(MUUQAALKA)-HUBKA LA SOO QABTAY.
(DAMASCUS/SYRIA)-Ciidamada amniga Suuriya ayaa burburiyay unugyo looga shakisan inay ka tirsan yihiin Daacish goob ku taalo Xalab, iyagoo xiray afar qof isla markaana sii daayay dhibane u afduubnaay oo qoyskiisu lagu cadaadinaayey inay bixiyaan lacag madax-furasho ah, sida ay Khamiista maanta ah sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Mid ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad ay la galeen ciidamada amniga intii uu socday howlgalka, kaas oo ay ku lug lahaayeen Ciidanka Sirdoonka Guud iyo Ciidamada Amniga Gudaha, sida ay sheegtay wasaaraddu. Saraakiisha ayaa sidoo kale qabtay hub iyo waxyaabo qarxa, oo ay ku jiraan madaafiic, bam-gacmeedyo, walxaha qarxa iyo rasaas. "Hawlgalka ayaa sidoo kale horseeday in la badbaadiyo qof la afduubtay oo qoyskiisa lagu cadaadiyay inay bixiyaan madaxfurasho si loo sii daayo," ayay tiri wasaaraddu. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee taxane ah oo howlgallo ay mas'uuliyiinta Suuriya ku dhawaaqeen bilihii la soo dhaafay oo ka dhan ah unugyo looga shakisan yahay Daacish oo lagu eedeeyay afduub, dilal iyo qorsheyn weerarro lala beegsado bartilmaameedyada dowladda. Noofambar 5, ilo amni ayaa u sheegay telefishanka dawladda ee Alikhbariah in saraakiisha sirdoonka iyo Ciidamada Amniga Gudaha ay kala furfureen unug kale oo lagu eedeeyay weeraro iyo dilal ka dhacay gobolka Xalab.
ISHA-AN.