SHAQAALE KA TIRSAN QM OO MAR KALE LAGU XIRAY MAGAALADDA SANCA.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A/YEMAN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Xubin kale oo ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu xiray dalka Yemen, taasoo ka dhigeysa tirada shaqaalaha Hay'adaha Qaramada Midoobe ee la qabtay maalmihii la soo dhaafay lix qof, afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegay Isniinta maanta ah. Xariga u dambeeyay ayaa yimid ka dib markii ciidamada amaanka Xuutiyiinta ay galeen dhowr xafiis oo Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Sanca ee dalka Yemen Axadii, sida uu sheegay Stephane Dujarric, afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay la wareegeen IT-ga iyo qalabkii isgaarsiinta iyo hantidii. Ugu yaraan 59 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta, sida uu sheegay Dujarric, oo cambaareeyay xarigga joogtada ah. Qaar ka mid ah ayaa la hayay sanado, ayay tiri Qaramada Midoobay. Waxaa jira boqolaal ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku haray qeybo ka mid ah Xuutiyiinta Yemen oo ay maamulaan, kuwaasoo ay ku jiraan tiro yar oo shaqaale caalami ah, ayuu yiri Farhan Haq, ku xigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. "Muhiimadayada deg dega ah waa badbaadada iyo fayoobida dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto xaqiijinta sii deynta asxaabta si aan sharciga ahayn loo xiray iyo kuwa la-hawlgalayaasha maxalliga ah ee iyagana ay saameysay, iyo ka hortagga xabsiyo kale," ayuu yiri Haq. Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca, tan iyo markii ay la wareegeen awoodda 2014 iyo horaantii 2015. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Xuutiyiintu waxay qaadeen tillaabooyin "aad u adag" in hay'addu ay siiso gargaar dadka u baahan Yemen. Xaq ayaa todobaadkii hore sheegay in ficilada Xuutiyiinta ay ku qasbayaan Qaramada Midoobay in ay dib u qiimeeyaan sida ay uga shaqeeyaan goobaha ay ka taliso kooxda.
XIGASHO-AN.