Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DUQEEYEY DIIRA’A AZUUR.

(SAWIRKA)-GOBOLKA DIIRA’A AZUUR-SYRIA.

(ISTANBUL-TURKEY)-Wararka ka imanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in ugu yaraan ilaa sideed qofood ey dhinteen tobanaan kale ey dhaawacmeen ka dib markii ey duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ey ka dhacday Gobolka Diira’a Azuur ee dhaca bariga dalka Suriya maanta oo Talaada ah,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u faafiso dalka Suriyra ee SANA. Duqeynta ayaa lala beegsaday dhawr magaalo iyo goobo ciidan oo ku yaalo Gobolka Diira’a Azuur, SANA ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo Mileteri. Dhimashada ayaa isugu jirto todobo askeri iyo qof rayid ah,halka 31-qofood oo kale ey ku dhaawacmeen eyna ku jiraan 19-askeri sida ilo wareedyo sheegeen,mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Maraykanka kuna saabsan weerarka cirka ah ee dhacay maanta. Dalka Suriya ayaa ka mid ah wadamadii Carbeed ee uu ka dhacay Kacdoonkii xilalka looga tuuray dhawr Madaxweyne oo Carab ah sannadkii 2011-kii,Madaxweynayaashii xilka laga tuuray ayaa waxaa ka mid ah Cali Cabdalla Saalax Yeman,Zeynal Caabidiin Bin Tunisiya iyo Macamar AL-qadaafi Libiya,balse Suriya waa ey ka badbaaday in Madaxweyne Bashaar AL-Asad xilka laga tuuro taas bedelkeedana Suriya waxa ey gashay dagaal sokeeye oo ilaa hadda taagan.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO LAGA YAABO IN LA SAARO CUNAQABATEYN.

(SAWIRKA)-FRANCESCA ALBANESE.

(UN)-Khabiirad dhanka Xuquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Middobe lana yiraahdo Francesca Albanese ayaa Isniintii shalay ahayd u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe warbixin ey ku sheegtay in Isra’iil dhawr Xasuuq ku gaysatay dagaalka ey ku hayso Marinka Gaza isla markaane ey tahay in la saaro Cunaqabateyn dhinaca Hubka ah. Albanese oo ah Wakiil gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dhulka reer Falastiin ayaa warbixinteeda ku sheegtay iney heshay sababo macquul ah si loo go’amiyo in Isra’iil ey jebisay Seddex ka mid ah shanta fal ee ku qoran Xeerka Xasuuqa Qaramada Midoobe. Kuwaas waxaa ka mid ah dilka Falastiiniyiinta iyagoo aan gaysan dhaawac halis ah oo jireed ama maskaxeed iyo Isra’iil oo si ula kac ah u gaysatay xaalado nololeed oo loo xisaabiyo iney keenaan burburinta jireed ee dadweynaha guud ahaan ama qeyb ahaan,falalkan ayaa lagu ansixiyey oraahyo ujeedo xasuuq ah oo ka yimid mileteriga sare iyo madaxda dawladda. “Dabeecadda xad dhaafka ah iyo baaxadda weerarka Isra’iil ey ku hayso Marinka Gaza iyo xaaladaha nololeed ee burburka ah ey gaysatay Isra’iil ayaa daah ka qaaday in la doonaayo in jir ahaan loo burburiyo Falastiiniyiinta koox ahaan” ayaa lagu yir warbixinta.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AGAASIMAHA CIA IYO MADAXA MOSSAD OO KA SAFRAY DOOXA.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA-DA MARAYKANKA BURNS.

(DOHA-QATAR)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka(CIA) William Burns iyo Madaxa Sirdoonka dibadda Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa ka ambabaxay magaaladda Dooxa ee dalka Qadar fiidnimadii shalay oo Sabti ahayd ka dib markii ey ka qeybgaleen wada hadallo ku saabsan xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhacda Marinka Gaza iyo Heshiis is dhaafsi maxaabiis ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in Burns iyo barnea “Ka tageen Dooxa si ey ugu wargeliyaan masuuliyiintooda faahfaahinta wareegii ugu dambeeyey”ee wada hadallada. Waxa uu sharaxay in wada xaajoodka “ey diiradda ku saareen faahfaahinta iyo heerka sarifka la haysto iyo Maxaabiista”, isagoo xusay”In kooxaha farsamada weli ku sugan yihiin Dooxa”. Sarkaal Isra’iil ah oo aqoon u leh wada hadallada Marinka Gaza oo ey martigelisay dawladda Qadar ayaa sheegay shalay oo Sabti ahayd in dalka Maraykanka uu soo bandhigay “Soo jeedin soo dhaweyneysa” fikradaha la xiriira tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ey tahay in la sii daayo maxbuus kasta oo Isra’iil ah eyna hayso Xamaas inta lagu guda jiro suurtagalnimada xabad joojinta cusub.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO SOO RIDAY DRONES XUUTIYIINTU LEEYIHIIN.

