XUUTIYIINTA OO CAGTA SAARAY WADADII XISBUL..

(SAWIRKA)-MAJIDKA SAALAX EE SANCA.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in ilo Xog-Ogogaal ah ey daaha ka qaadeen Aqoonsiga Hogaamiyaha Sare ee dhinaca Amniga u qaabilsan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman kaaso lagu dilay duqeyn sax ah uu Maraykanka ka geystay bartamaha Caasimadda Sanca taariikhdu markeey ahayd 9-kii bishaan Abriil-2025-ka. Sida uu ku soo waramay Wariye Faaris AL-Xumeyri oo u dhashay Yeman,duqeynta ayaa lala beegsaday gaari ey saarnaayeen seddex ruux xilli ey maraayeen meel u dhexeysa Masjidka caanka ka ah caasimadda Sanca ee AL-Saalax iyo Albaabka laga galo Madaxtooyadda ey maamulaan Xuutiyiinta ee Xaafadda Sabciin kana mid ah xaafadaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee magaaladda Sanca. Wariye AL-Xumeyri ayaa tilmaamay in Hogaamiyaha la dilay lagu magacaabi jiray”AL-Maraani” isla markaasne uu ka shaqeyn jiray sidii uu wakiil uga ahaa Ciidamadda Amaanka iyo kuwa Sirdoonka Xuutiyinta ee Xarunta Madaxtooyadda. Wariyaha ayaa xaqiijiyey in meydadkaasi ey gebi ahaanba ey gubteen ka dib markii si toos ah loo beegsaday. Weerarka ka dib,maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa si deg deg ah isugu gadaamay goobta,waxayna soo rogeen talaabooyin adag oo dhanka Amniga ah oo ey ku jirto in la mamnuucay isu socodka dadka iyo gaadiidka ilaa subixii xigay,iyagoo isku dayaya iney xakameeyaan ogaanshah khasaaraha ka dhashay weerarka. Ugu dambeyntii,duulanka ayaa ahaay midkii ugu muhiimsanaay uu Maraykanku ka fuliyo magaaladda Caasimadda ah ee Sanca tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Donald Trump Janaayo-2025-ka,uuna ku dhawaaqay hawlgal balaaran ee Mileteri kana dhan ah goobaha ey kooxda Xuutiyiinta Yeman ka maamulaan dalka Yeman bartamihii bishii Maarso-2025-ka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

AWOODA XUUTIYIINTA OO HOOS U DHACDAY.

Next
Next

CIIDAMADDA AMAANKA SURIYA SOO QABTA SARKA..