XUUTIYIINTA YEMEN OO LA OGAADAY INEY DILEEN WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-CARABIYA.

(SAWIRKA)-WARIYE MAXAMED CAYDAH.

(HADRMOUT/YEMEN)-Baaritaan ay sameeyeen ciidamada dalka Yemen oo ku saabsan dilkii wariye Moxammed Caydah oo ka tirsan Tv-ga Caalamiga ah ee AL Carabiya oo ku sugan Mukalla ayaa lagu ogaaday in Xuutiyiintu ay qorsheeyeen, maalgeliyeen oo ay hirgeliyeen howlgalka. Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Amjad Khaled uu gacan ka geystay tababar koox lagu eedeeyay dilka Caydah. Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Yemen, Khaled wuxuu sidoo kale ku lug leeyahay dilal dhowr ah oo ka dhacay meelaha laga xoreeyay Xuutiyiinta. Caydah waxaa la dilay bishii Juun/2026 ka dib markii qalab qarxa loogu xiray gaarigiisa magaalada Mukalla, oo ah caasimadda Gobolka Xadarmuut. Maamulka Gobolkaan ayaa waxaa gacanta ku haayey koox gacan saar la leh dalka Isytaga Imaaraartka Carabta kuwaaso u ololeeya in Koonfurta Yemen ey ka go’odo Waqooyiga, waane arrin salkeedu yahay sidii Imaaraatku isugu xiri lahaay Gooni u goosatada Somaliland ee Soomaaliya iyo Gobolada Koonfureed ee dalka Yemen.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DALKA ALJERIYAOO UU KA DHACAY SHIL EY KU DHINTEEN 25-QOFOOD.

Next
Next

SOOMAALIYA OO SHIR AMNIGA BADDA AH KAGA QEYBGASHAY SACUDIGA.