MASAR: DOORASHO MAKA DHECEYSAA SANNADKAN?
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA MASAR C/FATAAX AL-SISI.
(QAAHIRA)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Masar waxaa xusid mudan inaan is xusuusino in dalka Masar uu ka dhacay Afgembi ey sameeyeen ciidamadda dalka Masar waxa uuna dhacay Afgembiga 3/7/2013-kii waxaane sameeyey Afgembiga Madaxeynaha waqtigaan ee dalka Masar C/fataax AL-sisi waxa uuna xafiiska fariistay 8/6/2014. MW-AL-sisi ayaa so noqday RW-ku xigeenka dalka Masar Luuliyo/2013-kii ilaa Maarso/2014-kii,AL-sisi ayaa soo noqday Wasiirka G/dhiga dalka Masar Agoosto/2012-kii ilaa Maarso/2013-kii, AL-sisi ayaa soo qabtay Madaxa sirdoonka Ciidamada dalka Masar Luuliyo/2010-kii ilaa Agoost/2012-kii,Sisi ayaa ah Madaxweynihii 6-aad ee soo mara dalka Masar, waxa uuna Sisi ku dhashay magaaladda Caasimadda ah ee Qaahira sannadkii 1954-tii waxa uuna hadda jiraa 69-sano,hadaba Madaxweyne AL-sisi maka dhabayn doonaa doorashada uu ku baaqay iney dheceyso dabayaaqada sannadkan-2023-k?
ISHA/VOA-SOMALI.
DALKA HOLLAND OO LAGU GUBAY KITAABKA QURAANKA.
(SAWIRKA)-KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH.
(HOLLAND)-Waxa aan in mudda ah ka nasanay maqalka iyo araga Gubitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo ka dheceyso dal ka mida dalalka Qaaradda Yurub,dalka Sweden ayaa ahaay kii bilaabay Gubitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah,waxaane markii ugu horeysay Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka nin u dhashay dalka Ciraaq oo masiixi ah Qaxootina ku ah dalka Sweden laguna magacaabo Selwan Mumika kaaso hadda taagan khasaaro midii ugu weyneed bilaabayne inuu tuugsado ka dib markii laga xiray TIKTOK uu sameyn jiray dhaqaale fara badan gaar ahaan marka uu Gubaayo Kitaabka Quraanka kariimka ah. Mida maanta ka dhacaday dalka Holland ayaa waxaa ka dambeeyo dad Xagjira ah oo si aad ah u neceb dadka Muslimiinta ah ee soo galootiga ku ah Qaaradda Yurub,balse arrinta la yaabka ah ayaa ah in Kitaabka Quraanka Kariimka ah lagu hor Gubay safaaradaha dalalka Turkiga,Pakistan,Aljeeriya iyo Indonisiya.
ISHA/ARAB.
SURIYA: SARKAAL SARE OO DAACISH AH OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE KU SUGAN SURIYA.
(SYRIA)-Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Bariga dhexe kuwooda ka hawlgala dalka Suriya ayaa sheegay iney qabteen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka hawlgasha dalka Suriya,sarkaalkan la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Haliil AL-Fedcaani,hawlgalka lagu soo qabtay sarkaalkan sare ayaa waxaa lagu fuliyey diyaarad Helikobtar ah ey ka daateen ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka. Dalka Suriya ayaa weli waxaa ku sugan dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish oo ka soo haray kooxdii lagu baabi’iyey dagaalkii la dhacay dhulka u dhexeeyo dalalka Suriya iyo Ciraaq.
ISHA/ARAB.
ASKAR BAXRAYN U DHALATAY OO LAGU DILAY SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-DRONES-KA XUUTIYIINTA U ISTICMAALAAN DAGAALKA SACUUDIGA.
(YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaayo in halkaasi ey ku dhinteen laba askeri oo ka tirsan ciidamadda Badda Baxreyn waxaane dhaawacmay hal kale,askartaan u dhalatay dalka Baxrayn ayaa dalka sacuudiga u joogay tababar dhinaca badda ah ey la qaadanaayeen kuwa Sacuudiga. Xuutiyiinta Yeman ayaa qaaday weerar dhinaca cirka ah ayagoo adeegsanaayo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka waxa uuna ka dhacay weerarka xuduuda u dhexeeyso labada dal ee Yeman iyo Sacuudiga.
ISHA/ARAB.
ALQAACIDA OO WEERAR KA GAYSATAY YEMAN.
(SAWIRKA)-QABAA’ILKA DALKA YEMAN.
