MW-ERDOGAN OO MAANTA SAXIIXAY HESHIISKII MAKKA.

(MUUQAALKA)-MW-ERDOGAN.

(ANKARA/TYRKEY)-Wargeyska rasmiga ah ee Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah soo wariyay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska Makkah ee Difaaca Wadajirka ah ee lala galay Pakistan iyo Sacuudi Carabiya, isagoo dhameystiraya habka ansixinta Turkiga ka dib markii Baarlamaanka uu ansixiyay horraantii bishan. Saddexda waddan ayaa heshiiska difaaca wadajirka ah ku saxiixay Makka bishii Agoosto iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, waxaana saddexda waddan loo qorsheeyay inay kulamo ku yeeshaan Islamabad Jimcaha iyo Sabtida. Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay heshiiska 5-tii Nofeembar, taasoo u gogol xaaraysa in Ankara ay taageero milatari u dirto Riyadh xilli ay Xuutiyiintu Yemen ka geysanayaan weeraro ka dhan ah Boqortooyada. Sida ku cad heshiiska, weerar kasta oo lagu qaado hal dhinac waxaa loo arkaa weerar lagu qaaday dhammaan. Ku-xigeen ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa bishii hore u sheegay Reuters in Turkiye uu sidoo kale Baarlamaanka u soo bandhigi doono soo jeedin ku saabsan amar lagu geynayo shaqaale militari oo ku sugan Sacuudi Carabiya iyadoo la raacayo heshiiska. Turkiga wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu badan NATO.

ISHA-AA.


Previous
Previous

DAARFUUR: RSF OO DRONE KU DISHAY 9-QOF OO RAYID AH.

Next
Next

MUWAADIN SACUUDI AH OO LAGU AFDUUBTAY DALKA NAYJAR.