IMAARAATKA OO LAGU HELAY XADGUDUBYO DHINACA….

(SAWIRKA)-GUDIGA BAARITAAN DHIBKII EY GEYSATAY IMAARAATK ACARABTA.

(XADARMUT/YEMEN)-Wararka laga helaayo Gobolka Xadarmut ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Guddiga Qaranka ee Baarista Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in la dhammaystiray kormeerkiisii ​​​​goobta iyo baaritaankii ay ku sameeyeen tiro xarumood oo ku yaal xeebta Xadarmut, ka dib markii ay heleen warbixinno sheegaya in loo isticmaalayo Xarumo Xabsi iyo in xadgudubyo halis ah lagu hayo halkaas. Guddigu wuxuu sheegay inay goobaha ku diiwaangeliyeen sawirro dijitaal ah iyo cabbirro sax ah oo qolalka ah, meelaha ay ku sugan yihiin iyo xaaladaha xabsiyada, waxayna xogta ku xireen markhaatifurka goobta ee daraasiin dhibanayaal ah oo xarig aan kala sooc lahayn iyo dad la waayay oo lagu xiray Xabsiyada Qarsoodiga ah ee Imaaraadka Carabta, iyadoo ujeedadu tahay diyaarinta falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan qaababka xadgudubyada iyo taageeridda dadaallada lagu ogaanayo runta, lagu gaarayo caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyadoo la raacayo dastuurka Yemen iyo heerarka caalamiga ah. Waxay intaas ku dartay in xubnaha guddiga, Garsoorayaasha Xuseen AL-Mashdali, Moxammed Dhliyaan, Ishraaq Al-Maqdhari iyo Naasir AL-Cawdali, ay kormeereen dhowr goobood usbuucii hore, oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha ee AL-Rayaan iyo xerada Al-Rabwah ee Mukalla, ayna dib u eegeen isbeddellada ka dhacay meelaha looga shakisan yahay in loo isticmaalo xabsi aan kala sooc lahayn iyo jirdil ama wax ka beddel qolalka ku jira. Guddiga ayaa sheegay in booqashooyinka goobta ay qayb ka yihiin barnaamij ay ku jiraan xabsiyo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn iyo xarumo xabsi oo ku yaal Xadarmut, Laxj, Caden, Ticiz Ma’arib, Shabwa’a iyo degmooyinka Mokha’a iyo Xiis. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Cadan Abdulraxman Sheikh ayaa Sabtidii u sheegay telefishanka AL Carabiya in xubno ka tirsan Daacish iyo AL-Qaacida iney dhawaan ka baxsadeen Xabsiyada, isagoo arrinta ku tilmaamay mid amni darro ah isagoon faahfaahin dheeraad ah bixin. Magaalada Cadan ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay isku day dil ah iyadoo gaari lagu qarxiyay gaari uu la socday taliyaha Qaybta Labaad ee Guutooyinka Rafa’a, Sarreeye Guuto Hamdi Shukri, kaasoo ka badbaaday dhaawacyo fudud, halka tiro ka mid ah asxaabtiisana ay dhinteen oo ay dhaawacmeen. Sheekh ayaa intaa ku daray in maamullada maxalliga ah ay "ka go'an tahay xorriyadda hadalka iyo hubinta in qof walba codkiisa la maqlo," iyagoo isla markaana ilaalinaya amniga. Wuxuu xaqiijiyay in shaqadu ay "ku socoto jihada saxda ah" ee ku saabsan bixinta shidaalka iyo hagaajinta adeegga. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wejiga koowaad ee qorshaha lagu saarayo xeryaha militariga ee magaalada uu bilaabmay, isagoo xusay in la diyaargaroobayo sidii loo dhisi lahaa xeryo kale si loo fududeeyo ka daad gureynta Cadan. Arrintaan la xiriirta baxsadka maleeshiyaadka Daacish iyo AL-Qaacidda waxa ey hali weyn ku tahay amniga Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya oo hadda la daadaal dhacaayo dhibaatadda Daacish iyo AL-Qaacidda,mana jirto Xukuumad awoodi karta iney ilaaliso dhammaan xuduudaha dalka ee Badda, Beriga iyo hawada.

XIGASHO-YEMEN.

Next
Next

SUURIYIINTA DEGAN CEYN AL-CARAB OO HELAY KAALMO BANI’ADANIMO.