GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XAKAMEYNTA TUBAAKADA.
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ey xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 29-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horreyn mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, waxaana warbixinta Akhrintiisa labaad Golaha la wadaagay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Axdiga Xakameynta Tubaakada, waxaana ogolaatay 139-Xildhibaan, sedax Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyey Ansixinta Axdiga Xakameynta Tubaakada. Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacsbka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada, waxaana Akhrinta labaad ee labada Hindise Sharciyeed Golaha la wadaagay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’adiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga, Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Xoghayaha Guddiga Guuleed Biixi Cabdi. Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada labada Hindise Sharciyeed iyo muhiimada ay dalka u leeyihiin. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Kheyraad Dabiiciga, Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada inuu labada Hindise Sharciyeed uu kusoo daro dooda iyo Aragtiyada Xildhibaanada dibna golaha ugu soo celiyo si Akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.
XIGASHO-SNTV.