GAROONKA DIYAARADAHA SEYUUN OO DIB U HAWLGALAY.

(SAWIRKA)-ILAALADA GAROONKA SEYUUN.

(HADARMOUT/YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Duulimaadkii ugu horeeyay ee rayid ah uu maanta oo Talaadada ah ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Seiyun ee gobolka Xadarmuut ee dalka Yemen, taasoo calaamad u ah dib u soo celinta duulimaadyada diyaaradaha ka dib markii dib loo furay garoonka Seyuun oo ey gacant ku haayeen kooxda STC. Hay'adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee Yemen ayaa sheegtay in duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Seiyun ay dib u bilaabmeen Axaddii ka dib markii la dhammeeyay shaqada dayactirka farsamada ee dhowr xarumood oo garoonka diyaaradaha ah. Hay'addu waxay sheegtay in casriyeyntu ay xaqiijisay diyaargarowga hawlgalka iyo kor u qaadista badbaadada iyo adeegyada rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha. Dhanka kale, dareen degenaansho iyo xasillooni ayaa ku soo laabtay gobollada Shabwa, Cadan, Abyan iyo AL-Mahra ka dib markii la geeyay ciidamada Homeland Shield, sida uu Axaddii ku soo warramay weriye ka tirsan AL Carabiya. Noloshu waxay ku soo laabatay caadigii Seiyun iyadoo diyaar garowga dib u bilaabista duulimaadyada uu socday, ayuu xilligaas sheegay. Ardaydu waxay sidoo kale ku laabteen iskuulada iyo kulliyadaha ku yaal Shabwa ka dib markii xaaladda amnigu ay degtay. Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Rashad AL-Calaymi ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in dhammaan ciidamada militariga ee koonfurta Yemen ay ka howlgali doonaan taliska Isbahaysiga Carabta ka dib dib u qabsashada goobaha ay qabsadeen Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC). AL-Caleymi wuxuu sheegay in la sameeyay Guddi Sare oo Militari ah oo hoos yimaada taliska isbahaysiga si ay u diyaariyaan, u qalabeeyaan una hoggaamiyaan dhammaan ciidamada iyo qaab-dhismeedka militariga, una taageeraan si ay ugu diyaar garoobaan wejiga xiga. Arrimahan ayaa ka dambeeyay markii Jimcihii uu Xoghayaha Guud ee STC Abdul Rahman al-Subaihi, oo ku sugnaa Riyadh isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran, uu ku dhawaaqay in goluhu uu iskiis isu kala diray.

XIGASHO-AA.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY XAKAMEYNTA TUBAAKADA.