(SAWIRKA)-DRONES-KA XUUTIYIINTA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey weerar ku qaadeen Markab maraayey Badda Cas,weerarkaan ayaa waxaa ka hadlay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM).Bayaanka ka soo baxay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa waxa uu qornaay sidaan,Marka laga bilaabo 2:50 ilaa 4:30-subaxnimo ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ayey Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ey soo rideen afar Gentaal oo nuuca Balastikada ah(ASBM),Gentaaladaas ayaa waxa ey ku soo dheceen agagaarka Markabka M/V Huang PU oo sitay calanka dalka Panama waxaane Markab iska leh dalka Shiinaha waxa uuna siday shidaal laga leeyahay dalka Shiinaha. 4:25-Galabnimo ee waqtiga Sanca ayaa la ogaaday in la soo rdiay Gentaal Balastik ah oo shanaad kaaso loo riday dhinaca Markabka M/V Huang PU. Markabku waxa uu soo saaray wicitaan xiriir ah laakin ma uusan codsan gargaar in loo fidiyo. M/V Huang Pu waxaa soo gaaray Burbur yar,waxaane dabkii ka kacay lagu demiyey diyaarad muddo 30-daqiiqa ah gudaheed. Lama soo sheegin wax khasaara ah oo soo gaaray markabka waxa uuna dib u bilaabay socdaalkiisii. Xuutiyiinta ayaa weeraray Markabka M/V Huang Pu in kastoo ey horay u sheegeen ineysan weerari doonin Maraakiibta dalka Shiinaha. Intii u dhexeysay 6:50 ilaa 9:50-subaxnimo ee waqtiga Sanca,ciidamadda Maraykanka uu u ku jiro Markabka USS CARNEY (DDG-64) waxa uu dagaal ku qaaday lix diyaradood aan duuliyaha wedin ee Xuutiyiinta iyagoo maraayey koonfurta Badda Cas,midne waxa uu u duulay dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta. Waxaa la go’aamiyey in Drones-ka UAV-da ey soo bandhigeen khatar ku wajahan Maraykanka,Isbahaysiga iyo maraakiibta Ganacsi ee marta marinka badda cas. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka oo looga dhigo biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah oo amaan u ah Maraykanka,Isbahaysiga iyo maraakiibta ganacsiga.

ISHA/CENCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUURTA IYO XAASASKA DAACISH EE SURIYA OO EY..

(SAWIRKA)-XEROOYINKA WAQOOYIGA SURIYA.

