SARAAKIIL BASHAAR AL-ASAD U DAGAALANTAY OO LA SOO QABTAY.

(SAWIRKA)HARAAGII BASHAAR AL-ASAD.

(DIMISHIQ/SYRIA)-Maamulka Suuriya ayaa xiray Namir Badiic AL-Asad iyo dhowr xubnood oo ay ku tilmaameen koox dambiilayaal ah Khamiista maanta ah, oo uu ku jiro Qusay Ibrahim, oo ah taliyaha guutada buurta, intii lagu guda jiray howlgal amni oo ka dhacay magaalada Qardaaxa ee baadiyaha Ladiqiyah ee Waqooyi-Galbeed dalka Suriya. Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa wakaaladda Wararka ee Suuriya ee SANA u sheegay in Nimir AL-Asad lagu tiriyo mid ka mid ah dadka ugu caansan ee ka Ganacsada Maandooriyaha, isla markaana ku lug lahaa dambiyo dhowr ah intii uu xukunka hayay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashaar AL-asad. Ilaha ayaa tilmaamay in howlgalka lagu qaaday weerar gaadmo ah oo si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray Nimir AL-Asad oo ka mid ahaa ilma adeerka Madaxweynaha xilka laga tuuray. Waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabadani ay ka tarjumeyso sida ay uga go’an tahay Ciidamada Amniga gudaha baacsiga haraadiga taliskii dhacay, la dagaalanka dambiyada, iyo sidii loo heli lahaa cadaalad. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa dhankeeda sheegtay in kooxda Namir Badiix AL-Asad oo ay xireen ayaa waxa ka mid ah Cadnaan Casiis Xabiib, Xasan Fadi Sleeytiin iyo Jacfar Axmed Xasan. Waxay intaas ku dartay in xubnaha unuggaas loo gudbiyay Waaxda La-dagaalanka Argagaxisada si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan, ayna u qaadaan dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, si loogu diyaargaroobo in loo gudbiyo Garsoorka awoodda u leh si ay u helaan ciqaabta xaqa ah ee waafaqsan sharciga.

TALIYAHA “GUUTADA BUURAHA”.

Ilo dhanka Amaanka ah ee dalka suriya ayaa sheegay in ciidamada Amaanka gudaha dalka ey soo xireen Ausey Ibrahim oo ah taliyaha Guutada Buuraha ee Laadiqiyah,intii lagu guda jiray wax ey ku tilmaameen hawlgal aan caadi ahayn, iyagoo kaashanaayo faraca ka hortaga Argagixisada ee Gobolka. Warku waxa uu intaa ku daray in Qusay Ibrahim uu ka qayb qaatay xasuuqii loo gaystay dad rayid ah oo aan hubaysnayn oo ka dhacay gobolo badan oo ka tirsan kacaanka Suuriya . Waxa uu sharaxay in waxa loogu yeero "Guutada Buurta" ay sanado badan joogeen faashashkii Jabal al-Akrad, Nabi Yuunis, Qalaat Shalaf, iyo Kinsaba ee Laadiqiyah. Isha ayaa sheegtay in baaritaano lagu ogaaday in Qusay Ibrahim uu xiriir la lahaa dhacdooyinkii 6-dii Maarso ka dhacay xeebaha Suuriya iyo weerarradii lagu qaaday xarumaha ammaanka iyo ciidamada.Ilaha ayaa carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu ku yimid qaab lagu baacsanayo dhammaan dadka ay gacmahooda ku xumeeyeen dambiyada ka dhanka ah shacabka Suuriya, lana horkeeno sharciga. Waxaa xusid mudan, marka loo eego qiyaasta dawladda Ingiriiska, taliskii la tuuray ayaa mas'uul ka ahaa 80% wax soo saarka Captagon-ka adduunka. Ganacsiga Captagon-ka caalamiga ah waxaa lagu qiyaasaa inuu ku kacayo ku dhawaad ​​$10 bilyan sanadkii, iyadoo qoyska Assad ay soo xareeyaan ku dhawaad ​​$2.4 bilyan macaash sannadeedka ah. Tan iyo markii ay talada dalka kala wareegeen maamulka Bashaar AL-Asad 8-dii December, maamulka Suuriya waxa uu ku howlanaa sidii uu u xakameyn lahaa xaaladda ammaan iyo baacsiga haraadiga taliskii hore ee qalqalka ku haayey amaanka dalka suuriya gaar ahaan magaaladda Caasimadda ah ee Dimisihiq oo noqotay xaablaha lagu aaso dadka mucaaradka ku ah xukuumadda Bashar AL-asad.

ISHA-AJ.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO MAANTA SHEEGAY INUU GEERIYOODAY S/GAAS.MAXAMED C/LARIM AL-GAMAARI.