BOQORTOOYADDA BAXREYN OO XUKUN KU RIDAY JAWASIIS.

(SAWIRKA)-MAXKMADA BAXREYN.

(MANAMA/BAHRAIN)-Maxkamad ku taal Dalka Baxrayn ayaa Axadda maanta ah werisay in sagaal eedeysane lagu xukumay xabsi daa'in halka laba kalena lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah ka dib markii la ogaaday iney la shaqeeyaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) si ay u fuliyaan waxa ay ku tilmaameen "falal cadowtinimo iyo argagixiso" oo ka dhan ah Baxrayn. Eedeysanayaasha ayaa ku lug lahaa ururinta macluumaadka goobaha xasaasiga ah iyo fududeynta xawilaadaha maaliyadeed ee la xiriira, sida lagu sheegay bayaanka. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Baxrayn ayaa sheegtay 9-kii Maajo inay xirtay 41 qof oo ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin IRGC. Wasaaraddu waxay sheegtay in hay'adaha amniga ay ogaadeen koox xiriir la leh IRGC. Iiraan waxay weerarro ku qaadday bartilmaameedyo ku yaal Baxrayn iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta ee martigeliya saldhigyada militariga Mareykanka ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay dagaal ka bilaabeen Iiraan 28-kii Febraayo. Dadkaan la sheegay in la soo qabtay dabadeedna la xukumay ayaan la sheegin Jinsiyadahooda ama wadamadda ey u kala dhasheen iyo iney yihiin Mawaadiniin reer Baxreyn ah.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XARKADA XAMAAS OO QIRATAY DILKA MAXAMED CAWDA.

Next
Next

BOQORTOOYADDA SACUUDIGA OO CAMBAAREYSAY SOOMAALILAND.