(SYRIA)-Dib u celintii ayaa istaagtay iyadoo xasillooni darro ey keenayso khataro cusub ee Maxaabiista. Shan sano ka dib markii laga adkaaday kooxda isku magacawday Dawladda Islaamiga ISIS,waxaa weli aan la xallin masiirka tobanaan kun oo qofood oo ey ku jiraan 30-kun oo caruur ah kuwaaso weli si sharco darra ah ugu xiran Xeryaha dalka Suriya. In ka badan 55-kun oo qofood oo ey ku jiraan 30-kun oo caruur ah ayaa weli ku xiran Waqooyiga dalka Suriya shan sano ka dib markii Xoogaga Kurdiyiinta Suriya ee Dimuqaraadiga(SDF) ey ku dhawaaqeen iney ka guuleysteen kooxda ISIS. Iyadoo ey soo food saartay xaalad amaan oo aad u sii xumaaneyso taaso ka dhalatay dagaalka Marinka Gaza iyo weerarad Turkiga ee ka dhanka ah Xoogaga Suriya ee Dimuqaraadiga ah(SDF),cabsida laga qabo iney ISIS soo laba kacleyso iyo hubanti la’aanta sii joogitaanka Suriya ee ciidamadda dalka Maraykanka,waxa ey sii kordhinayaan walaaca laga qabo masiirka inta hartay Maxaabiista kuwaaso intooda badan ah Ajaanib aan rajo dhaw lahayn in dib loogu celiyo dalalkoodii ey ka soo haajireen.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY SANCA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ee maamusha magaaladaasi ey sheegeen in shalay oo Jimca ahayd in duqeymo isdaba joog ah loo gaystay magaaladda caasimadda ah ee Sanca,duqeymaha ayaa waxa fuliyey diyaadaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. “Weerar gardara ah ayey Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku qaadeen caasimadda Sanca”ayaa lagu yiri war uu soo saaray Tv-ga AL-Masiirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,Tv-ga ayaan wax faafaahin ka bixin duulaankaas iyo haddii ey jiraan wax khasaara hantiyeed iyo mid nafeed ah oo ka dhashay duulaanka,gelinkii hore ee shalay oo Jimca ahayd ayey kooxda Xuutiyiinta waxa ey soo wariyeen in laba duqeyn lala beegsaday Gobolka Xudeyda ee dhaca galbeedka dalka Yeman.

ISHA/AA.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIIBIYA OO LAGA HELAY QABAALO WADAREED EY KU AASAN YIHIIN..

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL KU SUGAN DHULKA SAXARAHA LIIBIYA.

(TRIPOLI-LIBYA)-Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka(IOM) ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Jimca ah(22/3/24)-ka ku sheegay in xabaal wadareed ey ku jiraan Meydadka dad Tahriibayaal ah oo dhan ilaa 65-meyd laga helay Kooonfur Galbeed ee dalka Liibiya,Wakaaladda ayaa xustay Xaaladda Geeridooda iyo dhalashadooda ey tahay ilaa hadda mid aan la garanayn,Wakaaladu oo hadalkeeda sii wadata ayaa raacisay “Waxaa la rumaysan yahay iney dhinteen iyagoo si qarsoodi ah loogu tahriibinaayo Saxaraha. Waxaa xusid mudan in ka badan toban sanadood oo qalalaasa ah uu ku jiray dalka Liibiya taaso ka soo bilaabaty tan iyo markii xukunka laga riday Mucamar AL-Qadaafi sannadkii 2011-kii,wixii waqtigaas ka dambeeyey dalka Liibiya ayaa isu bedelay goob barwaaqa u ah kuwa wax tahriibiya,waxaane kooxdaan tahriibka ka shaqeysata lagu soo eedeyey iney gaysteen gabood fal ka dhan ah dadka ey Tahriibiyaan.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOOXA OO UU KA SOCDO SHIR SEDDEX GEESOOD AH.

(SAWIRKA)-WASIIR ANTONY BLINKEN.

(QAHIRA)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in weerarka weyn ey Isra’iil ku qaaday magaaladda Rafax ee koonfurta Gaza ey tahay “Khalad” oo aan loo “Baahnayn” si looga adkaado Xamaas,isagoo hoosta ka xariiqay inuu sii xumaanayo xiriirka Maraykanka iyo Isra’iil. Wasiir Blinken oo ku gada jira hawlgalkiisii lixaad ee deg deg ah tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza bishii Oktoobar-2023-kii ayaa ka hadlay ka dib markii uu la kulmay siyaasiyiin sare oo Carab ah magaaladda Qaahira ee dalka Masar si ey go’aan uga gaaraan arrinta juhdiga la geliyey ee ah sidii looga arrinsan lahaa waxa laga yeelaayo marka Marinka Gaza laga sameeyo Xabad joojin, Blinken ayaa sheegay in Xabad joojin deg deg ah oo joogta ah la gaaro lana sii daayo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas,iyo iney sii yaraanayaan daldaloolada wada hadalladda aan tooska ahayn una dhexeeyo dhinacyada isku haayo dagaalka Marinka Gaza ee Isra’iil iyo Xamaas eyna gar wadeenka ka yihiin Maraykanka,Masar iyo Qadar qaatayne todobaadyo, ey ka sii socon doonaan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa.

ISHA/AP.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A.

(SAWIRKA)-ISBITAALKA AL-SHIFA’A.

