WARATADII NEW YORK OO LA KALA ERYEY.
(SAWIRKA)-KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH IYO TUSBAX.
(NEW YORK)-Booliska magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa weeraray wado ku taalo degmada Queens laba maalmood ka hor inta eysan bilaaban bisha barakaysan ee Ramadaan,degmada Queen ayey waratada reer Bangaala-deesh waxa ey ku iibiyaan Agab islaami ah. Sida lagu soo xigtay warbixin ka soo baxday maamulka magaalada goobaha mashquulka badan ee ku dhawaad gaaraayo ilaa laba iyo toban warato oo sida caadiga ah lagu iibiyo Agab Islaami ah ayaa inta badan ku yaalo New York kuwaso hadda haawinaayo waxaane goobahaas yiilay sanaadiiq iyo miisas ey ku raran yihiin Qoraaladda diiniga ah, sida Ducadda,Saliyadda,Xijaabka iyo Qamiiska raga qaataan. Tani waxa ey ka dambeysay ka dib markii saraakiisha booliska ey amreen in la baneeyo Aaga 8-dii Maarso-2024-ka iyagoo soo saaray tikidhada garaafyada wadooyinka ee aan loo haysan shatiga ganacsiga. Mid ka mid waratada ayaa warbaahinta u sheegay in askeriga uu u sheegay inuu joojiyo iibinta agabka uu gacanta ku haayo isla markaasne waxa uu siiyey Ganaax dhan ilaa $250 isaga iyo dad kale oo waratada ka mid ah,dadkaan ayaa cabsi ka muujiyey iney dib ugu soo laabtaan magaaladda New York,qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa dhumiyey ilihii dhaqaalaha ka soo geli jiray,waxaane hadda ku adag iney daboolaan baahidooda gaar ahaan ijaarka guryaha oo aad sareey Gobolka New York iyo nolosha kale ee caadiga ah.
ISHA/MEE.
BERRI OO LOO BALANSAN YAHAY SHIRKII ISRA’IIL IYO XAMAAS.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.
(QAHIRA)-Wada hadallada hakad galay ee looga gol lahaay in lagu xaqiijiyo xabad-joojin u dhexeysa Isra’iil iyo Xamaas ayaa la filaa iney si dhab ah uga bilaabato caasimadda dalka Qadar ee Dooxa maalinta Axada ee berri ah,sidaas waxaa laga soo xigtay masuuliyiin reer Masar ah. Wada hadallada ayaa noqon doona mid ey markii ugu horeysay ey labada dhinac Isra’iil iyo hogamiyeyaasha Xamaas ey ku soo biiraan wada hadallada aan tooska ahayn tan iyo markii ey bilaabatay bishaan Barakaysan ee Ramadaan. Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa rajaynayey iney xaqiijiyaan xabad-joojin lix todobaad ah ka hor inta eysan bilaaban bisha Ramadaan horaantii todobaadkan laakinse Xamaas ayaa diiday heshiis kasta oo aan u horseedi doonin xabad-joojin joogta ah oo laga sameeyo Marinka Gaza dalka Xamaas ayaa diiday. Si kastaba ha haatee,maalmihii la soo dhaafay labada dhinac waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ey ku doonayaan in wada hadallada oo aan si buuxda u furmi iney dib ugu soo laabtaan wadadii ey ku socdeen.
ISHA/AP.
RIIX HALKAN.
RW-NETANYAHU OO AQBALAY IN LA WEERARO RAFAX.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA KHAN YUUNIS.
(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qahira ayaa sheegaayo in Isra’iil ey shalay oo Jimca ahayd Ansixisay weerar ey suurtagal tahay in lagu qaado magaaladda Rafah ee koonfur kaga beegan Marinka Gaza iyadoo sidoo kale Isra’iil ilaalinaysa rajada laga qabo xabad joojinta la qorsheynaayo in dhawaan go’aankeeda la gaaro,Isra’iil ayaa looga fadhiyaa iney wafdi u dirto caasimadda dalka Qadar ee Dooxa si ey uga qeybgalaan wada xaajoodka ku saasban in heshiis laga gaaro la haystayaasha reer Isra’iil iyo Maxaabiista reer Falastiin. War ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil ayaa sheegay in Reysal Wasaare Netanyahu uu aqbalay qorshe lagu weeraraayo magaalo ku taalo cirifka koonfureed ee dhulak burburay ee reer Falstaiin magaaladaasi oo ah Rafax halkaas oo ey ku nool yihiin in ka badan 2.3-Milyan oo qofood kuwaaso gabaad ahaan ugu sugnaay Rafax inta uu socday weerarka lagu haayo Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii.
