(MUUQAALKA)-SUUQ KU YAALO NAYJAR.
(NIAMEY/NGER)-Laba ilo-wareed oo amni ayaa Wakaaladda Warar Reuters u sheegay in muwaadin Sacuudiyaan ah lagu afduubtay dalka Nayjer horraantii toddobaadkan,waxaane afduubay kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin laanta Saxil ee Ururka Daacish. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in afduubku dhacay 21 ama 22-kii Noofambar, ragga hubeysanna ay afduub u haystaan Sacuudiga. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in afduubku uu ka dhacay gobolka Tillabéri ee galbeedka Nayjer, halka kan kalena uu ka dhacay inta u dhaxaysa Tillabéri iyo caasimadda Niamey. Laanta kooxdu ma sheegan mas'uuliyadda afduubka, dowladaha Nayjer iyo Sacuudi Carabiyana kama aysan jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddan faallo. Tillabéri, oo ku taal meel u dhow xuduudaha Nayjer ay la wadaagto Mali iyo Burkina Faso, waa xarun ay ku sugan yihiin dagaalyahannada xiriirka la leh Dowladda Islaamiga ah iyo AL- Qaacida. Kooxaha hubaysan ee gobolka Saxil ee Galbeedka Afrika ayaa si joogto ah u fuliya afduubyo bartilmaameedsanaya ajaanibta si ay u helaan madaxfurasho badan. Sida laga soo xigtay khubarada Qaramada Midoobay, madaxfurasho dhan qiyaastii $50 milyan ayaa la bixiyay si loo sii daayo la haystayaal ay afduubteen dagaalyahanno xiriir la leh AL-Qaacida oo ku sugan Mali dabayaaqadii 2025. Khubaradu waxay sheegeen in madaxfurashada ay gacan ka geysatay taageerada horumarka maleeshiyada sanadkan iyo maalgelinta shabakadda caalamiga ah ee ururka. Dalka Nayjer, laba dumar ah, mid Austrian ah iyo mid Swiss ah, ayaa la sii daayay bishii hore ka dib markii ay xirnaayeen in ka badan 18 bilood. Faahfaahin kooban ayaa laga bixiyay cidda haysatay iyo shuruudaha sii deynta.
ISHA-FRANCE24.