(GAZA)-Seddex iyo toban bukaan ah ayaa ku geeriyooday Isbitaal AL-Shifa’a taaso ka dhalatay go’odoominta Isra’iil ee Isbitaalka AL-Shifa’a,xafiiska Warbaahinta ee dawaladda Gaza ayaa sheegay sidaas maanta oo Khamiis ah,waxayna ciidamadda Isra’iil amreen kumanaan qofood oo Isbitaalka AL-Shifa’a uu u ahaay hooy iney isaga guuraan. Afar qofood oo ku sugnaay qolka la geeyo dadka ey xaaladooda aadka u liidato eyna ku surneed Oksajiin ayaa geeriyooday ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey jareen Korontadii Isbitaalka halka kuwa kale ey baahnayeen dawo,Oksojiin iyo cunto ey cunaan. Waxaa sidoo kale isa soo taraayey wararka sheegaayo in xabsiga loo taxaabay shaqaale caafimaad iyo wariyeyaal ku sugnaay gudaha Isbitaalka Alshifa’a,dadka xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ka mid ahaay wariye u shaqeynaayey TV-ga Al-Carabiya ee fadhigiisu yahay dalka Sacuudiga iyo wargayska laga leeyahay Sacuudiga kuna xiran Tv-ga AL-Carabiya ee Arab News. Ciidamadda isra’iil ayaa sheegay in hawlgalkooda saxda ah ey ku dileen in ka badan 140-aragaixiso gudaha dhismaha Isbitalka AL-shifa’a,waxa eyna ciidamadda Isra’iil ku andacoodeen in Isbitaalka AL-shifa’a saldhig u ahaay Xamaas,tan iyo markii uu weerarku ku bilawday Isbitaalka AL-shifa’a oo ahayd Isniintii.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY XERO QAXOOTI.

(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA NUUR AL-SHANMS.

(WEST BANK)-Hawlgal ey ciidamadda Isra’iil ka fuliyeen xerada Qaxootiga Nuur Shams ee ku taalo Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ee reer Falastiin maanta oo khamiis ah ayaa lagu dilay afar qofood,hayadda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sidaas sheegtay,Dadka ku nool Jiniin ayaa ku dhawaaqay in weerarka loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka uu soo bilawday maantii shalay oo Arbaca ahayd. “Kooxaha Ambalaaska ee Bisha Cas ee Falasytiin ayaa soo daabulay meydka wiil yar oo 18-jir kaaso ey dileen ciidamadda Isra’iil kuna dileen Xerad Nuur Shams”sidaas waxaa bartooda(X) ku sheegay Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin,waxayna intaas raacisay in tirada dhimashada ey gaartay ilaa afar qofood,laba ka mid ah afarta qofood ee reer Falastiin ee la dilay ayaa waxaa dilay diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil halka labada kalane lagu dilay rasaas nool sida ey sheegtay Bisha Cas ee reer Falastiin. Ragaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Marwaan Maxamed(Abu Cali) oo 22-jir ah iyo Cabdalla Maxamud ALQeysi oo 20-jir ah sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Falastiiniyiinta ee WAFA. Meydadka ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Thabet Thabet ee Dhool Karam. Nidal Mamoun Abu Cubayda oo 23-jir ah iyo Nidal Cazmi Kanuux oo 19-jir ah ayaa waxaa dishay diyaaradda aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ey leeyihiin ciidamadda Isra’iil taaso duqeyn dhinaca cirka ah ka gaysatay Xaafadda AL_Manshiya ee Xeradda Qaxootiga ee Nuur Shams.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo intii u dhexeysay 10:10-subaxnimo ilaa 7:40-fiidnimo ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman,taariikhduna tahay 20/3/2024-ka ayey ciidamadda cirka ee isbahaysiga uu hogaaminaayo Maraykanka ey ku guuleysteen iney burburiyaan Drones iyo Doomo ey soo gemeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawaladda Iraan waxa eyna Xuutiyiintu ka soo gemeen dhulka ey ka maamulaan dalka Yeman. Lama soo sheegin wax dhibaata ah oo soo gaartay Maraakiibta dagaalka ee Isbahaysiga kuna sugan badda cas iyo maraakiibta Ganacsiga ee mara badda cas. Xulafadaan uu hogaaminaayo dalka Maraykanka ayaa isu taagtay iney kooxda Xuutiyiinta ka difaacaan Maraakiibta maraysa Badda Cas taaso ey maraan 12% maraakiibta ganacsiga ee adduunka,Xulafadda ayaa weerarka dhinaca cirka ku bilawday kooxda Xuutiyiinta Yeman 12/1/24-ka,waxaane weerarada lala beegsadaa goobaha ey Xuutiyiinta ka degan yihiin dalka Yeman gaar ahaan dhinaca Waqooyiga,ujeedada weerarada xulafadda ayaa lagu sheegay iney tahay sidii loo wiiqi lahaay awooda Xuutiyiinta oo weerar joogta ku haayo Marinka Badda cas iyo Gacanka Cadmeed marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii tegay-2023-ka.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIRKA DOOXA EE XAMAAS IYO ISRA’IIL OO KU DHAW BURBUR.

