XABAAL WADAREEDYO CUSUB OO LAGA HELAY BANAANKA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-XABAAL WADAREEDYO.
(DAMASCUS/SYRIA)-Kooxaha difaaca madaniga ah ee dalka Suuriya ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ka soo saaray haraaga 20 qof Xabaal Wadareed goob bari ka xigta magaalada Duuma ee baadiyaha Dimishiq, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Kanaalka AL-Ikhbariya ee ay dawladdu maamusho, oo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay difaaca madaniga ah, ayaa sheegay in haraaga laga helay goob ku taal degaanka Tal AL-Sawan ee bariga Douuma. Inta badan haraaga ayaa u muuqda inay leeyihiin caruur iyo haween, ayay tiri, iyadoo raacisay in baarayaashu aysan awoodin inay aqoonsadaan dhibanayaasha. Kooxaha difaaca madaniga ah ayaan wax dhar ah ka helin dhibanayaasha, iyagoo soo jeediyay in la dilay iyaga oo wax dhar ah qabin balse qaawan, ayaa lagu yiri bayaanka. Difaaca Madaniga ah wuxuu xusay in Gudiga Qaranka ee dadka la la'yahay, oo ah Hay'ad dawladeed, ay hogaaminayso dadaallada goobta iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta dawooyinka dambi-baarista, ayaa lagu yiri. Tan iyo markii meesha laga saaray nidaamka Bashaar AL-Assad bishii Diseembar 2024-kii, goobo badan oo Xabaalo wadareedyo ah ayaa laga helay guud ahaan dalka Suuriya, oo ay ugu waynayd meel u dhow caasimadda Dimishiq. Muwaadiniinta Suuriya ayaa sheegay in burburka nidaamka Bashaar AL-Asad uu soo afjaray muddo tobanaan sano ah oo cabsi ah, iyadoo xabsiyada dalkaasi ay noqdeen riyooyin qarow oo jirdil ah, xarig aan loo meel dayin iyo in si qasab ah lagu waayo. Xukuumadda cusub ee Suuriya ayaa si joogto ah u sheegtay in la xisaabtanka kuwa mas'uulka ka ah dembiyada nidaamkii hore ay ahaan doonto mudnaan gaar ah. Khudbad uu ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay bishii Sebtembar, Madaxweyne Axmad AL-Sharac waxa uu ballan qaaday in uu cadaaladda ka bixin doono qof kasta oo gacmihiisa ay ku wasakhoobaan dhiigga dadka aan waxba galabsan. Asad, hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay Ruushka bishii December ee la soo dhaafay, isagoo soo afjaray nidaamkii Bacthig ahaa, oo xukunka hayay tan iyo 1963. Maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Sharac ayaa la dhisay bishii Janaayo.
XIGASHO-AA