AL-HATFI OO LA DHASHAY HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMEN OO LA DILAY.
(MUUQAALKA)-SARKAALKA XUUTIYIINTA EE LA DILAY AL-HATFI XUUTI.
(SANA’A/YEMEN)-Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa maanta Talaada ah qirtay dilka Madaxii ilaalada gaarka ah ee Cabdul-Khaliq AL-XUUTI, oo ahaa walaalkii Hogaamiyaha maleeshiyada Argagixisada ah Cabdul-Malik al-Xuuti. Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta ayaa baroordiiq u sameeyay Xuseen al-Hatafi, oo ka tirsanaa degmada Dhahyan, oo ah meel ay ku xooggan yihiin maleeshiyada Xuutiyiinta, iyagoo ku soo bandhigaya sawirro aaskiisa ah. Ilo wareedyo Yemeni ah ayaa u sheegay Okaz in AL-Hatfi lagu dilay weeraro ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada, kuwaas oo qayb ka ahaa weeraro taxane ah oo lagu bartilmaameedsaday goobaha iyo isu imaatinka maleeshiyaadka labadii maalmood ee la soo dhaafay. AL-Hatfi waa kii afraad ee walaalihiis ah ee la dilo isagoo u dagaallamaya maleeshiyada Xuutiyiinta tan iyo markii uu dagaalku qarxay, xilli kooxda iyo taliyayaasheeda goobta ay la kulmayaan khasaarooyin sii kordhaya oo ka dhashay duqeymihii dhawaan dhacay. Wararka warbaahinta Yemen ay soo tebinayaan ayaa sheegaya in tirada dhimashada maleeshiyaadka tan iyo markii uu bilowday kacdoonkii ugu dambeeyay ay gaartay 280, iyadoo la xusay in inta badan lagu bartilmaameedsanayo goobaha xiriirka, xeryaha, iyo isu imaatinka ay ka sameeyaan Goboladda kala ah”Ticiz, Ma’arib, AL-Jawf, AL-Dhalec’ iyo AL-Bayda”. Xarunta warbaahinta ee ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa maanta soo bandhigtay muuqaallo muujinaya madaafiicda Yemen oo ku dhacaysa goobaha ay ku sugan yihiin iyo isu soo baxyada maleeshiyada argagixisada Xuutiyiinta ee ku sugan jiidaha koonfureed ee Ma’arib. Dhanka kale, ciidamada Yemen waxay xaqiijiyeen in ciidamadoodu ay weerarro ku qaadeen goobo militari oo Xuutiyiintu ku leeyihiin aagga AL-Shawariq ee degmada xuduudda Razix ee gobolka Sacda’a, taasoo muujinaysa in duqayntu ay diiradda saartay xeryaha militariga. Xeebta galbeed, warbaahinta ku dhow National Resistance, oo ah qayb ka mid ah ciidamada Yemen, ayaa soo bandhigtay muuqaallo madaafiic ah, gantaallo riddo ah, iyo cutub diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo bartilmaameedsanaya isu imaatinka maleeshiyaadka iyo goobaha ay ku sugan yihiin ee ku yaal jiida hore ee xeebta galbeed, iyagoo xaqiijinaya in gantaallada iyo madaafiicdu ay si toos ah ugu dheceen bartilmaameedyada isla markaane ey khasaaro culus u geysteen Xuutiyiinta.
ISHA-OKAZ/KSA.