CIIDAMADDA AMAANKA SURIYA SOO QABTA SARKA..

(SAWIRKA)-YAASIR MAXAMED CUSMAAN.

(SYRIA)- Warbaahinta dalka Suriya ayaa sheegtay in la xiray Teysiir Maxamed Cuthman oo loo yaqaan “Abu Muxamed” oo ah sarkaal caan ka ah ciidamada Nidaamkii Asad ee dhanka Ammaanka, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xarig iyo jirdil loo geystay tobanaan qof oo rayid ah oo ku sugnaa xaafadda Mezzeh ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq, fiidnimadii Talaadada. Baraha bulshada ee Suuriya ayaa lagu faafiyay sawirrada boqolaal qof oo shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay guud ahaan Suuriya, iyagoo muujinaya sida ey ugu faraxsan yihiin ku dhawaaqista. Warbaahinta Suuriya ayaa ku warantay in "Xarigga ey fuliyeen Agaasinka Amniga Guud ee Suuriya, oo weeraray goobta Cusmaan ku sugnaay oo ahayd degmada Mezzeh, ayna xireen isaga oo aan sameyn wax iska caabin." Sida laga soo xigtay warbaahinta Suuriya, AL-Cusmaan wuxuu u shaqeeyay "Madaxa Daraasaadka" ee Guutada weerarada gaadmada ah ee Laanta 215, oo ah unug caan ku ah xadgudubyada ballaaran ee Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan kiisaska Jir-dilka Maxaabiista iyo Xatooyada Hantida dadka rayidka ah inta lagu jiro weerarada.

AL-cusmaan ayaa loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, iyadoo la filayo in eedeymaha la kordhiyo laguna daro dambiyo waaweyn oo uu galay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee magaalada Xums ayaa xiray Kamel Abbas, oo lagu naaneeso “Mario,” oo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay Xasuuqii Xaafadda Tadaamon ee Dimishiq, isaga iyo sarkaal hore oo lagu magacaabo Amjad AL--Yousuf.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO CAGTA SAARAY WADADII XISBUL..

Next
Next

DALKA URDUN OO KA HADLAY DADKII LOO XIRAY FAWDADA.