DALKA PAKISTAN OO DOOR MUUQDO KA QAATAY JOOJINTA DAGAALKA….
(SAWIRKA)-RW-SHEHBAZ.
(ISLAMABAD/PAKISTAN)-DEG DEG:-Reysal Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ka hadlay isbedelka deg dega ah ee ku yimid xaaladda Gobolka Bariga Dhexe taaso caawa la filaayey in Maraykanka uu fulin doono weerar culus oo lagu beegsanaayo goobo muhiim ah kunayaalo dalka Iraan. Reysal Wasaaraha dalka Pakistan oo arrinta caaw dhacday ka hadlaayo ayaa bartiisa(X) waxa uu soo dhigay qoraa u qoran sidan: Aniga oo is-hoosaysiin weyn leh, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Mareykanka, iyo xulafadooda, ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah meel kasta oo ay ku jiraan Lubnaan iyo meelo kale, Waxa eyna u dhaqan geleysaa si Dahqsi ah. Waxaan si diirran u soo dhaweynayaa tallaabada geesinimada leh waxaanan u mahadcelinayaa hoggaanka labada dal, waxaana ku martiqaadayaa wufuuddooda Islamabad Jimcaha, 10 Abriil 2026, si ay uga sii gorgortamaan heshiis kama dambays ah si loo xalliyo dhammaan khilaafaadka. Labada dhinacba waxay muujiyeen xikmad iyo faham cajiib ah waxayna si wax ku ool ah ugu hawlan yihiin horumarinta nabadda iyo xasilloonida. Waxaan si dhab ah u rajeyneynaa, in 'Wadahadallada Islamabad' ay ku guuleystaan inay gaaraan nabad waarta waxayne ka rajeynaynaa inay wadaagaan warar wanaagsan maalmaha soo socda!.
ISHA-RW.