ISHA/REUTERS.
SAGAASHAN KUN OO FALASTIINIYIIN AH AYAA KU DUKATAY…
(SAWIRKA)-MASJIDKA AL-AQSA’A.
(QUDUS)-Wararka ka imaanayo dhulka Falastiin ayaa sheegaayo in sagaashan kun oo Falstiiniyiin ah ey maanta oo Jimca ah ku dukatay salaadii Traawiixda Masjidka AL-Aqsa’a ee ku yaalo bariga magaaladda Qudus ee dhulka la haysto inkastoo ey Isra’iil ey mamnuucday in la galo Majidka AL-Aqsa’a. Waaxda Awqaafta Islaamka ee magaaladda Qudus ayaa sheegtay in dadka cibaadeysanaayey ey ka soo qeybgaleen dukashada Salaada Traawiixda ee la dukado Bishaan Barakaysan ee Ramadaan ahaayeen kuwo aad u fara badan. Wakaaladda Wararka reer Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay iney ahayd tiradii ugu badneed ee dad cibaadeysanaayo kuna dukada Masjidka AL-Aqsa’a muddo bila ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadda Isra’iil la soo dhoobay albaabka laga soo galo Masjidka AL-Aqsa’a waxaane ey u diideen dhallinyaro badan iney gudaha u galaan Masjidka AL-Aqsa’a,balse lama sheegin tiro sax ah oo loo diiday iney gasho Masjid AL-Aqs'a’a.
ISHA/AA.
MASAR IYO FARANSIISKA MEXEEY KA BEDELI KARAAN XAALKA BADDA CAS?
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA BADDA MASAR IYO KUWA FARANSIISKA.
(QAHIRA)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in dalalka Masar iyo Faransiiska ey maanta oo Khamiis ah ka wada hadleen xasiloonidda badda ee Gobolka Bariga Dhexe xilli ey weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey sii wadaan weeraradooda ku wajahan Maraakiibta marta Badda Cas. Taliyaha ciidamadda Badda ee dalka Masar Ashraf Ibrahim iyo Taliyaha Ciidamadda dalka Faransiiska ee aaga Badweynta Hindiya iyo Badda Cas Admiral Emmanuel Salars oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaay iskaashiga iyo xasiloonidda Badda Gobolka. Salars iyo wafdiga la socdo ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey gaareen caasimadda Masar ee Qaahira sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamadda dalka Masar. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa iyagana dhinacooda war soo saaray maanta oo Khamiis ah waxa eyna sheegeen ineysan joojin doonin weerarada ey ka wadaan Badda Cas ilaa inta Isra’iil ey soo afjareyso dagalka ey ku hayso Marinka Gaza eyna ka qaadeyso Go’odoominta,eyna ogolaaneyso in gargaar bani’adanimo la gaarsiiyo dammaan qeybaha ey ka kooban tahay Falastiin.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO DUQEYSAY XAAFAD KU TAALO RAFAX.
(SAWIRKA)-XAAFAD LA WEERARAY RAFAX.
(GAZA CITY)-Dhawr qofood oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay maanta oo Khamiis ah duqeyn dhinaca cirka ah ey gaysteen ciidamadda cirka ee Isra’iil,weerarka ayaa waxaa lala beegsaday guri ey degan yihiin dad rayid ah kuna yaalo Rafax ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha dagaalka dalka Isra’iil ey gaysteen duqeynta guriga ku yaalo xaafadda AL-Zuhur ee Waqooyiga Rafax,waxaane ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Caruur iyo Haween,Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza ayaan weli sheegin tirada dhabta ah ee wax ku noqotay weerarka Isra’iil.
ISHA/AA.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY GACANKA CADMEED.
