SACUUDIGA OO KA TACSIYADEEYEY GEERIDA KU TIMID DIBLOMAASIYIINTA REER QADAR.

(SAWIRKA)-CALAMADA SACUUDIGA IYO QADAR.

(SAUDI ARABIA)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeysay geeridii ku timid dhowr qof oo u shaqeynayay Amiirka Qatar Diwaan, ka dib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay wadada aada magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar, xilli ey ku guda jireen howlahooda shaqo. War qoraal ah oo ey Wasaaraddu soo saartay ayay ku xaqiijisay in Sacuudi Carabiya ey si buuxda ula garab taagan tahay qoysaska dadkii ku dhintay shilkan naxdinta leh, iyadoo u muujisay sida ey ugu faraxsan tahay in ey si degdeg ah u bogsadaan dadkii ku dhaawacmay. Waxaa xusid mudan in Safaaradda dowladda Qatar ee dalka Masar ey si murugo leh ugu dhawaaqday geerida saddex xubnood oo ka tirsan Diiwaanka Amiirka oo ka dhashay shil baabuur oo naxdin leh oo ka dhacay magaalada Sharm El-Sheekh xilli ey ku guda jireen howlahooda shaqo. Safaaradda ayaa bayaan ey soo saartay maanta ku sheegtay in dadka dhintay ey kala ahaayeen Sacuud bin Taamir Al Thani, Cabdullah Gaanim AL-Khayareyn, iyo Xasan Jaabir AL-Jaabir. Cabdullah Ciisa AL-Kuwaari iyo Maxammed Cabdulaziz AL-Buceyneyn ayaa ku dhaawacmay shilkaasi waxaana ey haatan daryeel caafimaad oo lagama maarmaan ah ka helayaan Isbitaalka Caalamiga ah ee SharmaEL-Sheekh.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

DALKA MASAR OO SI KULUL UGA HADLAY DHIBAATADA BIYA XIREENKA ITOOBIYA UU KEENAY.

Next
Next

XARAKADA XAMAAS OO SOO BANDHIGTAY LA HAYSTAYAASHA ISRA’IIL.