iil ey seddex fal oo ka mid ah falalka loo aqoonsan yahay Xasuuqa iney ka gaystaay Gaza,Albanese ayaa ku nuux-nuuxsatay in ciidamadda isra’iil ee galay Marinka Gaza ey adeegsadeen hub caalami ah oo laga mamnuucay weerarada balse Isra’iil ey u adeegsatay Marinka Gaza. Wakiilka Qaramada Midoobe ee Falastiin Francesca Albanese ayaa sidoo kale cadeysay in warbixinteed eysan kaga hadlin falalka Xasuuqa ah ee ka dhacay Daanta galbeed iyo magaaladda Qudus balse waxa ey sheegtay in Falastiin ey dad ahaan la il daran yihiin Xadgudubyada Isra’iil.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO ISU DIYAARINAYSO GELITAAN RAFAX.
(SAWIRKA)-TAANGI ISRA’IIL LEEDAHAY.
(TEL AVIV)-Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Ben-Gvir ayaa maanta oo Talaada ah ku baaqay in la bilaabo weerar dhinac dhulka ah oo lagu qaado magaaladda Rafax oo ah meel gabaad u ah dad tiradood lagu qiyaaso iney dhan tahay ilaa 1.4-Milyan oo reer Falastiin ah,Rafax ayaa ku taalo cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, Xagjirka Bin-Gvir ayaa raadiyaha ciidamadda Isra’iil u sheegay sidaan”Waa inaan hadda galnaa magaaladda Rafax”. Baaqa Ben-Gvir ayaa yimid hal maalin ka dib markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu meel mariyey Qaraar ku baaqaayo in Xabad Joojin deg deg ah laga sameeyo Marinka Gaza inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ey hadda ka dhiman tahay laba todobaad kaliya. Afar iyo toban dal ayaa u codeeyey Qaraarkan,waxaane soo bandhigay toban xubnood oo Golaha la soo doortay,mana jirin cid diiday halka Maraykanka uu ka aamusay.
ISHA/AA.