GAROONKA DIYAARADAHA KHARTUUM OO HAWLGALAY.
(SAWIRKA)-GAROONKA KHARTUUM.
(CAIRO/EGYPT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa sheegaayo in Diyaarad rakaab oo maxalli ah ey maanta Arbaca ah markii ugu horeysay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan tan iyo markii uu dagaalku qarxay muddo laba sano ah ka hor, taasoo laga yaabo inay calaamad u tahay in si tartiib tartiib ah dib loo furo isu socodka hawada. Wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee Suudaan ayaa xaqiijisay in diyaarada Badar Airlines ee ka soo duushay magaalada Port Sudan ay soo caga dhigatay. Gegida diyaaradaha ayaa horey ugu soo degey diyaarado uu la socday hogaamiyaha militariga Sudan Gen. Cabdul-Fataax Burhan ugu yaraan labo jeer sanadkan. Ciidanka ayaa bishii Maarso ka qabsaday Garoonka diyaaradaha kooxda ay iska soo horjeedaan ee Taageerada deg dega ah. Dagaalku wuxuu qarxay markii ay millateriga iyo RSF-ta is-hor-fadhiisteen oo ay ku loolamayeen awoodda. Inkasta oo ay ciidamadu haystaan caasimadda, haddana RSF waxa ay weli gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah Galbeedka Gobolka Darfur iyo degaanno kale. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 40,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaana ku barakacay dad gaaraya 12 milyan oo kale. In ka badan 24 milyan oo qof ayaa wajahaya cunto yari ba'an, ayay tiri Qaramada Midoobay. RSF ayaa diyaarado Drones ah ku riday garoonka subaxnimadii Talaadada balse ciidamada ayaa ka hortagay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada. Hogaamiyaha RSF Maxammad Xamdan Dagalo Muusa, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti, ayaa habeenimadii talaadada ku hanjabay khudbad muuqaal ah in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan beegsiga garoonka. "Diyaarad kasta oo ka kacda waddan kasta oo deriska ah, diyaarad kasta oo sahayda soo rideysa, duqeynaysa ama dila, diyaarad kasta oo ka kacda garoon kasta, waxay noo noqon doontaa bartilmaameed sharci ah," ayuu yiri. Burhaan ayaa ku soo wareegay garoonka Talaadadii ka hor inta aan la furin, waxaana uu ka jeediyay khudbad uu ku sheegay inay ka ilaalinayaan muwaadiniinta RSF. Hay’adda Duulista Hawada Sudan ayaa todobaadkan xaqiijisay in Duulimaadyada gudaha ay dib u bilaaban doonaan Arbacada ka dib markii la dhamaystiray hawlihii shaqo ee lagama maarmaanka u ahaa iyo habraaca farsamada, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Sudan. Ma cadda inta diyaaradood ee isticmaali doona madaarka Khartuum. Mas’uuliyiinta Suudaan ayaan si deg deg ah wax looga weydiin.
XIGASHO-AN.