(SAWIRKA)-KOONFURTA DALKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakadda Xamaas kaaso fadhigisu yahay Libnaan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in jawaabta Isra’iil ee soo jeedintii ugu dambaysay ee kooxda Falastiin ee xabad joojinta lixda todobaad ah ee Marinka Gaza ey ahayd”guud ahaan diidmo”iyadoo wada hadalladu weli ey ka sii socdaan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa. Cusaama Hamdaan ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtay caasimadda dalka Libnaan ee Beirut ku sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha ey gudbiyeen mawqifka Isra’iil maalin ka hor,balse “guud ahaan ey tahay mid xun oo aan ka jawaabeyn rabitaan dadkeyna”. Cusaama Hamdan ayaa sheegay in jawaabta Isra’iil “ey ka dhigan tahay tallaabo dib u dhac ah” marka loo eego jagooyinkii hore ee lala xiriiriyey iyo iney u badan tahay in Isra’iil dooneyso iney carqaladeyso wada xaajoodka taasne waxay horseedeysaa Carqalad sababta burburka wada hadalladda.

ISHA/AN.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WELI WADA WEERARADA CIRKA EE MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-JANAASO KA DHACDA MARINKA GAZA.

(GAZA)-In ka badan boqol qofood ayaa ku dhintay tobanaan kalane waa ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil ku qaaday Falastiiniyiinta gargaar bani’adanimo ka guranaayey Marinka Gaza todobaadkii tegay,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah baahiyey Xafiiska Warbaahinta ee Marinka Gaza. “Isra’iiliyiinta haysta dhulka Falastiin waxa ey doonayaan in la sii wado siyasadda Gaajada iyo Macluusha qotada dheer ee ka socoto Gaza in kastoo digiinada Ururada caalamiga ah iyo hayadaha ey sii badanayaan”,sidaas waxaa lagu sheegya bayaan ka soo baxay xafiiska warbaahinta Gaza. Warbaahinta Marinka Gaza ayaa ka digatay in weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta gaajeysan ey uga gol leeyihiin iney ku faafiyaan fawdo iyo amni darro ka dhacda Marinka Gaza.

ISHA/AA.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR HORE OO SAMEEYEY MUSUQ.

(SAWIRKA)WASIIRKII HORE EE G/DHIGA DALKA CIRAAQ.

(COPENHAGEN-DENMARK)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee dalka Ciraaq oo haysta laba dhalasho oo kala ah Ciraaq iyo Sweden ayaa lagu xiray dalka Sweden sida ey masuuliyiinta sheegeen Talaadada maanta ah. Wasiirka ayaa looga shakisan yahay inuu si sharci darra ah Ceyrta uga qaato dalka Scandinavian ah. Dacwad oogaha Jens Nilsson ayaa u sheegay Warbaahinta SVT ee dalka Sweden in Najah AL-Shammari la baadi goobaayey ku dhawaad sannad iyo bar. Dacwad oogaha ayaa TV-4 u sheegay in AL-shammri laga soo qabtay Isniintii shalay ahayd garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimadda ah ee Stockholm markii uu soo gaaray dalka Sweden. Warbaahinta dalka Sweden ayaa goor sii horeysay sheegtay in AL-shammari uu sannado badan sheeganaayey taageero caruur iyo guri in kastoo uu ku noolaay magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Sannadkii 2019-kii Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa sheegtay in AL-Shammri uu u diiwaan gashan yahay inuu ku nool yahay xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Stockholm. Wargayska Expressen ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa sheegay inuu dalka Sweden u soo guuray sannadkii 2011-kii uuna qaatay dhalashadda Sweden sannadkii 2015-kii waxaane lagu soo wargeliyey masuuliyiinta in AL-Shammri iyo xaaskiisa looga shakisan yahay iney Musuq-maasaqeen dheefaha. Waxaa lagu eedeyey inuu sii waday sheegashada lacagaha bulshada sannado ka dib markii uu ku laabtay dalka Ciraaq. Dalka Sweden iyo wadamadda waqooyiga Yrub waxa ey caan ku yihiin bixinta kaalmooyinka bulshada ee deeqsinimada ah.