(YEMAN)-Wararka ka imanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in la dilay afar askeri lana dhaawacay seddex kale ka dib markii la weeraray maanta oo Axad ah(24/9/23)-ka gudaha Gobolka Shabwa ee Koonfur-Bari dalka Yeman. Sida laga soo xigtay masuuliyiin dhinaca amniga ah weerarka maanta ka dhacay Shabwa ayaa waxaa lagu tuhmayaa iney ka dambeeyeen kooxda AL-Qaacidda,masuuliyiinta ayaa intaas sii raaciyey in kooxda AL-Qaacidda ey weerarka u adeegsatay Miino ey gelisay dhulka dabadeedna uu dulmaray gaari ey la socdaeen askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay,askarta dhibku soo gaaray ayaa ku guda jiray hawl maalmedkoodii.
ISHA/ARAB.
DAACISH LAGU QABTAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA IRAAN.
(TEHRAN)-Wasaaradda Sirdoon dalka Iraan ayaa sheegtay maanta oo Axad ah(24/9/23)-ka iney fashilisay sodon qarax ey diyaarisay kooxda Daacish,waxaane arrintaan loo soo qabtay dad gaarayo ilaa 28-qofood oo lagu tuhmaayo iney arrintaan ku lug leeyihiin,dadkaan ayaa laga soo kala qabtay gobolo kala gedisan ee gudaha dalka Iraan. Wasaaradda Sirdoonka Iraan ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda ey fuliyeen hawlgalka lagu soo qabtay 28-ka qofood ee looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Daacish,hawlgalka ayaa ka dhacay goboladda Tehran,AL-Barz iyo Azarbajaanta Galbeed,saraakiisa ayaa weeraray guryo ey deganaayeen kooxda argagixisada.
ISHA/ARAB.
SHIRKII ADDIS ABABA OO LAGU KALA KACAY.
(SAWIRKA)-SHIRKII ADDIS ABABA WAFDIYADII KA QEYBGALAY.
(ADDIS ABABA)-Shir ey isugu yimaadeen wadamadda Masar,Sudan iyo Itoobiya ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa,shirkaan ayaa ujeedadiisa ahayd sidii looga wada hadli lahaay arrimaha la xiriiro biya xireenka Itoobiya iyo sidii loo qeybsan lahaay biyaha Niilka. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay wafdi ka kala socday wadamada ey khuseyso arrinta Niil,shirkaan ayaa loogu talagalay inuu socdo muddo dhan seddex maalmood. Wafdigii ka socday Wasaaradda biyaha iyo Waraabka Masar ee ka qeybgalay shirka Addis Ababa ayaa sheegay in shirkii socday 23,24/923-ka uu ku soo dhammaday guul darro ey u sabab tahay dawladda Itoobiya oo ku xad gudubtay heshiisyadii horay loo galay.
ISHA/ARAB.
MASAR OO EEDEYSAY ITOOBIYA.
(SAWIRKA0-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMIX SHUKRI.
(NEW YORK)-Dalalka Masar,Sudan iyo Itoobiya ayaan weli heshiis dhamaystiran ka gaara arrinta biya xireenka Itoobiya ey ka dhisayso biyaha Wabiga Niil,Wasiirka arrimha dibadda dalka Masar Saamix Shukri oo ka hadlaayey fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ee 78-aad ayaa eed culus waxa uu u jeediyey dawladda Itoobiya kuna sheegay in itoobiya kaligeed ku tahay buuxinta biya xireenka lagana talo gelinin dalalka Itoobiya la wadaago biyaha Wabiga Niil ee Masar iyo Sudan,arrintaan ayuu Wasiir Shukri ku tilmaamay iney tahay mid ey ka dhalan karto cawaaqib xumo saameysa deganaanshaha Qaaradda Afrika.
ISHA/ARAB.
SACUUDIGA: GABAR DHIGATA D/SARE OO LAGU XUKUMAY…
(SAWIRKA)-MAXAMED BIN SALMAN.
(RIYAD)-Wararka inaga soo gaarayo gudaha dalka Sacuudiga ayaa sheegayo in dalka Sacuudiga uu xukun ku riday gabar ardayad ah oo dhigata Dugsiga Sare,waxaane gabadhaan lagu xukumay SIDEED iyo toban sano oo xarig ah waxaane lagu mamnuucay iney ka safarto dalka Sacuudiga,sababta gebertaan xabsiga loo dhigay ayaa lagu sheegay iney tahay qoraal ey soo dhigtay baraha bulshada kuna taageertay siyaasiyiinta u xiran xukuumadda Sacuudiga,sidaas waxaa laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqda dadka kuna sugan gudaha dalka Sacuudiga.
