(MUUQAALKA)-MAXKAMAD.
(AMMAN/JORDAN)-Maxkamadda Amniga ee Dalka Urdun ayaa Arbacada maanta ah xukun dil ah ku riday ninkii lagu eedeeyay inuu dilay xubin ka tirsan Hayadaha Amniga Dadweynaha ee magaaladda caasimada ah ee Camaan. Eedeysanaha ayaa lagu helay dambi ah inuu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabadsugida oo lagu magacaabo Jawad Cali Khalaf AL-Salaytax iyo inuu dhaawacay Kabtan Firas Fayez Cabdullah AL-Ananzeh weerar ayaa dhacay 5-tii Nov. Maxkamadda ayaa eedeysanaha ku heshay dambi ah inuu geystay falal argagixiso isagoo adeegsanaya hub sababay dhimasho, taasoo jebinaysa Qodobka 7(b)(1) oo la akhriyey Qodobka 2aad ee Sharciga La-dagaallanka Argagixisada ee No. 55 ee 2006 oo wax laga beddelay, iyo sidoo kale inuu geystay falal argagixiso isagoo adeegsanaya hub sida ku cad Qodobka 7(b)(3) oo la akhriyey Qodobka 2aad ee isla sharcigaas. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka, waxaana si toos ah loogu gudbinayaa Maxkamadda Dacwadaha iyadoo la raacayo sharciga.
ISHA-AN.