ISHA/AP.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA HADLI DOONO ARRINTA RAFAX.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA RAFAX.

(WASHINGTON)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ayaa galay maalintiisii 165-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday taariikgdu markeey ahayd 7/10/23-kii ka dib markii Xarakadda Xamaas ey weerar kedis ah ey ku qaaday Isra’iil,weerarkaas ayaa Isra’iil waxaa looga dilay ilaa 1200-qofood waxaane looga soo afduubtay ilaa 400-qofood oo kale halka Falastiin looga dilay in ka badan 32-kun qofood loogana dhaawacay in ka badan 72-kun qofood,dadka dhintay ayaa intooda badan ah Caruur iyo Dumar waxaane jira dad reer Falastiin ah oo lagu la’ayahay goobaha ey ka dheceen dagaaladda. Dawladda Maraykanka ee uu hogaamiyo MW-Biden ayaa miisaameysa dhawr siyaabood oo kala duwan duulaanka ey Isra’iil dooneyso iney ku qaado Rafax,ujeedka miisaamidaan ayaa ah inuu jiro wafdi heer sare ah kana socdo Isra’iil inuu soo booqan doono Washington todobaadka soo socdo,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Maraykan ah. Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa codsaday kulanka si uu u amro in la isku dayo sidii looga fogaan lahaay isku dhac dhexmara Maraykanka iyo Isra’iil,waxaa sidaas sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Madaxweyne Biden iyo Reysal Wasaare Netanyahu labaduba waxa ey soo saareen”XARIIQ CAGAARAN” oo ku wareegsan hawlgaladda Isra’iil ee koonfurta Marinka Gaza halkaaso in ka badan hal milyan oo Falstiiniyiin ah u ah gabaad.

ISHA/AXIOS.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KANADA OO MAMNUUCDAY IN HUB LAGA IIBIYO ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KANADA JOLY.

(TORONTO-CANADA)-Wararka ka imanaayo dalka Kanada ayaa sheegaayo in dalkaasi uu mamnuucay in hub loo diro dalka Isra’iil,Wasiirka Arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joly ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday. Talaabadaan ayaa timid ka dib markii xildhibaanadu 204/117 ey u codeeyeen mooshin aan sharci ahayn oo lagu joojinaayo iibinta hubka ka dib dood dheer oo Isniintii shalay ahayd dhacday. “Waa wax dhab ah”,Joly ayaa u sheegtay wargayska The Toronto Star. Mooshinkii asalka ahaa wuxuu ahaa joojinta iibka hubka laakin taasi waxaa loo bedelay mamnuucid toos ah. Sidoo kale waxaa Mooshinka ku jiray qodobo ku baaqaayey in la taageero ugu dambaynta “Sameynta dawladda Falastiin”iyadoo lala kaashanaayo saaxibadda caalamiga ah ee Kanada.

ISHA/AA.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UNICEF OO SHEEGTAY IN MARINKA GAZA EY KU DHINTEEN…

(SAWIRKA)-KABIHII CARUURTA KU DHIMATAY MARINKA GAZA.