ISHA/MEE.
MARAYKANKA: SENITAR LOO HAYSTO…
(SAWIRKA)-SENITAR MENENDEZ IYO XAASKIISA.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo Gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in halkaasi ey socoto dacwad loo haysto Senitar ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka,Sentar Robert Mendenez ayaa lagu soo edeeyey inuu lacag,dahab iyo baabuur qaali ah laaluush ahaan uga qaatay dad Carab ah iyo dalka Masar si uu wax ugu qabto,ninkaan ayaa loo haystaa arrin aad culus oo haddii ey ku cadaato inuu sameeyey uu ku mudan doono ciqaab aad u adag iyo xilkiisa Senitarnimo ku waayo.
ISHA/MEE.
TURKIGA MA MUDAN YAHAY IN LOO…
(SAWIRKA)-MAXAMED AL-CAJMI OO LAGU BOOQDAY HOTEKIISA.
(ISTAMBUL)-Wararka ka imaanayo dalka Turkiga ayaa sheegayo in halkaasi ey ka jirto Nacaybka dadka aan u dhalan Turkiga ahayn ee dalkaasi u yimaado siyaabo kala duwan(XENOPHOBIA),Soomaalida ayaa ka mid ah dadka dalkaasi Turkiga u aado Waxbarasho,Caafimaad iyo waxyaabo kale,hadaba arrimaha aan soo sheegay arrin ka gedisan ayaa waxaa dalka Turkiga u tegay nin u dhashay dalka Kuwayt lana yiraahdo Maxamed AL- Cajmi,ninkaan ayaa Turkiga u tegay Dalxiis waxa uuna gaaray magaaladda Trabzon,Maxamed ayaa halkaasi waxa uu cunta ka cunay Maqaayad waxaane la saaraty lacag ka badan midii uu cunay markii uu ka murmayne Maxamed waa lala dagaalay waxa uuna Maxamed dagaalkaasi ku waayey Afar Ilkood sida laga arkay Kaamarada Qarsoon ee CCTV-da taaso tiilay Maqaayadda lagula dagaalay Maxamed,arrintaan ayaa dalka Turkiga waxa ey ka dhacday horaantii bishan Sebtembar-2023-ka. Sida ey baahiyen warbaahinta dalka Turkiga Maxamed AL-Cajmi ayaa waxa uu galay Isbitaalka ka dib markii uu miir-doorsomay(Coma).
ISHA/MEE.
GAMAL ZIYADA OO XABSIGA LAGA SI DAAYEY.
(SAWIRKA)-GAMAL IYO WIILKIISA AXMED.
(QAHIRA)-Aabaha dhalay saxafi reer Masar una dooda xuquuqda dadka uuna fadhigiisu yahay dalka Biljam Axmed Gamal Ziyada ayaa xabsiga laga sii daayey maanta oo Talaada ah(20/923)-ka ka dib markii uu xirnaay muddo dhan 28-maalmood sabab aan la cadayn,sidaas waxaa bartiisa(X) ee loo yaqiin Twitter soo dhigay Ziyda. Gamal C/xamid Ziyada ayaa la xiray 22/8/23-ka waxaane xiray xoogaga amaanka ee Gobolka Giza kuna dhaw halka uu ka shaqeeyo. Gamal ayaa la weydiiyey su’aalo ku saabsan shaqada wiilkiisa waxaane lagu eedeyey wiilkiisa inuu si khaldan u isticmaalo isgaarsiinta,fidiyane warar been ah,kuna xiran yahay koox dalka Masar laga mamnuucay”sidaas waxaa laga soo xigtay wiilka uu dhalay Gamal Ziyada.
ISHA/MEE.
SYRIA: SEDDEX MALEESHIYO OO LAGU DILAY…
(SAWIRKA)DAACISHTA SURIYA.
(SYRIA)-Ugu yaraan seddex xubnood oo ka wada tirsan maleeshiyaadka ey taageerto Iraan balse u dhashay dalka Afgaanistaan ayaa lagu dilay dhulka lama degaanka ah ee dalka Suriya shalay oo Isniin ahayd,weerarka lagu dilay xubnahaan ayaa waxaa fuliyey haraaga Ururka Daacish ee weli ka hawlgala gudaha dalka Suriya. Seddexda maleeshiyo ee la dilay iyo kuwa kale oo la dhaawacay ayaa ka wada titsan Guutada Faadhimiyuun,weerarka ayaa ahaay jid gal lagu weeraray gaari ey la socdeen maleeshiyaadkan kuwaaso u kala socday gobolada Hums iyo Diir Az-Zur,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.
