ERGAYGII MARAYKANKA EE SURIYA OO XILIGIISU DHAMMAADAY.

(SAWIRKA)-TOM BARACK.

(WASHINGTON/USA)-Mareykanka ayaa subaxnimadii hore maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in shaqadii Tom Barrack ee Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Suuriya ay dhammaatay, sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio. Wasiirka Arrimaha Dibadda Rubio ayaa ku qoray bartiisa (X) in "Danjire Tom Barrack uu door muhiim ah ka ciyaaray sidii ergaygeenna gaarka ah ee Suuriya." Rubio ayaa intaas ku daray: "In kasta oo waajibaadka Barack ee cinwaankaas uu si rasmi ah u dhammaaday, haddana wuxuu sii wadi doonaa inuu door hoggaamineed ka ciyaaro maamulka Trump ee Suuriya iyo Ciraaq labadaba." Wasiirku wuxuu intaas ku daray, "Khibradda Barack, xiriirka, iyo fahamka barnaamijka 'America First' ayaa sii wadi doona inuu faa'iidooyin u keeno qarankeenna weyn."

ISHA-AA.

Previous
Previous

MALEESHIYADDA XIZBULLAHI EE CIRAAQ AYAA WACAD KU MARAY…

Next
Next

KHABIIR MASRI AH OO KA HADLAY BIYA XIREENKA ITOOBIYA.