SUURIYA OO SOO QABATAY SARAAKIIL HORE OO KU BIIRAY DAACISH.
(MUUQAALKA)-SARKAAL DAACISH AH.
(DAMASCUS/SYRIA)-Hay'adaha amniga Suuriya ayaa sii wada guulaha ay ka gaareen burburinta unugyada Argagixisada Daacish iyo haraadiga Xukuumaddii Assad ee magaalooyin iyo dhulka miyiga ah, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ay maanta oo (Talaado) ku dhawaaqday xarigga Hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Ururka Argagixisada Daacish iyo nidaamkii Assad ee burburay. Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in S/gaas. Suhayl Nadim Cabaas, oo la xiray, uu ka qayb qaatay dhowr hawlgallo militari iyo xadgudubyo ka dhan ah Suuriya oo ka dhacay dhowr gobol. Wasaaraddu waxay sheegtay in baaritaanno ay muujiyeen in Cabaas uu ka qayb qaatay dagaalladii Tulul AL-Safa’a ee Suwayda sannadkii 2018, iyo hawlgalladii milatari ee Darca’a, Xoms iyo Idlib, marka lagu daro inuu soo saaray amarro lagu ridayo laguna adeegsanayo madaafiicda iyo gantaallada ridada ah intii lagu jiray tiro ka mid ah hawlgalladaas. Dhanka kale, Ciidamada Amniga Gudaha iyo Sirdoonka Guud, oo kaashanaya la-hawlgalayaasha caalamiga ah, ayaa awooday inay xiraan Xamza Cabdullah Muxammad, oo lagu naanayso "Abu Jihad AL-Muhajir," oo loo aqoonsaday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha militariga ee caanka ah ee Ururka Argagixisada ah ee ISIS, iyada oo loo marayo hawlgal amni oo si wanaagsan loo fuliyay oo laga fuliyay baadiyaha magaalada Manbij ee Gobolka Xalab. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sharraxday in "Abu Jihad al-Muhaajir" uu hayay jagada Taliyaha Guud ee Milatariga ee Gobolka Sham ee Ururka argagixisada ah ee ISIS, wuxuuna hore u hayay jagada Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Milatariga ee ururka, oo lagu naanayso "AL-Xarithi", ka horna wuxuu la wareegay mas'uuliyadda Gobolka Idlib ee ururka isagoo adeegsanaya isla cinwaankaas. Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada amniga ee socda si loo daba galo unugyada argagixisada iyo hoggaamiyeyaasha Daacish, loo kala furfuro shabakadahooda, loona hortago isku dayga ay dib ugu habeyneyso safkeeda iyo khatar gelinta amniga mawaadiniinta iyo xasiloonidda dalka.
ISHA-OKZ/KSA.