ISHA/ARAB.
MUSLIMIINTA MARAYKANKA OO KA CABA…
(SAWIRKA)-DUMAR MUSLIMIIN AH.
(NEW JERSEY)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool dad Muslimiin ah oo aad u fara badan isagana kala yimid caalamka daafihiisa,Muslimiintaan qaarkood ayaa wajahaayo dhibaato dhinaca safarka ah ka dib markii macluumaadkooda la dhigay garoomada diyaaradaha ee dalka Maraykanka,arrintaan ayaa ah mid in mudda ah soo jiitamaysay wax ka qabsoomayne eysan jirin,hadaba Golaha Xiriirka Muslimiinta dalka Marykanka(CAIR) ee Gobolka New Jersey iyo Ururka rayidka ah ee u dooda xuquuqda dadka ee dalka Maraykanka ayaa si wadajir ah waxa ey dacwad uga gudbiyeen Hayadda Sirdoonka Gudaha ee dalka Maraykanka(FBI) waxa eyna hayadda ugu baaqeen iney joojiso is hortaagida lagu sameynaayo dadka Muslimiinta ah ee dalka Maraykanka ka safraayo waayo ayey yiraahdeen waa dhibaato soo jirtay in muadda ah weline aan loo helin wax xal ah.
ISHA/ARAB.
TOOGASHO KA DHACDAY XUDUUDA LIBNAAN IYO SURIYA.
(SAWIRKA)-DAD U SAFRAAYO DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Haweeney Suriyaan ah ayaa shalay oo Axad ahayd(17/9/23)-ka la dilay waxaane la dhaawacay wiilkeed ka dib markii sida sheegay ey isku dayeen iney ka gudbaan xuduuda u dhexeeyso dalalka Libnaan iyo Suriya,dilka ayaa waxaa gaystay askeri ka tirsan ciidamadda dalka Libnaan ee ilaaliya xuduuda kaaso ku furay rasaas hooyada iyo wiilkeed oo Suriyaan ah,goobta uu shilku ka dhacay ayaa ah goob si aad ah ugu dhaw halka ey Ilaalada xuduuda Libnaan si aad ah isha ugu hayaan waane meesha dadka ka yimaado Suriya ka soo galaan dalka Libnaan,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Libnaan. Tajah Jaber AL-Tarshan iyo wiilkeed oo toban jir ah ayaa waxaa toogtay askeri ka tirsan ciidamada ilaaliya xuduuda dalka LIbnaan,Tajah iyo wiilkeed ayaa la sheegay iney isku dayeen iney si sharci darra ah uga gudbaan xuduuda labada dalka ee Suriya iyo Libnaan,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta Furaat.
ISHA/ARAB.
JAPAN OO YEMAN UGU DEEQDAY SEDDEX MILYAN OO DOOLAR.
(SAWIRKA)-SAFIIRKA JAPAN IYO WAKIILKA QRAMADA MIDOOBE.
(RIYAD)-Wararka ka imaanayo dalka Sacuudiga caasimadiisa Riyad ayaa sheegaayo in dalka Japan uu dalka Yeman ugu deeqay lacag dhan seddex milyan oo doolarka Maraykanka ah($3-M),lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu dayactiro wadooyinka buruburay ee magaaladda Cadan iyo banaankeeda. Marino Ishibashi oo ah sii hayaha safaaradda Japan ee dalka Yeman iyo Muxamed Cusman Akram oo ah wakiilka agaasimaha xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan mashaariicda fadhigiisu yahay caasimadda Urdun ee Camaan ayaa kuwada kulmay dalka Sacuudiga si ey go’aan uga gaaraan dib u dhiska wadooyin isku xiro magaaladda Cadan iyo magaalooyinka kale.
ISHA/ARAB.
LIBIYA: 13.200-QOFOOD OO KU DHIMATAY.
(SAWIRKA)-URURKA BISHA CAS EE LIBIYA OO URURINAYO MEYDADKA.
