TOOGASHO KA DHACDAY MINNEAPOLIS EYNA DAD KU DHAAWACMEEN.
(MUUQAALKA)-BOOLISKA MINNEAPOLIS.
(MINNEAPOLIS/MNN)-Deriska ku nool Circle Pines ayaa xaalad adag ku jira ka dib markii rasaas ka dhacday bannaanka dukaanka hubka uu ku dhaawacmay hal nin. Booliska Blaine ayaa sheegay in dhacadaan ay dhacday wax yar ka dib 6-dii fiidnimo ee Sabtidii ka dib markii toogasho ey ka dhacday Bill's Gun Shop & Range oo ku taal 88th Avenue Northeast. Ninkii miyir qabay markii ay askartu yimaadeen oo ay ka heleen dhaawac looga shakisan yahay inuu yahay rasaas. Waxaa loo qaaday isbitaalka, si kastaba ha ahaatee, darnaanta dhaawacyadiisa lama oga ilaa hadda. Maria Ketchum oo ah deris la ah goobta ey toogashada ka dhacday ayaa maqashay dhawaqa rasaasta. "Runtii, ma dareemaysid ammaan mar dambe," ayey tiri Ketchum. "Waa wax waali ah. Aad bay u cabsi badnayd." Waxa sababay toogashada ayaa baaritaan lagu wadaa. Booliisku ma aysan u soo qaban wax dad ah. Dhinaca kale,Toogasho ayaa ka dhacday Minneapolis habeenkii Axadda, toogashada ayaa waxaa ku dhintay nin, kaaso qabay dhaawac halis ah. Booliska Minneapolis ayaa sheegay in abaaro (8:25) fiidnimo, ay saraakiishu ka Jawaabeen qeylo dhaan ka soo yeertay cinwaanka ah 1100 baloog ee James Avenue North halkaaso laga soo sheegay toogasho, waxayna heleen nin qaba dhaawacyo dhowr ah oo rasaas ah. Ninkan ayaa la keenay isbitaalka isagoo xaalad halis ah ku jira, sida ay sheegtay Waaxda Booliska ee Minneapolis(MPD). Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in eedaysanuhu uu ku baxsaday gaari ka hor inta eysan booliisku imaan.
ISHA-ABC.