XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGAY IN LA DUQEEYEY XERADA TAHRIIBAYAASHA.

(SAWIRKA)-BURBURKA XERADA.

(YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Gobolka Waqooyiga ku yaalo ee SACDA ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi ey ka dhacday arrin si aad ah looga hadal haayo warbaahinta gudaha dalka Yeman. Weerar ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka ayaa haleelay sida ey sheegeen Xuutiyiinta gooob lagu haayo dadka Muhaajiriiinta sharci darada ah ee doonaayo iney u tahriibaan dalka Boqortooyada Sacuudiga ee xuduudka la leh dalka Yemen,dadkaan ayaa intooda badan ah Ittobiyaan iyo Soomaali. Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa sheegay subaxnimadii Isniinta in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen xarun dadka lagu hayo oo ku taal gobolka Sacda (waqooyiga fog ee Yemen), waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa ku warantay in duqeyntaasi ay sababtay dhimashada tobonaan maxaabiis ah oo ku jiray xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku taalla gudaha xarunta asluubta ee la beegsaday, iyadoo xustay in xabsiga ay ku jiraan ku dhawaad ​​100 muhaajiriin Afrikaan ah. Waxa uu intaasi ku daray in ku dhawaad ​​50-qof oo dhaawac ah ay soo gaareen Isbitaalka Jamhuuriya ee magaalada Sacda ka dib duqeyntii diyaaradeed, iyadoo kooxaha difaaca madaniga ay weli ka soo kabsanayaan dhibanayaasha burburka ku hoos jira. Qiyaastii hore waxay tilmaamaysaa in tobanaan muhaajiriin Afrikaan ah la dilay. Ka dib, TV-ga AL-Masirah ayaa daabacay tirokoob uu ku sheegay iney la xiriirto qaraxii ka dhacay xarun ay ku sugnaayeen muhaajiriin Afrikaan ah, isagoo xaqiijiyay in 68 qof ay ku dhinteen duqeynta, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen. TV-ga AL-Masirah ee xiriirka la leh Xuuthiyiinta ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka soo wajaha kooxaha gurmadka iyo kuwa ambalaasta oo ay sabab u tahay burburka weyn ee ka dhashay duqeyntii xarunta lagu hayay. Waxa ay xustay in mid ka mid ah Gantaaladaasi uu ku fashilmay in uu qarxo, markii uu ku dhacay meel u dhow goobta ay dadka Tahriibayaasha ahi isugu yimaadaan, isla-markaana ay Hay’adaha ay khusayso arrintani ay si taxadar leh ula tacaalayaan walxaha qarxa. Goor sii horeysay, warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in tiro dad ah oo rayid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen degmooyinka Sabciin iyo Bani AL-xarith ee magaalada Sanca. Saddex weerar ayaa sidoo kale lagu qaaday deegaanka Jabal AL-Aswad oo ka tirsan degmada Xarf Sufyaan ee Gobolka Amran, waxaana xigay 6 weerar oo kale oo lagu qaaday isla deegaanka, halka saddex duullaan lagu qaaday degmada Kitaf ee Gobolka Sacda.

XIGASHO-AL-MASDAR.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO WAR KA SOO SAARAY XAJKA.

Next
Next

MW-GUUDLAWE OO LA KULMAY MADAXDA AUSSOM.