(MUUQAALKA)-DEKEDA XUDEYDA.
(HODEIDAH/YEMEN)-Isbahaysiga Soo Celinta Sharciyadda Yemen ayaa duqeymo ka geystay dekedda Xudeyda aroornimadii hore ee Arbacada maanta ah, iyadoo diblomaasiyiinta ugu sarreeya ay cambaareeyeen Xuutiyiinta inay bartilmaameedsadeen dhisme rayid ah oo ku yaal Riyadh. Sarreeye Gaas Turki AL-Maliki, oo ah afhayeenka isbahaysiga, ayaa sheegay in awoodaha hawlgalka ee dekedda ku taal xeebta galbeed ee Yemen la bartilmaameedsaday. Wuxuu sheegay in tiro kale oo bartilmaameedyo ah oo ku yaal gobollada Sacda iyo Camran sidoo kale la burburiyay. Isbahaysiga ayaa hore u sheegay dadka rayidka ah ee ku nool Xydeyda inay ka fogaadaan dekedda magaalada, iyadoo AL-Maliki uu baraha bulshada ku soo qoray ogeysiis uu ku jiro khariidad muujinaysa aagga dadka laga saarayo. Talaadadii, kow iyo toban qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii munaarad ku taal Degmada Maaliyadda ee Boqor Cabdalla ee Riyadh lagu bartilmaameedsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiin ah. Laba Sacuudiyaan ah, laba Hindi ah, saddex Nepal ah, iyo afar Masar ah ayaa ku dhaawacmay weerarka. AL-Maliki wuxuu yiri "beegsiga ula kaca ah ee maleeshiyada argagixisada ah ee Xuutiyiinta ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo walxaha rayidka ah waxaa laga bixin doonaa jawaab adag." Isbahaysiga ayaa sidoo kale Arbacadii sheegay inay qabteen oo ay burburiyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul marayay Gobolka Bari ee Boqortooyada. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhiggiisa Baxrayn, Masar iyo Mareykanka. Diblomaasiyiinta ayaa cambaareeyay weerarrada kooxda ay taageerto Iiraan ay ku qaadayaan kaabayaasha bulshada rayidka ah iyo kuwa rayidka ah ee Boqortooyada. Toddobaadkii hore, mid ka mid ah munaaradaha ku yaal Degmada Maaliyadda ee Boqor Cabdalla ayaa la bartilmaameedsaday. Weerarku wuxuu sababay burbur hantiyeed oo soo gaaray dabaqyo dhowr ah oo munaaradda ah iyo dhismayaasha deriska la ah. Ma jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas. Isbahaysigu wuxuu taageerayaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee qabsaday caasimadda Yemen ee Sanca sannadkii 2014.
ISHA-AN.