(MUUQAALKA)SAFIIRKA IMAARAATKA EE SOOMALIYA.
(DUBAI/UAE)-Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay go'aanka Soomaaliya ay ku cayrisay safiirkeeda Khamiistii iyagoo ku tilmaamay "mid sii kordhaya oo cadownimo leh." Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay diblomaasigan inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, waxayna dib ugu yeertay safiirkeeda Abu Dhabi. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in go'aankan uu jawaab u yahay ficillada Imaaraadka Carabta ee lagu bartilmaameedsanayo "Madaxbannaanida, midnimada dhuleed, midnimada qaranka, amniga gudaha iyo madaxbannaanida." Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay cambaareysay amarkan oo ay ku tilmaamtay mid ka tarjumaya "mowqifyo aan mas'uuliyad lahayn" oo wiiqaya xiriirka isla markaana wiiqaya iskaashiga labada dal. "Go'aannada saameeya xiriirka ka dhexeeya waddamada waa in lagu hago danaha wadaagga ah waana inay ka xor ahaadaan tixgelinnada siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha," ayaa lagu daray bayaanka. "Wasaaraddu waxay muujisay inay ka xun tahay isku dayga dowladda Soomaaliya ee ah inay isku dhacyada awoodaha gudaha ku soo rogto xiriirka labada dhinac si xun u saameyn karta danaha labada shacab ee walaalaha ah." Imaaraadka Carabta ayaa xiray safaaraddiisa Muqdisho waxayna shaqaalihii diblomaasiyadeed ka saareen bishii Janaayo xilligii xiisadda hore. Waqtigaas Abu Dhabi waxay ku eedeysay Soomaaliya "siyaasad colaadeed" oo ay ku jirto go'aankeeda ah in la joojiyo heshiisyada labada dhinac.
ISHA-AN.