(CENTCOM)-Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM)ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ey hal Gentaal oo nuuca Balastikada ah ka soo tuureen dhulka ey ka taliyaan ee Yeman,gentaal ayaa ku soo dhacay Gacanka Cadmeed balse ma jiro wax khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta. “Gentaalka wax saameyn ah kuma yeelan wax Maraakiib ah mana jiraan wax dhaawac ah ama khasaara ah oo soo gaaray Maraakiibta sida la sheegay”,Centcon ayaa intaas raacisay hadal ey soo saartay subaxnimada maanta oo Khamiis ah. “Talisk dhexe ee Maraykanka ayaa si guul ah u hawlgeliyey una burburiyey afar hawa mareenada aan duuliyaha wedin(UAV) iyo hal Gentaal oo ah gentaalada hawada laga tuuro laga soo tuuro dhulka ey Xuutiyiintu maamulaan ee dalka Yeman sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka Centcom.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO RABTA IN GAZA LOO GACANGELIYO FATAX.
(SAWIRKA)-MAAJID FARAJ.
(GAZA)-Marka laga hadlaayo arrimaha Falastiin waxaa waajib ah inaan maskaxda ku hayno in Falastiin kala qeybsan tahay lana kala safan tahay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas iyo Ururka Xamaas,dagaal culus oo aan waxba la isula harin ayaa dhexmaray labadaan kooxood ee reer Falastiin,dagaalka ayaa yimid ka dib markii la isku qabtay cidda maamulayso Marinka Gaza ee hadda uu ka socdo dagaalka qaraar,dagaalkaasi waxaa looga itaal roonaaday kooxd Fatax waxaane laga saaray Marinka Gaza. Maamulka Gaza ayaa waxaa gacanta ku haayey Xamaas marki uu qarxaayey dagaalka Gaza 7/10/23-kii waane halka Isra’iil ey isha weli ku hayso inaan mar dambe laga soo weerarin, si midaasi ugu hirgasho Isra’iil ayey olole ugu jirto sidii Amaanka Marinka Gaza gacanta loogu gelin lahaay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas ee hadda ah Madaxweynaha Falastiin ee la aqoonsan yahay,waa maxay qorshaha Isra’iil ee Marinka Gaza dagaalka ka dib? Maajid faraj waa Madaxa Sirdoonka ee maamulka Falastiin ee uu caalamku aqoonsan yahay,waxaane lagu soo waramayaa inuu yahay maamulaha Marinka Gaza dagaalka ka dib,Faraj ayaa caan ku ah la shaqeynta saraakiisha ciidamadda Isra’iil waxaane loo arkaa inuu yahay Madaxweynaha Falastiin marka uu dhammaado waqti xileedka Maxamuud Cabaas.
ISHA/MEE.
AMIIRKA DALKA QADAR OO LA HADLAY MW-YURUB.
(SAWIRKA)-BURBURKA GAARAY MARINKA GAZA.
(DOHA-QATAR)-Wararka laga helaayo dalka Qadar caasimadiisa Doxa ayaa sheegaayo in Amiirka dalka Qadar Amiir Tamiim Bin Xamad uu maanta oo Arbaca ah uu khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Midawga Yurub Ursul Vob Der Leyen waxa uuna kala hadlay horumarka socdo ee Marinka Gaza. Amiir Tamim iyo Ursul ayaa dib u eegis ku sameeyey dadaaladda iskaashi ee ka dhexeeyo dalka Qadar iyo Midawga Yurub,Amirka Diwanka ee dalka Qadar ayaa sidaas ku sheegaya bayaan uu soo saaray. Wararka ayaa intaa ku deraayo in labada dhinac ey is dhaafsadeen fikrado ku saabsan isbedeladda caalamiga ah iyo kuwa gobolka,gaar ahaan Marinka Gaza iyo dhulka Falastiin ee la haysto.
ISHA/AA.
MARKAB DAGAAL OO SOO RIDAY DRONES BADDA CAS.
(SAWIRKA)MARKABKA CIAO DUILIO.