(TRIPOLI)-Dalka Libiya oo ka mid ah wadamada uu saameysay kacdoonkii ka dhacay wadamo badan oo Carab ah ayaa weli la daalaa dhacaayso dhibaatooyinkii ka soo gaaray kacdoonkaasi,Libiya weli kama jirto dawladd loo wada dhan oo dalka oo dhan ka hawlgasha waxaane qeybo dalka Libiya ka mida haysto maleeshiyaad taageersan Gen.Khalifa Xaftar oo gacan saar weyn la leh dawladda Imaaraatka Carabta,waxaane weli Libiya ka jirto kala qeybsanaan u dhexeyso siyaasiyiinta dalka Libiya. Si kastaba ha ahaatee,dalka Libiya waxaa ku dhuftay Dabayl iyo Roob xoogan kuwaso sababay inuu soo dumo biya xireenka dalka Libiya waxaane dumida biya xireenka ka dhashay dhimasho iyo burur hantiyeed oo aad u fara badan,dhibaatada ugu weyn ayaa gaartay Derna kuna taalo Waqooyi-Bari dalka Libiya halkaas ayaa waxaa ku dhimatay 13,200-qofood weline waxaa la la’ayahay qaar kale oo aan la aqoon tiradooda.
ISHA/ARAB.
YEMAN: DAD BIRIQI IYO DAADAD DILEEN.
(SAWIRKA)-DADKII BIRIQDA LAAYSAY EHELKOODA OO KU SUGAN ISBITAALKA.
(YEMAN)-Waxaa caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad maalmo ka hor gaaray wafdi balaaran oo ka socday kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan,dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi gaaray wafdi ka socday dalka Cumaan oo u dhexeeyo Xuutiyiinta iyo Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay taaso saldhigeeu yahay magaaladda Cadan. Wafdiga Xuutiyiinta ee gaaray Riyad ayaa sababay in baraha bulshada ey ku sheekaystaan dhallinyarad Carbeed gaar kuwooda ka soo jeeda dalka Yeman iney ku farxaan arrinkaan si aad ahne ey u soo dhaweeyaan talaabadda ey qaadeen Xuutiyiinta. Dhinaca kale,Gobolka Xudeyda ee dhaca galbeedka dal Yeman ayaa waxaa Biriq iyo Roobab xoogan oo is wata ku dileen sideed qofood(todobo dumar ah iyo hal nin),dadka dhintay ayaa kala degaanay tuulooyinka “AL-Laxyah iyo AL-Zahra”kana wada tirsan Xudeyda.
ISHA/ARAB.
SURIYA DAGAALADA KA HOR SIDEY AHAYD?
(SAWIRKA)-HAYADAHA CAAFIMAAD DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed ee uu ka dhacay kacdoonkii dhacay sannadkii 2011-kii kaaso saameeyey dhawr wadan oo Carab ah,Suriya ayaa waxaa xukumo Xisbi AL-Bacthi oo ah mid u janjeera dhinaca Shuuciyadda waxaane dalka Suriya iska haysta Qoyska AL-Asad. Dagaalkii ka dib waxaa dalka Suriya ku soo qulqulay koox xagjira ah eyna ugu tun weyn tahay kooxda Daacish taaso ka dagaalantay inta u dhexeyso dalalka Ciraaq iyo Suriya,kooxda Daacish ayaa waxaa jebiyey isbahaysi uu hogaaminaayo dalka Maraykanka,dhinaca kale dalka Suriya ayaa dagaalka ka hor ahaay dal si aad ah ugu horeeyo dhinaca Caafimaadka oo waxaa ku furnaay rugo caafimaad oo dibadda dalka Suriya looga yimaado tusaale ahaan daweynta Ilkaha,sameynta daawooyinka iyo waxbarashada dhinca caafimaadka ah. Dagaalka ka dib Suriya waxa ey noqotay mid ey isaga kala carareen dhamman takhaatiirtii iyo aqoonyahanadii u dhashay dalka Suriya waxa eyna Qaxootinimo ku wada jooga wadamada Carabta iyo dunida inteeda kale.
ISHA/ARAB.
LIBIYA: 20-KUN QOFOOD AYAA KU DHIMATAY…
(SAWIRKA)- MUSIIBADII KA DHACDAY DALKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Ugu dhawaad tirada dhimashada ee magaaladda Derna ee dalka Libiya ka dib markii ey dhacday Musiibaddii ka dhalatay daadadkii ka soo rogmaday biya xireen dumay ayaa gaareyso 20-kun qofood,tiradaan ayaa ah mid ku saleysan meydadka laga soo helay biyaha socda,sidaas waxaa Tv-ga AL-Carabiya u sheegay duqa magaaladda Derna C/muncim AL-Geythi shalay oo Arbaca ahayd,Algeythi ayaa intaas sii raaciyey in tirada dhimashada sii dhaafi karto tirada hadda ey tahay.
ISHA/ARAB.