BOQORTOOYADDA SACUUDIGA OO CAMBAAREYSAY SOOMAALILAND.

(SAWIRKA)-QUDUS.

(RIYAD/KSA)-Wararka ka imanaayo dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaayo in Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan mas'uuliyiin kale oo Carab iyo Islaami ah, ey cambaareen tallaabada "Sharci darrada ah oo aan la aqbali karin" ee Gobolka Waqooyi-Galbeed Soomaaliya (Somaliland) ey "Safaarad" la sheegay inay ka furteen Qudus ee dhulka lahaysto ee reer falastiin. Sacuudi Carabiya ayaa ku biirtay Masar, Qatar, Urdun, Turkiga, Bakistaan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen, Lubnaan iyo Mauritania iyagoo soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan arrinta. Wasiirradu waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya" waxayna ahayd "xadgudub toos ah oo lagu sameeyay xaaladda sharciga iyo taariikhiga ah ee Qudus ee la haysto." Bayaanka ayaa diiday tallaabooyin kasta oo hal dhinac ah oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladda Qudus, wuxuuna xaqiijiyay taageerada qaraarrada caalamiga ah ee ku saabsan magaalada la qabsaday. Dhanka kale, wasiirradu waxay ku nuuxnuuxsadeen inay "taageer buuxa u hayaan midnimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed" ee Soomaaliya.

ISHA-AA.

Previous
Previous

BOQORTOOYADDA BAXREYN OO XUKUN KU RIDAY JAWASIIS.

Next
Next

DAWLADDA YEMEN OO SI ADAG U CAMBAAREYSAY MAGACAABISTA SAFRIIRKA ISRA’IIL EE SOOMAALILAND.