(ROME)-Wararka ka imanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegaayo in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga uu Badda Cas ku soo riday laba diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano Drones-ka,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay Wasiirka Arrimha Dibadda dalka Talyaaniga Antonio Tajani. Dooni Torpedo oo uu Talyaaniga leeyahay laguna magacaabo CAIO DUILIO oo ah mid wax burburisa ayaa soo riday labada diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn,hawshaan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Yurub ee la magac baxay ASPIDES kaaso dhawaan laga bilaabay Badda Cas,hawgalkaan ayey ujeedadiisu tahay in Maraakiibta Ganacsi ee maraayo biyaha Badda cas laga ilaaliyo weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Talyaaniga Antonio Tajani qoraal uu soo dhigay bartiisa (X) ayuu ugu hambalyeeyey ciidamadda badda ee dalka talyaaniga waxa uuna yiri”Hamablyo shaqaalaha Markabka Caio Duilio. Ciidamadda badda ee dalka Talyaaniga waxay damaanad qaadeen xuriyadda socodka waxayna ilaaliyeen Maraakiinteyna ganacsiga. Waan ku hanweynahay badmaaxiinteyna”. Dalka Talyaaniga ayaa leh hogaanka hawlgalka Yurub ee Badda Cas loona yaqaano Aspides kaaso la bilaabay bishii hore waxaane hawlgalka ugu weyn lagu martigeliyaa Markabka Talyaanigu leeyahay ee la yiraahdo CIAO DUILIO.
ISHA/AA.
BASHAAR ASAD ADEERKIIS OO LA MAXKAMADEYNAYO.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA SWITZERLAND.
(ATHENS)-Dalka Switzerland waxaa Maxkamad lagu soo taagi Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar AL-Asad adeerkiis Rifcat AL-Asad,dacwadda loo haysto Rifacat AL-Asad ayaa ah inuu amray dil,jirdil naxariis darra ah iyo inuu si sharci darra ah xabsiyadda dad ugu xiray iyo inuu amray xasuuqii ka dhacay Xama’a sannadkii 1982-dii. Rifcat AL-Asad ayaa horay u soo ahaan jiray Madaxweyne Ku-xigeenka dalka isla markaasne ah taliyaha sare ee ciidamadda dalka Suriya waqtigii uu dalka Suriya ka talinaayey Madaxweynihii Geeriyooday ee dalka Suriya Xaafid AL-Asad oo Aabe u ah Madaxwynaha waqtigaan ee dalka Suriya Bashaar Xaafid AL-Asad. Rifacat AL-Asad ayaa Maxkamadda la horkeeni doonaa isagoo loo haysto dembiyo kala duwan eyna ka mid tahay dembiyo dagaal,sida ey sheegtay Maxkamadda Dembiyadda Federaalka ee dalka Switzerland maanta oo Talaada ah. “Eedaysanaha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu bixiyey amar dil,jirdil oo naxriis darri ah oo lagula kacay dad shacab ah iyo in xabsiga loo taxaabay dad aan waxba galabsan intuba waxa ey dalka Suriya ka dheceen sannadkii 1982-dii isagoo waqtigaas ahaay taliyaha Guutooyinka Difaaca iyo taliyaha hawlgaladda ee degaanka XAMA’A,iyadoo la eegaayo xaaladda iska horimaadyadda hubaysan iyo weeraradda qorsheysan oo lagu qaaday shacabka XAMA’A”ayey Maxkamadu ku tiri hadal ey soo saartay maanta oo Talaada ah.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO SHEEGAY INUU BURBURIYEY…
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(CENTCOM)-Maanta oo Isniin ah kuna beegan 11/3/24-ka,intii u dhexeysay 8:50 Subaxnimo ilaa 12:50-duhurnimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca,kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ayaa laba Gentaal oo nuuca balaastikada ah waxa ey ka soo rideen aagaga ey Xuutiyiintu maamulaan ee Badda Cas,Gentaaladda ayaa ku wajhanaay Markabka Ganacsiga ee PINOCCHIO oo laga leeyahay dalka Singabuur sitayne calanka dalka Laybeeriya. Gentaaladda ayaan wax saameyn ah ku yeelan Markabka lala beegsaday mana jiro wax dhaawac ah ama khasara ah oo soo la soo sheegay. Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ayaa lix weerar oo is difaac ah ku burburiyey Markab aan cidna wedin iyo 18-Gentaal oo kuwa lidka Maraakiibta ah kuna sugnaay dhulka ey Xuutiyiinta Maamulaan ee dalka Yeman. Waxaa la go’aamiyey in hubkan yahay khatar ku soo wajahan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamada Badda ee dalka Maraykanka kuna suga Gobolka. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socodka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo nabad ey mari karaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda badda ee dalka Maraykanka.
ISHA/CENTCOM
KHUABRO U DHALATAY IRAAN OO LAGU DHAAWACAY YEMAN.
