SHEEKH KA TIRSAN XISBIGA ISLAAX EE YEMEN OO LAGU DILAY G/IBB.
(MUUQAALKA)-SHEEKHA LA DILAY.
(IBB/YEMEN)-Isniintii fiidnimadii, rag hubaysan oo aan la garanayn heybtooda ayaa dilay hoggaamiye maxalli ah oo ka tirsan Xisbiga Islah degmada AL-Sabra, oo ku taal koonfur-bari ee gobolka Ibb, oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Xuutiyiinta, iyadoo ay jirto fowdo amni iyo dambiyo baahsan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Sheekh Axmed Qasim Mahyuub AL-Jumaci, oo ahaa shakhsi bulsho iyo hoggaamiye ka tirsan Xisbiga Islah ee degmada AL-Sabra, la dilay ka dib markii rag hubeysan oo aan la garanayn heybtooda ay bam gacmeed ku tuureen isagoo ka soo laabanaya masaajidka ka dib markii uu tukaday salaaddii cishaha. hawlgaladaan ayaa ku beegmaya waqti ey sii burburayaan kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Gobolka Ibb bartamaha dalka Yemen.
ISHA-Q28.
Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Al-Jama’i loo arko mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan bulshada degmada, isla markaana ka shaqeeya dhinaca waxbarashada, marka laga soo tago howlihiisa wacdiga iyo dib-u-habaynta bulshada.
Dilkan ballaaran ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay toogasho ku dileen Sheekh Cabdul-Raqiib Al-Xamri oo ka tirsanaa Xuutiyiinta isla degmadaas, kaasi oo ka dhacay isgoyska Mawiyah ee bariga magaalada Taiz