(MUUQAALKA)-ASKERIGA LA DILAY.
(AMMAN/URDUN)-BREAKING NEWS: Weerar Aragagixiso oo loo adeegsaday Mindi Af badan ayaa lagu qaaday saraakiil,weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday hal askeri waxaane ku dhaawacmay mid kale, sida ey sheegeen hayadaha amniga dalka Urdun maanta oo khamiis ah. Agaasinka Amniga Dadweynaha ayaa u tacsiyeeyay shahiidnimadii Alifle Jawad Cali Khalaf AL-Salayta oo ku shahiiday fal argagixiso oo fulaynimo ah isagoo gudanaya waajibaadkiisa rasmiga ah ee caasimadda. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sidoo kale dhaawacmay. Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa sharraxay waxa uuna faahfaahiyey dhacdada argagixisada: Wuxuu xaqiijiyay in 12:20 duhurnimo Khamiista maanta ah, qof ku sugan Wadada Madina ee caasimadda uu la yaabay sarkaal ka tirsan amniga dadweynaha oo uu ku weeraray qalab/Mindi af badan, isagoo mindi ku dhuftay. Tani waxay keentay in si deg deg ah loo farageliyo roondo, oo shaqaalihiisu ay la macaamileen argagixisada, ay xakameeyeen xaaladda, oo ay xireen. Afhayeenka oo la hadlaayey warbaahinta ayaa intaas ku daray in sarkaalka ilaalada ee mas'uulka ka ahaa uu dhaawac ka soo gaaray wejiga ka dib markii uu la kulmay argagixisada. Shahiidkii ayaa loola cararay isbitaalka laakiin dhawaan ayuu geeriyooday, halka sarkaalka loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo xaaladdiisuna ay deggan tahay. Hay'adaha amniga ayaa bilaabay baaritaanka argagixisadii weerarka geysatay, iyadoo baaritaannadii ugu horreeyay ay muujiyeen ujeeddadiisa iyo qorshihiisa uu ku fulinayo falka argagixisnimo ee ka dhanka ah ragga amniga dadweynaha. Agaasinka Amniga Dadweynaha ayaa u tacsiyeynaya shahiidnimadii Alifle Jawad Ali Khalaf AL-Salayta, oo ku geeriyooday waddada runta iyo waajibka isagoo wata raxan shuhado ah oo ka yimid dhulkii hooyo kuwaas oo daacad u ahaa axdigii ay la galeen Ilaahay. Waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu u naxariisto oo uu siiyo meel ballaadhan oo Jannada ah, oo ay la joogaan shuhado iyo kuwa xaqa ah, iyo inuu qoyskiisa iyo asxaabtiisa uu samir iyo qalbi qaboojin.
XIGASHO.URDUN.