(SAWIRKA)-WEERARADII LAGU QAADAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey weerar dhinac cirka ku qaadeen Gobolka Xeebta ku yaal ee Xudeyda ee dalka Yeman sida ey sheegtay kooxda Xuutiyiinta. Telefishanka AL-Masirah oo ey Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in seddex weerar lala beegsaday degaanka AL-Carji oo ku yaalo Waqooyi-galbeed Xudeyda. Weerarada afar ah ayaa sidoo kale laga sheegay degmada Raas Ciise ee isla Gobolka Xudeyda,ma jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska. Weeraradaan dhacay habeenimada isniinta ayaa la soo sheegay iney ku dhinteen 11-qofood waxaane ku dhaawacmay 14-qofood oo kale kuwaaso sida la sheegay afar ka mid ah ey yihiin Khubaro u dhalatay dalka Iraan oo Xuutiyiinta ka kaalmeynaayey dhinaca isticmaalka Gentaaladda lidka Maraakiibta iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin. Weerarada cirka ey wadajir u qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay iney dhamaayeen ilaa sagaal weerar kana kala dhacay degaanka AL-Caraj oo ka tirsan degmada Baajil oo la weeraray ilaa seddex jeer, degaanka Raas Ciisa ee degmada Saliif oo la weeraray ilaa afar jeer halka degaanka Dhaa’if ee degmada AL-direyhami ayadana la weeraray laba jeer. Goobaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ah goobo hubka lagu keydiyo,Raadaaro iyo qalabka guur guuro ee laga rido Gentaalada Balaastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ah. kooxda Xuutiyiinta ayaa bartilmaameed ka dhigatay Maraakiibta maraysa Badda Cas ayagoo u hiilinaayo shacabka Gaza.
ISHA/AA.
HOGAAMIYIHII AL-QAACIADADA JAZEERADDA CARABTA OO GEERIYOODAY.
(SAWIRKA)-KHALID BATARFI.
(YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegayo in Ururka AL-Qaacidda ee Jaziiradda Carabta(AQAB) uu ku dhawaaqay inuu geeriyooday Hogaamiyihii Ururkaasi KHALID BATARFI,waxa uuna Ururka magacaabay bedelkiisa,sida ey sheegtay Hayadda Sirdoonka ee la socoto kooxaha hubaysan ee caalmka(SITE). Kooxda Sirdoonka SITE ayaa soo werisay goor dambe oo Axadii shalay ahayd iney heshay bayaan ka soo baxay AL-Qaaciadda Jaziiradda Carabta(AQAB) ey ku sheegayaan dhimashada BATARFI balse eysan ku sheegin sababta keentay dhimashadiisa. Hogaamiyahaan dhintay ayaa waxa uu ku dhashay dalka Boqotrtooyadda Sacuudiga waxaane la rumaysan yahay inuu ku jiray da’ada afartameeyadda,waxaane BATARFI loo magacaabay inuu Hogaamiyo ALQaacidada Jaziiradda Carabta sannadkii 2020-kii ka dib markii ey diyaaradaha Drones-ka dalka Maraykanka ey dileen QASIM AL-REYMI. Hogaamiye Batarfi ayaa ka tirsanaa 150-maxbuus oo ka tirsan kooxda AL-Qaaciadada Jaziiradda Carabta(AQAB) kuwaaso laga sii daayey xabsiga markii ey kooxda AL-Qaacidda Qabsatay magaala Xeebeedka Mukalla ahne caasimadda Gobolka Xadarmuut ee dalka Yeman sannadkii 2015-kii. Hayadda sirdoonka SITE ayaa sheegtay in Hogaamiyaha cusub ee AL-QAACIDADA JAZIIRADDA CARABTA(AQAB) AL-CAWLAQI markii ugu dambeysay ee la arkay ey ahayd markii uu ka soo muuqday Video la soo duubay Feberaayo-2023-kii kaaso uu ku boorinaayey Qabaa’ilka Sunniga ah ee ku nool Goboladda Abyan iyo Shabwa ee dalka Yeman iney iska caabiyaan Imaaraatka Carabta iyo Golaha ku meel gaarka ah ee Koonfurta Yeman si ey ugu biiraan dagaalka AQAB ey kula jiraan dawladda Yeman ee fadhigeedu yahay Cadan Koonfurta dalka Yeman.
