(MUUQAALKA)-GACANKA HORMUZ.
(DOHA/QATAR)-BREAKING NEWS:-Hay'adda Badbaadada iyo Amniga Badda ee UK (UKMTO) ayaa ku dhawaaqday in markab xamuul ah lagu weeraray laba gantaal oo aan la garanayn halka laga soo riday isaga oo marayay meel 50 mayl badeed waqooyi ka xigta gobolka AL-Shamal ee dalka Qatar. Hay'adda Badda ayaa sidoo kale qoraal ay maanta oo Khamiisa soo dhigtay barteeda(X) ku dartay in xaaladda shaqaalaha markabka iyo heerka burburka aan weli la caddeyn. Maanta gelinkii hore, Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in dab uu ka kacay laba markab oo shidaal qaada iyo dooni jiida badda ah iyagoo ka gudbaya marin biyoodka Hormuz, kaas oo ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee uu ka dhacay dagaalka u dhexeeya Tehran iyo Washington.
“LABA DHACDO OO KALA DUWAN”.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee dalka Iraan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in "labo dhacdo oo kala duwan" ay dhaceen, tan ugu horreysayna ay ahayd in "booyad shidaal oo weyn oo isku dayaysay inay ka gudubto marin sharci darro ah oo ku taal koonfurta marin biyoodka uu dab qabsaday fiidnimadii Arbacada ka dib markii ay la kacday miino oo ay joojisay dhaqdhaqaaqeeda," sida uu sheegay. Wuxuu intaas ku daray in "markab kale oo weyn oo saliid ah oo ku sii jeeday marinkan bari ee marinka Hormuz uu istaagay dab weyn awgiis, halka dooni jiidid ah oo badda ah oo u soo dhawaatay si ay u damiso dabka ay sidoo kale dab qabsatay." Tan iyo markii ay dagaalladu ka qarxeen Tehran iyo Washington 28-kii Febraayo, hanjabaadaha Iiraan ee ku wajahan maraakiibta ganacsiga ayaa si wax ku ool ah u curyaamiyay maraakiibta marin biyoodkan muhiimka ah. Ciidamada Iiraan iyo miinooyinka ay dhigeen ayaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday maraakiibta ka gudbaya marin biyoodka. Tehran waxay sidoo kale ku qeexday in toddobada shuruudood la buuxiyo si loo furo marin biyoodka Hormuz, kaas oo ay maraan shan shixnadood oo saliid iyo gaas ah ka hor dagaalka. Washington waxay kaga jawaabtay inay xayiraad dhanka badda ah ku soo rogto dekedaha Iiraan, isla markaana ay kordhiso ololaheeda cadaadiska dhaqaale ee saaran Iiraan iyo dhammaan kuwa la shaqeeya, iyadoo xoojineysa cunaqabateynteeda.
ISHA-AA.