YAA MADAXWEYNE KU XIGEEN U NOQON DOONO CALIA GUUDLAAWE?

(MUUQAALKA)-MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA H/SHABEELE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay xaflad uu ururka Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP uu ku shaacinayo in Cali Guudlaawe uu yahay musharraxa hoggaamiyaha ururkaas ee maamulka Hirshabeelle. Cali oo noqonaya hoggaamiyaha Hirshabeelle, wuxuu soo ahaa madaxweynaha maamulkaas tan iyo bishii Oktoober 2020, xilligaas oo doorasho ay Dawladda Federaalku taageeraysay looga dhigay madaxweyne. Guudlaawe ayaa qaadaya jidkii Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo ku biiray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee xejistay madaxtinnimada deegaannadooda. Inkasta oo ay caddahay cidda noqonaysa hoggaamiyaha maamulkaas loona caleemo saarayo Cali Guudlaawe, haddana waxaan weli si rasmi ah loo caddayn qofka u noqonaya ku-xigeen. Sida ay qabaan dadka u dhuundaloola siyaasadda iyo habdhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, Villa Soomaaliya ayaa xilli hore go’aansatay cidda noqonaysa Kuxigeenka Guudlaawe, hase ahaatee duruufo jira awgood looga gaabsaday in maanta lagu daro shaacinta. Dhinacyo kala duwan oo taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qolo kastaaba si gaar ah u sheeganaysaa in magaca ay wataan loo xulayo ku-xigeenka Guudlaawe. Magacyada la filayo in midkood inuu xilkaas qaato, sida ay sheegayaan dadka ku xeeran Madaxtooyada, waxaa safka hore kaga jira Wasiirka Shidaalka ee Xukuumadda Federaalka ah, Daahir Shire, iyadoo la sheegayo in kursigii uu hadda ku fadhiyo loo celinayo ninkii uu ka qaatay, Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka daneynaya inay buuxiyaan kursiga ku-xigeenka Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax, kaas oo si weyn magaciisa looga dhex arko dhinacyo kala duwan oo u arka inuu yahay shaqsiga ugu habboon ee lagga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed ee adag ee hadda haysta nidaamka Xasan Sheekh. Ganacsade Maxamed Axmed Nuur (Fooday), oo si weyn looga doonayo dhinaca Jowhar, ayaa ku biiray dadka loo kala xulanayo inay kuxigeen u noqdaan hoggaamiyaha Hirshabeelle. Waxaa iyaguna ku jira Maxamed Dheere, oo wasiir waxbarasho usoo noqday Cali Guudlaawe, kaas oo ay gadaal ka taagan yihiin qayb kamid ah saaxiibbada Xasan Sheekh. Marka laga soo tago afartaas magac, waxaa jira shaqsiyaad aan safka hore ku jirin balse ay dhici karto inuu madaxweynaha mar hore u doortay, waxaana ugu horreeya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan. Inta badan siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa diiday inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweyne Xasan ee magacaabista Cali Guudlaawe inuu noqdo hoggaamiyaha maamulkaas. Madaxweyne Kuxigeenkii hadda ee Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa la xaqiijiyay inuusan kamid ahayn siyaasiyiinta doonaya qabashada xilka uu hayey, waxaana la sheegay inuu ka cudurdaartay inuu booskiisa sii haysto, isagoo ku biiray siyaasiyiinta deegaankiisa ee diiday in mar kale Cali Guudlaawe uu hoggaamiyo Hirshabeelle.

ISHA-SOMALI STREAM.


Previous
Previous

SOO SHEEG FAHAD MAXAMED NUR OO HEL LACAG DHAN $150-KUN.

Next
Next

TOOGASHO KA DHACDAY MINNEAPOLIS EYNA DAD KU DHAAWACMEEN.