SURIYA:-BAS LA WEERARAY AYAA WAXAA KU DHINTAY 7-QOFOOD.
(MUUQAALKA)-BASKA LA WEERARAY.
(DAMASCUS/SYRIA)-Toddobo qof ayaa Arbacada maanta ah ku dhintay rasaas lala beegsaday bas siday dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka Xoms ee bartamaha Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee SANA. Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay afar qof. Ciidamada amniga ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo kuwa ku lugta leh bartilmaameedsiga baska. Dhankiisa, ilo amni ayaa u sheegay AFP in baska uu siday "injineerro iyo shaqaale ka socda shirkad koronto oo gaar loo leeyahay".
QARAXYADDII HORE:
Waxaa xusid mudan in Agoosto 22, qarax ka dhacay bas ay lahaayeen Ciidamada Amniga Gudaha oo u dhow Dimishiq uu sababay tiro dhaawacyo ah oo xubnahooda soo gaaray. Bilowgii bishaas, 14 qof ayaa ku dhaawacmay qarax lala beegsaday bas rakaab ah oo ku sugnaa magaalada Jaramana, oo u dhow Dimishiq. Bishii Luulyo, laba weerar oo isku mar ah oo bambooyin ah ayaa lala beegsaday agagaarka hoteel uu ku sugnaa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron intii uu booqanayay Dimishiq. Mas'uuliyiinta Suuriya waxay sheegeen in qolkii mas'uulka ka ahaa qaraxyada uu xiriir la lahaa ururka Argagixisada ISIS.
ISHA-AA.