(gAZA)-Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobe(UNICEF) Catherine Rusell ayaa sheegtay in 13-kun oo caruur ah lagu dilay Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka oo ahayd Oktoobar-7-2023-kii,Catherine ayaa ku nuux-nuuxsatay sheegtayane in tan oo kale eysan weligeed ka dhicin colaadaha adduunka soo maray. Catherine ayaa intaas raacisay intii lagu guda jiray waraysigeeda uu la yeeshay Tv-ga CBS ee dalka Maraykanka in tirada caruurta ku dhaawacantay dagaalka ka socdo Marina Gaza ey aad badan tahay,waxay kaloo tiri Caruurta Marinka Gaza waxa ey u dhimanayaan Nafaqo darro. Catherine Ruselle ayaa xaqiijisay in 13-kun oo caruur ah ey dhinteen iyo tobanaan kun oo dhaawac ah halka ey jiraan caruur kale oo ku hoos jira burburka amaba la la’ayahay waalidkoodii dhalay.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SII DEYSAY WARIYEYAAL U XIRNAAY MAANTA

(SAWIRKA)-BARTAMAHA GAZA.

(ANKARA)-Ciidamadda Isra’iil ayaa goor dambe oo maanta Isniinta ah sii daayey Wariye ka tirsan Tv-ga Al-Jazeera Ismaaciil AL-Gool iyo wariyeyaal kalo badan ka dib markii subaxnimadii hore ee maanta ku xireen Isbitaalka AL-Shifa’a ee galbeedka magaaladda Gaza. Wariye Ismaaciil iyo wariyeyaasha kale ayaa aroornimadii maanta waxaa xiray ciidamdda Isra’iil oo weerar ku qaaday Isbitaalka AL-Shifa’a,ciidamadda ayaa xiray tobaneeyo qofood kuna wada sugnaay gudaha Isbitaalka la weeraray AL-shifa’a,waxaane gudaha Isbitaalka laga saaray Falastiiniyiin halkaas ey u ahayd gabaad. Tv-ga AL-Jazeera ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in la sii daayey gaari ey ku xirnaayeen Kamerooyin iyo qalab kale ee uu iska lahaay TV-ga AL-Jazeera,arrintaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka.

ISHA/AA.

RIIX HALKAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIX WEERAR OO DHINACA CIRKA AH OO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA MARAYAKNAK IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa maanta oo Isniin ah baahiyey in lix weerar oo Maraykanka iyo Ingiriiska ey ka fuliyeen degaanadda AL-Faza ee AL-Tuhayta iyo AL-Jabanah oo dhan galbeed kaga beegan magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman. Badda Cas ayaa marin wey oo ey maraan isu socodka Internet-ka kaaso isaga kala goosha Bariga dhexe,Afrika iyo Yurub iyadoo la sii marinaayo fiilooyin maraaya badda hoosteeda kuwaaso gudbiya 99% xogta qaaradaha isaga kala goosha. Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku andacoonaayo iney bartilmaameedsanayaan maraakiibta ey leeyihiin amaba ey maamulaan shirkadaha Isra’iil ama alaabaha u qaada amaba ka soo qaada Isra’iil iyagoo is garabsnayaao Marinka Gaza oo ey Isra’iil weerareyso tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay-2023-kii. Khamiistii la soo dhaafay Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/malik AL-Xuuti ayaa ku dhawaaqay iney balaarinayaan weerarada kooxdu ku hayso maraakiibta lala xiriirinayo iney leedahay Isra’iil si loogu daro kuwa ka fogaanayo iney ka gudbaan badda cas una sii maraan badweynta Hindiya.

ISHA/SBM

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY BADDA CAS.

(SAWIRKA)-DRONES-KA EY ISTICMAALAAN XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Abaarihii (7:50)- subaxnimo ilaa (8:15)- subaxnimo ee wakhtiga caasimadda Sanca. Xuutiyiinta oo ey Iran taageerto ayaa laba diyardood oo aan duuliyaha lahayn (UAV) ka soo tuuray dhulka ey Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen una sii jeedda dhinaca Badda Cas. Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa si guul ah ku gaaray dagaal ay ku burburiyeen mid ka mid ah UAV halka midka kalena loo maleynayo inuu ku dhacay Badda Cas. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maraakiibta oo ku sugan agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay. Intii u dhaxaysay 9-kii fiidnimo iyo 10:30 fiidnimo wakhtiga Sanca, CENTCOM waxay burburisay shan markab oo aan cidina wadin iyo hal UAV meelaha ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen iyagoo is-difaacaya. Waxaa la go'aamiyay in hubkani uu khatar ku soo wajahan yahay maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka ee gobolka. Tallaabooyinkan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xorriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah looga dhigo kuwo nabdoon oo ammaan u ah Ciidamada Badda Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga.

ISHA/CENTCOM.

Read More