XUUTIYIINTA YEMEN OO WEERARAY GOBOLKA MA’ARIB EE BARIGA YEMEN.
(MUUQAALKA)-MALEESHIYADA XUUTIYIINTA SANCA.
(MA’ARIB/YEMEN)-Maamulka maxalliga ah ee Gobolka Ma’arib (bari Yemen) ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ay duqeeyeen xaafado ku yaal magaalada Sabtidii fiidkii iyagoo adeegsanaya 8 gantaal oo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Qoraal kooban oo ay soo saartay Al-Arabiya.net, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Xuutiyiinta, oo ay taageerto nidaamka Iiraan, ay bartilmaameedsadeen xaafadaha la deggan yahay ee magaalada Marib iyagoo adeegsanaya afar gantaal oo ballistic ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Waxa kale oo ay sheegtay in duqeyntu ay dhaawacday dad rayid ah, marka laga soo tago burburka agabka ah ee soo gaaray guryaha, baabuurta iyo hantida muwaadiniinta, iyada oo aan la xusin khasaaraha. Dhankeeda, weriyaha Al Arabiya/Al Hadath ayaa soo sheegay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay madaafiic ku weerareen xaafad la deggan yahay oo u dhow xabsiga dhexe ee galbeedka Taiz.
CIIDAMADDA YEMEN AYAA KU JAWAABAY MADAAFIIC:
Isla xaaladdaas, ilo-wareedyo militari ayaa sheegay in madaafiicda ciidanka Yemen ay bartilmaameedsadeen isu imaatinka Xuutiyiinta ee jiidaha Sarwah iyo Al-Kasara fiidnimadii Sabtida.
Weriyaha ka tirsan Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa sidoo kale soo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada dowladda Yemen ay bartilmaameedsanayaan gawaarida Xuutiyiinta ee galbeedka Ticis.. Tani waxay timid ka dib markii ilo wareedyo militari oo Yemen ah ay Sabtidii sheegeen in ciidamada dowladdu ay xoojiyeen howlgalladooda ka dhanka ah maleeshiyada Xuutiyiinta ee gobolka Marib, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha iyo bakhaarrada hubka ee kooxda, taasoo ku soo beegantay markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiin ah lagu soo riday hawada gobolka. Ilo wareed ka tirsan militariga Yemen ayaa sharraxay in ciidamada dowladdu ay burburiyeen bakhaar hub oo Xuutiyiinta ay ku lahaayeen degmada Sarwah, oo ku taal galbeedka Marib, sidoo kalena ay bartilmaameedsadeen bakhaarro kale oo ku yaal waqooyiga iyo galbeedka gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Yemen ee "Saba". Taas beddelkeeda, weriyaha Al Carabiya/Al Hadath ayaa soo sheegay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeymo ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku beegsanayeen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal Ma’arib. Sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen ayaa Jimcihii sheegay in weerarrada sii socda ee kooxda Xuutiyiinta ee xarumaha, dekedaha, goobaha rayidka iyo kuwa dhaqaalaha, iyo marinnada maraakiibta caalamiga ah "aan la ciqaabi doonin," taasoo muujinaysa in ciidamada qalabka sida ay qaadi doonaan tallaabooyin kasta oo ay u arkaan inay ku habboon yihiin si ay uga jawaabaan ilaha khatarta. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ay qaadi doonaan "tallaabooyin sharci ah" si ay uga hortagaan ilaha khatarta, isagoo carabka ku adkeeyay ilaalinta dadka rayidka ah iyo ilaalinta danaha dadka Yemen.
ISHA-AA