ISHA/AL-JAZEERA.
ISRA’IIL OO DAD BADAN KU DISHAY MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-TIRA KOOBKII UGU DAMBEYEY EE MARINKA GAZA.
(GAZA)-Ugu yaraan 67-qofood oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay waxaane la dhaawacay ilaa 106-qofood oo kale afar iyo labaatan kii saac ee la soo dhaafay. Iyadoo Isra’iil ey sii wado duqeymaha ey ku hayso Marinka Gaza ee go’doonsan sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza maanta oo Isniin ah ahne maalintii ugu horeysay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. “Gumaysiga Isra’iil waxa uu gaystay todobo xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska Marinka Gaza isagoo dilay 67-qofood dhaawacayne ilaa 106-qofood kale 24-saac ee la soo dhaafay”ayey hadalkeeda sii raacisay Wasaaradda caafimaadka Gaza,Wasaaradda ayaa sheegtay in 72% dadka dhintay ey yihiin Caruur iyo Dumar. Tira koobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey kuna saabsanayey khaasaraha ka dhashay duqeymaha Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa gaaray ilaa 31,112-qofood oo Falastiiniyiin ah halka uu dhaawacu gaaray ilaa 72,760-qofood,waxaane jira dad fara badan oo weli ku hoos xayiran burburka dhismayaasha,hayadaha samafalkana ey awoodi kari waayeen iney wax ka qabtaan,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza. Dhinaca kale,ilaa 25-qofood ayaa u geeriyooday Nafqa darri iyo Fuuq bax sida uu sheegay maamulka caafimaadka ee Gaza. Isra’iil ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ku hayso Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarki ey qaaday Xamaas uguna magac dartay Dufaantii AL_Aqsa’a taariikhdu markeey ahayd 7/10/23-kii,Isra’iil ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu dilay dad gaaraayo ilaa 1200-qofood laguna qafaashay ilaa 200-qofood kale. Weerarka Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa 85% dadka ku nool dhulkaas ku qasbay iney noqdaan barakacayaal gudaha dhulka Falastiin iyadoo ey ka jiraan Marinka Gaza biyo aan nadiif ahayn,dawo la’aan iyo cunto yari aad u ba’an,waxaane Isra’iil lagu eedeyey iney dhulka Falastiin ka gaysatay Xasuuq.
ISHA/AA.
URURKA ISKAASHIGA ISLAMKA OO CAMBAAREYEY..
(SAWIRKA)-DHULKA LA DEJINAAYO YAHUUDA.
(ANKARA-TURKEY)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) uu Khamiista maanta ah cambaareeyey qorsha dawladda Isra’iil ey ku dhisayso kumanaan degaan oo kale kuwaaso laga dhisaayo Daanta Galbeed ee la hasyto ee dhulka reer Falastiin. War qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa cambaareyn loogu soo jeediyey siyaasadda degaameynta gumaysiga Isra’iil ee sii socota ee dhulka la haysto ee reer Falastiin,dhulkaas la degaamaynayo ayaa ugu yaraan waxaa la rabaa in laga dhiso 3500-unug oo cusub oo degaameyn ah. Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) oo metela ilaa 57-dawladood ayaa xaqiijiyey in siyaasadda dejinta Isra’iil ey tahay mid aan sax ahayn sharci darrana ah marka loo eego sharciga caalamiga ah,Axdiga Geneva iyo kan Qaraarada Qaramada Midoobe ee khseeya degnaameynta,waxaane ka mid ah Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee tirsigiisu yahay 2334-
ISHA/AA.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO LIX JEER WEERARAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamadda cirka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney duqeyn ka gaysteen Gobolka Xudeyda ee Galbeed dalka Yeman maanta oo Khamiis ah taaso tirada duqeymaha ee la qaaday 24-kii saac ee la dhaafay ka dhigaysa ilaa Lix. Tv-ga ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman AL-Masirah ayaa yiri”Weeraradda gardarada ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday degaanka Jabaanah ee Gobolka Xudeyda”,waa duulaankii lixaad ee lagu qaado Gobolka Xudeyda hal maalin gudaheed, Warbixino kale ey soo saareen kooxda Xuutiyiinta ayey ku sheegeen in laba weerar lagu qaaday degaanka Ras Ciisa ee isagana ka tirsan Gobolka Xudeyda ee Galbeed dalka Yeman,weeraradaan ayaa waxaa lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee Gobilka Xudeyda kaaso ey gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta lamana yaqaano ilaa hadda khasaaruhu inta uu la eg yahay.
