(MUUQAALKA)-SARKAAL DAD BADAN KU LAAYEY SURIYA.
(DAMASCUS/SYRIA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suuriya Anas Khattab ayaa ku dhawaaqay xarigga Sarreeye Guuto Ruwad Zeydan, kaasoo ku lug lahaa weerarkii AL-Cuteyba ee ka dhacay Bariga Gawdah ee baadiyaha Dimishiq sanadkii 2014, kaasoo sababay dhimashada qiyaastii 150 qof, sida uu Wasiirku ku sheegay qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ee ku saabsan "X". Khadhaab wuxuu sheegay in Zeydan uu mas'uul ka ahaa qorsheynta howlgalka iyo soo saarista amarrada lagu fulinayo, taasoo dib u furaysa faylka mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhiigga badnaa ee lagu arkay Bariga Gawdah intii lagu jiray sannadihii dagaalka Suuriya.
WEERAR GAADMO AH EE AL-CUTEYBAH:
Waxaa xusid mudan in weerarkii gaadmada ahaa ee AL-cuteybah uu dhacay Febraayo 26, 2014, markii koox isku dayday inay ka baxdo Bariga Ghouta ee la hareereeyay lagu weeraray wadada u dhaxaysa magaalooyinka Al-Cuteybah iyo Mayda’a, taasoo keentay dhimasho badan. Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa waqtigaas ku dhawaaqday dilka 175 qof oo ay ku tilmaantay "argagixiso" weerar gaadmo ah oo ay qaadeen ciidamada Suuriya, waxayna sheegtay inay ka tirsanaayeen Jabhadda Nusra iyo guutada AL-Liwa’a AL-Islam.
ISHA-AA.