XUUTIYIINTA OO MAANTA SHEEGAY INUU GEERIYOODAY S/GAAS.MAXAMED C/LARIM AL-GAMAARI.
(SAWIRKA)-AL-GAMAARI.
(SANA’A/YEMEN)-Ka dib markii ay warbaahinta Israa’iil sheegtay bishii Agoosto ee la soo dhaafay in S/Gaas. Maxammed CabdulKarim AL-Gaamari, oo ahaa Madaxii shaqaalaha ee maleeshiyada Xuutiyiinta lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay fariisimaha Xuutiyiinta ee caasimadda Sanca, kooxda ayaa sii waday in ay qariso warkaas ilaa ay soo shaac baxday dhimashadiisa Khamiista maanta ah, iyadoo aan la cayimin waqtiga iyo goobta duqeyntu ka dhacday. Maleeshiyada ayaa kaliya sheegay in lagu dilay isaga iyo koox saaxiibadiis ah, duullaan ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Sanca “oo qayb ka ahaa dagaalkii Duufanta AL-Aqsa”.
WAA KUMA AL-GAMAARI?
Maxammed CabdulKarim AL-Gaamari waxa uu ahaa Madaxa shaqaalaha ee ciidamada Xuutiyiinta iyo taliyaha ugu sareeya ee silsiladda milatari ee dhaqdhaqaaqa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ee Xafiiska Arimaha Bulshada,kaaso la soo saaray sannadkii 2021-kii. AL-Gaamari ayaa si toos ah u kormeeray inta badan howlgallada militari ee Xuutiyiinta, waxa ey mas’uuliyad weyn ka saaraneed hoggaaminta weerarrada ka dhanka ah bartilmaameedyada rayidka iyo militariga ee gudaha Yemen, iyo sidoo kale weerarada ka dhanka ah dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Bishii Nofembar 2017, Sacuudi Carabiya ayaa Maxammed CabdulKarim AL-Gaamari u dartay 16-aad liiska 40 ka mid ah hoggaamiyeyaasha militariga ee Xuutiyiinta iyo xubnaha, iyagoo abaalmarin lacageed ku siinaya ciddii soo sheegta halka ay ku sugan yihiin. Lacag dhan 10 milyan oo dollar ayaa la dul dhigay ciddii keenta xog horseeda in la xiro ama halka lagu hayo. Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo Xuutiyiinta ay weerarada ballistic-ga ah ku qaadeen Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Sida laga soo xigtay Waaxda Maaliyadda Mareykanka, AL-Gaamari wuxuu si toos ah mas'uul uga ahaa kormeerka weerar ballaaran oo lagu qaaday Gobolka Marib, oo ah meel ay dadku ku badan yihiin oo ay ku nool yihiin barakac. Gobolkan ayaa ah deegaan muhiim ah oo soo noqnoqday iyo weeraro baahsan oo ay maleeshiyadu ka fulinayaan tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada dalka ka socda. Shaqaalaha bini'aadantinimada ayaa ku tilmaamay weerarka baaxadda leh ee Xuutiyiinta ee uu hogaamiyo AL-Gaamari sanadkii 2021 ee Marib inuu ahaa meel halis ah oo u rogmatay qalalaasaha Yemen, maadaama ay halis galisay nolosha malaayiin dad ah oo barakacayaal ah, ayna ku hanjabeen inay burburi doonaan wax ka qabashada bini'aadantinimo, taasoo markii horeba la halgamaysay sidii ay u noolaan lahayd. AL-Gaamari ayaa lala xiriiriyay inuu hogaamiyo gantaalada Xuutiyiinta iyo weerarada aan duuliyaha laheyn ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka, xerooyinka, iyo hoyga gudaha dalka, gaar ahaan Marib, taasoo keentay barakac ballaaran oo cusub oo uga sii daray dhibaatada bini’aadantinimo. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay AL-Gaamari sida uu dhigayo Amarka Fulinta ee tirsigiisu yahay 13611, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya qatarta nabada iyo xasiloonida Yemen, gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya in ay hor istaagaan wareejinta nabdoon ee heshiiska awoodeed ee ay kala saxiixdeen November 2011 dowladda iyo dhinacyada Yemen. Bishii Noofambar 2021, Guddiga Cunaqabataynta Golaha Ammaanku waxay u magacaabeen Maxammed Abdulkarim AL-Gaamari, oo uu weheliyo Saalax Musafir AL-Shaacir, kooxda dhaqaalaha iyo mas'uulka garsoorka, iyo hoggaamiyaha millatariga Yuusuf AL-Madani, ku lug lahaanshahooda falalka khatarta ku ah nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida Yemen iyo hoggaankooda dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Magacaabistan waxaa soo dhaweysay dowladda sharciga ah. Dhinaca caalamiga ah, xogta ku jirta qoraalka Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa tilmaamaya in AL-Gaamari uu tababar sare oo milateri ku qaatay xeryo ay maamulaan ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo ilaalada kacaanka Iran. Taageeradan ayaa kooxda u sahashay in ay maareeyaan soo iibinta iyo soo dejinta hub casri ah oo ay ku jiraan walxaha qarxa,diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada balaastikada ah,ayaa lagu yiri bayaanka. AL-Gaamari waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray afgambiga Xuutiyiinta iyo gacan ku haynta Sanca iyo maamul goboleedyada kale ee sanadii 2014. Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo ee waxa loogu yeero "Guddiga Sare ee Kacaanka" 2015, oo ah hay'adda Xuutiyiinta ee mas'uulka ka ah maamulida gobollada wakhtigaas, waxaana loo magacaabay kormeeraha Xajka ee Xuutiyiinta. AL-Masdar Online waxa ay warbixinteeda baariseed ku sheegtay, “Xuutiyiinta gudaha ka yimid,” in Maxammed AbdulKarim AL-Gaamari (Hashem) uu u adeego madaxa shaqaalaha Xuutiyiinta, marka laga soo tago in uu yahay sarkaalka hawlgallada ee maamulka Xuutiyiinta, waxaana loo arkaa in uu yahay taliyaha fulinta ee dhismaha milatari ee kooxda. AL-Gaamari waxa uu maareeyaa waaxyaha ugu muhiimsan kooxda, oo ay ku jiraan qaybta dhexe ee xogta, sirdoonka milatariga, saadka, tababarka, iyo ilaha shaqaalaha, marka lagu daro kormeerida Takhasusyadda dagaalka sida Hubka,Difaaca dadban iyo Injineernimadda iyo kuwa kale.
XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.