ISHA/AA.
DALKA KOONFUR AFRIKA OO WELI KU DHEGAN ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA CAALAMAIGA AH EE CADAALADDA.
(HAGUE-NETHERLAND)-Iyadoo la soo xiganaayo in Gaajo baahsan ey ka jirto Marinka Gaza ayuu dalka Koonfurta Afrika uu ku booriyey Maxkamadda sare ee Qaramadda Midoobe iney amarto Isra’iil iney ogolaato gargaarka bani’adanimo ee la gaarsiinayo Gobolka ey dagaaladdu Aafeeyeen taaso qeyb ka ah kiis socda oo lagu Eedeynaayo ololaha mileteri ey Isra’iil ku qaaday Gaza kaaso welina socda,waxa eyna Isra’iil jebisay heshiis Xasuuqa. Isra’iil waxa ey si adag u beenisay iney jebisay heshiiskaas la xiriira Xasuuqa. Dalka Koonfur Afrika oo dacwad Xasuuq ah ka gudbiyey Isra’iil dabyaaqadii sannadkii hore una gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa sheegay iney ku qasbanaatay iney raadiso amaro horudhac ah oo dheeraad ah”Iyadoo la eegaayo xaqiiqooyinka cusub iyo isbedeladda xaaladda Gaza gaar ahaan xaaladda Gaajadda Baahsana,waxa eyna ku saabsan tahay jebinta xun ee joogtada ah” ee shirkii Isra’iil.
ISHA/ARAB.
WHO OO KA DIGTAY INEY MACLUUL KA DHACDO GAZA.
(SAWIRKA)-MADAXA WHO.
(LONDON)-Caruurta ku nool dhulka go’doonsan ee Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa laga yaabaa iney ka badbaadaan macluul halkaas ka jirta sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegay Madaxa Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO. “Caruurta ka badbaaday duqeynta balse laga yaabo iney ka badbaadaan macluul”sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka(X) Tedros Adhanom Ghebreyesus. Madaxa WHO ayaa ku baaqay in loo ogolaado gargaar bani’adanimo Marinka Gaza iyo sidoo kale xabad joojin laga sameeyo halkaas. Isra’iil ayaa weeraro mileteri oo aad u ba’an ku qaaday Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobaba7-2023-kii waxaane sabab u ahaay weerar ey qaaday kooxda Xamaas ee reer Falastiin weerarkaaso ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 1200-qofood sida ey sheegtay Isra’iil. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa ku naf waayey 30,700-qofood oo Falastiiniyiin ah waxaane ku dhaawacmay dad dhan 72,156-qofoofd oo kale, waxaane jiro burbur ba’an oo soo gaaray dhismayaashii Marinka Gaza.
ISHA/AA.
MARINKA GAZA OO HAWADA CUNTO IYO DAWO LOOGA DAADIYEY.
(SAWIRKA)-DIYARADAHA MASAR IYO IMAARAATKA.
(ABU DHABI)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in dalalka Masar,Imaaraatka Carabta,Urdun,Qadar,Baxreyn iyo Cumaan ayaa bilaabay iney hawada uga soo daadiyaan cunto kaalma ah gudaha Marinka Gaza marka laga soo bilaabo Khamiistii. Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegay iney duqeyn labaad oo raashin gargaar ah ka fuliyeen Marinka Gaza iyagoo kaashanaayo dalka Masar. “Hawlgalka labaad ee lagu soo tuuray gargaarka bani’adanimo eyna fulinayaan diyaaradah Imaaraatka iyo kuwa cirka Masar lagana fuliyey Waqooyiga Gaza si loo yareeyo dhibaatada Walaalaheen Falastiin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda G/dhiga. “Koox wadajir ah oo ka kala socdo labada dal ayaa fuliyey hawlgalki labaad ee hawada looga soo ridayey cunto iyagoo isticmaalaya seddex diyaaradood oo siday 42-tan oo cunto iyo gargaar dawo ah gaarsiiyey Waqooyiga Gaza”,Wasaaradda ayaa hadalkeeda raacisay.
ISHA/AA.