QARAXYO CAAWA LULAY CAASIMADDA QADAR EE DOOXA.
(SAWIRKA)-DOOXA.
(DOHA/QATAR)-DEG DEG:- Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Qaraxyo waa weyn laga maqlay caasimadda Qatar ee Doha fiidnimadii Talaadada, sida ay soo sheegeen weriyeyaasha AFP, halka Imaaraadka Carabta ay sheegeen in difaacooda cirka uu ka jawaabayo hanjabaadaha gantaalada. "Difaaca cirka ee Imaaraadka Carabta ayaa hadda la tacaalaya weerarrada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka imanaya Iiraan," ayay wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ku sheegtay bayaan ay soo saartay oo ku saabsan X. Dhanka kale, weriyeyaasha AFP ee Doha ayaa maqlay dhowr qarax saacado ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Mareykanka uu u qabtay Iiraan inay ku heshiiso heshiis ama ay la kulanto weeraro ka dhaca kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka. Lama yaqaano Qaraxyadda halka ey si toos ah uga dheceen balse waa la maqlay oo dadka Dooxa degan oo dhan ayaa sheegay iney jiraan. Waxaane caawa joogsaday weerarkii Trump ku dhawaaqay shalay ee ahaa in Iraan uu talaabo adag ka qaadi doono haddii eysan furin marinka Hormuz.
ISHA-AN.