MW-GUUDLAWE OO LA KULMAY MADAXDA AUSSOM.

(SAWIRKA)-KULANKA JAWHAR.

(JAWHAR)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka guud ee Dowladda Hirshabeelle. Wasiirka Amniga, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida uu ugu horeeyo Taliyaha Guutada 3-aad iyo Saraakiisha AUSSOM ayaa qeyb ka ahaa kulanka. Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageeystay qeybaha shirka ku sugnaa. Taliyaha (Sector 5) ee Ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman ayaa sheegay inay sii xoojinayaan dadaallooda dhanka Nabad-galyada ee sannadihii dambe ay ka wadeen Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle oo goobo dhowr ah ay ka joogaan. “Dowladda iyo Shacabka Burundi waxaan uga mahadcelinayaa Naf-hurnimada Ciidamadooda, runtii qalbiyadeenna ay ku jiraan oo kaalin muuqato ayay ku leeyihiin howlgalka AUSSOM.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan gaar ah kula qaatay Xafiiskiisa ayaa kaalintooda ku abaalmariyey Saraakiisha Burundi ee waqtiga dheer ka howlgaleyso Hirshabeelle.Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilalka ka qaaday Mudane Jaamac Xuseen Xaashi Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Mudane Saalax Maxamed Xasan Wasiirkii Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Sidoo kale Madaxweynaha markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle iyo sida ay lagama maarmaan u tahay dardargelinta Qorshaha Xukuumaddiisa waxa uu xilalkaasi u magacaabay:-

1. Mudane Ismaaciil Maxamed Xasan (Shiiqaalloow), Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Hirshabeelle.

2. Mudane Maxamuud Xasan Bariise, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Hirshabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xubnaha cusub faray inay dardargeliyaan howlaha hor-tebinta u leh Wasaaraddaha loo igmaday.

ISHA-H/SHABELLE.



Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGAY IN LA DUQEEYEY XERADA TAHRIIBAYAASHA.

Next
Next

MW-DENI OO ABAABULI WAAYEY SHIR WADATASHI OO HEER PUNTLAND…