QARAX MAANTA KA DHACAY GOOB U DHAW HALKA KORONTADA LAGA DHALIYO EE LIIBIYA.

(MUUQAALKA)-WARSHADA KORONTADA EE ZAWIYA.

(ZAWIYA/LIBYA)-Shirkadda Korontada Guud ee Liibiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in qarax uu ka dhacay meel u dhow xarunta korontada ee Zawiya oo galbeed ka xigta caasimadda Tripoli, taasoo keentay in tiro ka mid ah cutubyada wax soo saarka ay shaqada joojiyaan. Shirkaddu waxay ku sharraxday bayaan ay soo saartay in "shaqadu ay socoto si tartiib tartiib ah loogu soo celiyo korontada, waxaana la filayaa in sahaydu ay si caadi ah ugu soo noqoto muddo gaaban gudaheed." Dhanka kale, ilo wareedyo Liibiyaan ah ayaa u sheegay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya in saldhigga korontada ee AL-Xarsha ee Zawiya lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn. Dhacdadan ayaa timid maalmo ka dib markii shirkaddu ay ku dhawaaqday in weerar lagu qaaday saldhigga korontada ee South Zawiya uu sababay in gebi ahaanba la xiro korontada oo laga jaro meelo badan oo koonfurta magaalada ah. Weerarro ka dhacay Zawiya toddobaadkii hore ayaa lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha shidaalka, oo ay ku jiraan haamaha kaydinta shidaalka ee xarunta saliidda ee magaalada, oo ay ku taal warshadda ugu weyn ee sifeynta shidaalka ee dalka Liibiya.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMEN OO WEERARAY GOBOLKA MA’ARIB EE BARIGA YEMEN.

Next
Next

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO SI ADAG UGA HADLAY MALESSHIYAAD HUBEYSAN.