MADAXWEYNAHA SURIYA OO LA KULMAY DHIGIISA MARAYKANKA.
(MUUQAALKA)-AXMED AL-SHARAC IYO TRUMP.
(NEW YORK/USA)-Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac ayaa faallo muhiim ah ka bixiyay arrinta Buurlayda Goolan, isagoo shaaca ka qaaday kaftan uu is dhaafsaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay inuu weydiiyay, "Maxaad u siin weyday Israa'iiliyiinta Gobolka New Jersey halkii aad ka siin lahayd Buuraha Golan?" Intii lagu guda jiray kalfadhigii Golaha Atlantic ee ka dhacay New York, AL-Sharac wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Trump uusan lahayn Buuraha Golan, sidaas darteedna uusan aqoonsan karin madaxbannaanida Israa'iil ee ku aaddan. Madaxweynaha Suuriya ayaa sheegay in dhinaca Israa'iil ay weeraro soo noqnoqda ku qaadeen dhulka Suuriya tan iyo markii uu dhacay nidaamkii hore, isagoo xusay in Suuriya ay qaadatay go'aan diblomaasiyadeed oo ay u adeegsatay wadahadal iyadoo kaashanaysa dalalka saaxiibka la ah. AL-Sharac wuxuu xaqiijiyay in Buuraha Golan ay yihiin dhul Suuriyaan ah, oo ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay, mana jirto meel laga wada hadlo dhulkaas ama cidda iska leh. Tan iyo markii ay dhacday dowladdii hore ee Suuriya bishii Diseembar 2014, Israa'iil waxay sii waday inay jebiso Heshiiskii Ka-tagista ee 1974 iyada oo adeegsanaysa duullaanno soo noqnoqda oo ay ku qaadayso koonfurta Suuriya, iyadoo weerartay oo xirtay guryaha dadka rayidka ah, dhulkii cagaf-cagaf ku dhufatay, iyo weerarrada madaafiicda iyo siyaabo kale. Dimishiq waxay xaqiijisay sida ay uga go'an tahay heshiiska ka bixitaanka ciidamada, iyadoo shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay la xaajoodto dhinaca Israa'iil si loo gaaro heshiis amni. In kasta oo Washington ay isku dayaysay in ka badan hal sano inay dhexdhexaadiso heshiiskan amniga ee u dhexeeya Israa'iil iyo Suuriya, haddana weli ma cadda in la gaari doono.
ISHA-AA.