DAWLADAHA CAALAMKA OO WALAAC KA MUUJIYEY WIXII KA DHACAY EL-FASHIR.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA RSF EE SUDAN.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka Sudan ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidamada Taageerada Deg dega ah(RSF) ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii EL-Fashir,isagoo xusay in dagaalka uu soo rogay.Dagalo ayaa ku daray hadal uu Arbacada maanta ah soo saaray in EL-Fashir eysan nabad ahayn balse nabad ku ahaan doonto dadkeeda, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale waxa uu daboolka ka qaaday in tacadiyo ey ka dhaceen EL-Fashir, isagoo xusay in la sameeyay guddiyo soo baara dhacdooyinkii dhacay. Sidoo kale, wuxuu soo cusboonaysiiyay ku dhawaaqista in si deg-deg ah loo fasaxay dadka rayidka ah ee ku dhaqan EL-Fashir, wuxuuna sheegay in la hubin doono in maxaabiista eysan ku jirin dad rayid ah, si deg deg ahna loo sii deyn doono.
“LABA KUN QOF OO LA DILAY”.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Gobolka Darfur uu shaaciyay in in ka badan 2,000 oo qof lagu dilay illaa hadda magaalada EL-Fashir ee ah Xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur. Sarkaal u hadlay maamulka gobolka oo la hadlay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa sheegay in tirada dhimashada aan si buuxda loo ogeyn sababo la xiriira isgaarsiinta oo go’an iyo xaaladda qalalaasaha ee ka jirta magaalada, isagoo xusay in tirada ey aad uga badan tahay inta la diiwaan geliyay. Waxa uu sheegay in Ciidamada Gargaarka Deg dega ah ey dileen 700 oo qof oo rayid ah saacadihii ugu horeeyay ee gelitaanka EL-Fashir Axadii la soo dhaafay, wuxuuna caddeeyay in Isbitaalka Sacuudiga laga saaray in ka badan 450 bukaan, dhaawacyo iyo shaqaale caafimaad. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in la diiwaan-geliyay in ka badan 300 oo kiis oo ah Af-duub loo geystay caruur ey dhaleen tiro dad ah oo dhaqaale ahaan ladan, iyadoo qoysaskoodana lagu wargeliyey iney bixiyaan lacago Madax-furasho ah oo lagu sii daayo ama in la dilayo. Sida laga soo xigtay AL-Nabi Maxamud, oo ah xubin ka tirsan hoggaanka Isbahaysiga "Ta'asees", ee taageera Ciidamada Taageerada Deg dega ah, wuxuu beeniyay shalay fiidkii in "Xasuuq" uu ka dhacay magaalada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku caddeeyey bayaannada Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya in isbahaysigu ey sameeyeen guddiyo baariseed si ey u hubiyaan xadgudubyada dhacay. Waxa uu tilmaamay in wixii EL-Fashir uu ku soo arkay dagaal xoogan oo ey la galeen wax uu ku tilmaamay maleeshiyaad gacan saar la leh ciidanka.
“GOOBAHA TOOGASHADA”.
Taas bedelkeeda, Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa xaqiijisay Talaadadii iney heshay warbixino ku saabsan "Daldalaad Argagax leh iyo tacaddi Galmo oo lala beegsanayo Haweenka iyo Gabdhaha, oo ey gaysteen kooxo hubeysan intii lagu jiray weerarada." Waxay walaac ka muujisay "kordhinta rabshadaha arxan darada ah" tan iyo burburkii magaalada, iyadoo xustay "cabsi xad dhaaf ah" oo ey dareemeen dadka deegaanka ka dib markii ey u adkaysteen 500 oo maalmood oo go'doomin ah. Warbixin uu soo saaray Shaybaarka Cilmi-baarista Bani'aadamnimada ee Jaamacadda Yale, oo lagu taageeray muuqaallada muuqaalka ah iyo sawir-qaadista dayax-gacmeedka, ayaa sidoo kale daaha ka qaaday "dilalka ballaaran" ka dib markii Ciidamada Taageerada Deg dega ah iney la wareegeen magaalada. Shaybaarku waxa uu qeexay "olole nidaamsan oo si ula kac ah isir sifeyn ah" oo lagu beegsanayo kooxaha qabaa'ilka aan Carabta ahayn, oo ey ku jiraan AL-Fuur, Zaqaawah iyo AL-Baariti. Sawirrada lagu falanqeeyay shaybaarka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday "walxaha bani'aadamka le'eg" ee u dhow meelaha Ciidamada Taageerada Deg dega ah, oo ey ku hareeraysan yihiin "calaamadaha cas" ee dhulka looga shakisan yahay iney dhiig yihiin. Meydad ayaa sidoo kale lagu arkay duleedka magaalada, kuwaasoo xaqiijinaya muuqaalo ku wareegayay baraha bulshada tan iyo Axadii, kuwaas oo muujinayay dilal wadareedyo lagu fuliyay dad rayid ah oo cararayay. Taliyaha ciidamada Sudan AbdulFataax AL-Burhan ayaa qiray Isniintii la soo dhaafay in ciidamadiisa ey isaga baxeen magaalada EL-Fashir, isagoo carabka ku adkeeyay in ciidanku “Ey ka aargudan doonaan wixii ku dhacay dadka magaalada”. Waxaa xusid mudan in dagaallada ka socda Suudaan tan iyo bishii Abriil 2023 ey sababeen dhimashada tobanaan kun iyo barakaca 12 milyan oo qof, taasoo ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay “dhibaatooyinka Bani’adanimo ee ugu xun adduunka”. Dagaalka dalka Sudan ayaa la mid ah dagaaladda kale ee ka kala jira wadamadda Liibiya, Soomaaliya iyo Yaman,dagaaladaan ayaa ah kuwa ey isku hayaan dawladdo shisheeye oo dano gaar ah ka leh dalalkaasi afarta ah,tusaale ahaan Wadamadda Turkiga iyo Imaaraatka Carabta waxa ey si aan qarsoodi lahayn isugu hayaan dagaalka ka socdo gudaha dalka Soomaaliya una dhexeeyo DFS iyo maamul Goboleedyadda Jubaland iyo Puntland,halka dagaalka ka socdo dalka Suudaan ey isku hayaan Turkiga,Masar iyo Imaaraatka Carabta, laakinse dagaalka dalka Yeman waxaa isku haayo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo dhinac ah iyo Iraan iyo Turkiga oo dhinaca kala ah.
XIGASHO-AA.