IRAAN OO WEERARTAY GOOBO MUHIIM AH KUNA YAALO IMAARAATKA.
(SAWIRKA)-GOOBAHA LA WEERARAY EE DUBAI.
(DUBAI)-Qarax ayaa la maqlay, qiiq badan ayaana ka kacay Jasiiradda caanka ah ee The Palm ee Dubai, iyadoo mas'uuliyiintu ay sheegeen in afar qof ay dhaawacmeen. Weerarku wuxuu dhacay iyadoo Iiraan ay weerarro aargoosi ah ka fulisay Khaliijka ka dib weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil - taasoo ruxday gobol muddo dheer loo arkayay meel ammaan iyo nabad ah. Xafiiska warbaahinta ee Dubai ayaa xaqiijiyay "dhacdo" ka dhacday dhisme ku yaal aagga Palm Jumeirah kaas oo sababay dab iyo afar qof oo dhaawacmay. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa isla markiiba la geeyay goobta, waxaana la xaqiijiyay amniga goobta, sida lagu sheegay bayaanka. "Difaaca Madaniga ah ee Dubai ayaa xaqiijiyay in dabkii ka dhashay uu hadda la xakameeyay. Afar qof ayaa dhaawacmay waxaana loo gudbiyay xarumaha caafimaadka," ayay raacisay. Dhacdadan oo lala beegsaday goob muhiim ah oo ku taal Dubai ayaa argagax gelisay dadka deegaanka, waxaana xigay dhawaqyo badan oo ay maqleen dadka degan Dubai. Iiraan waxay duqeymo ka geysatay dhammaan dalalka Khaliijka marka laga reebo Cumaan, oo ah dhexdhexaadiye ka tirsan wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan.
ISHA-AA.