DALKA MASAR OO SI KULUL UGA HADLAY DHIBAATADA BIYA XIREENKA ITOOBIYA UU KEENAY.
(SAWIRKA)-BIYA XIREENKA ITOOBIYA.
(CAIRO/EGYPT)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badar CabdulCaadhi ayaa u sheegay Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya in wada xaajoodkii ey la lahaayeen Dawladda Itoobiya uu hadda gaaray gabo gabo ah. Waxa uu intaa ku daray in Masar ey weli diyaar u tahay iney difaacdo danaheeda biyaha. Mar sii horeysay, Madaxweynaha Masar C/fataax EL-Sisi, ayaa xaqiijiyay in Itoobiya, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ey dhibaato u geysatay dalalka hoose, sababo la xiriira maamulkeeda oo aan la xakameynin biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya iyo qulqulka biyaha aan caadiga ahayn ee la sii daayo iyada oo aan ogeysiis iyo isuduwin. MW-EL-Sisi oo khudbadiisa Axada maanta ah ka jeediyay furitaanka todobaadka biyaha ee Qaahira ayaa sheegay in wixii dhacay looga baahan yahay beesha caalamka gaar ahaan Qaarada Afrika iney ka hortagaan falalka aan ka fiirsiga lahayn ee maamulka Itoobiya. Wuxuu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la hubiyo nidaaminta biyaha laga soo daayo biyo-xireenka haddii ey dhacdo abaaro iyo fatahaado, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka heshiiska ey doonayaan labada waddan ee hoose, isagoo xusay in tani ey tahay midda keliya ee lagu gaari karo isku dheeli tirnaanta horumarka dhabta ah ee dalalka kore iyo ka fogaanshaha waxyeellada ka soo gaarta dalalka hoose. EL-Sisi waxa uu caddeeyey diidmada qayaxan ee Masar ey u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ku wajahan webiga Niil oo iska indha tiraya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah, khatarna ku ah danaha shucuubta dooxooyinka, isla markaana wiiqaya aasaaska caddaaladda iyo xasilloonida. Waxa uu daaha ka qaaday in is-maandhaafka Itoobiya uu salka ku hayo sheegasho been abuur ah oo ey ku sheeganayso Madax-banaanideeda kaligood ah ee Wabiga Niil, halka runta la hubo ey tahay in wabiga Niil uu yahay hantida ey wadaagaan dhammaan dalalka ey dhexeyso iyo kheyraad wadareed oo aan keli ku ahayn. Waxa uu ku baaqay in heshiis sharci ah oo dhexmara dhinacyada si loo nidaamiyo hawsha biya-xidheenkan. Intaa ka hor, Wasaaradda Waraabka ee Masar ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta qorshaheeda ku aaddan wax ka qabashada fatahaadaha Suudaan iyo biyaha ka imaanaya biya xireenka Itoobiya, oo ey ku jiraan furitaanka marinka Toshki. Waxaa xusid mudan in dalka Suudaan maalmo ka hor ey ku dhufteen mowjado daadad ah oo halis geliyay dadka deegaanka iyo beeraleyda. Dalka Masar, tuulada Delhamo ee gobolka Menuufiya ayaa hoos ugu dhacday fatahaadda wabiga Nile, afar maamul oo kale oo Masar ahna waxay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah ka dib markii heerka biyuhu kor u kaceen.
ISHA-AA.