XULKA QARANKA SOOMAALIYA OO GUUL KA GAARAY IS REEREEBKA QARANADA AFRIKA.

(SAWIRKA)-XULKA QARANKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa gaaray guul taariikhi ah kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Mauritius ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka tartanka Africa Cup of Nations 2027. Ciyaarta oo ahayd lugta labaad ayaa waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah (0–0), iyadoo ugu dambeyn lagu kala baxay rigoorayaal. Xulka Soomaaliya ayaa ku guuleystay 4–2, taasoo u sahashay inay u gudbaan marxaladda xigta ee tartanka. Xulka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo ay ka muuqatay isku duubni, xirfad iyo kalsooni, taasoo si weyn uga caawisay inay jebiyaan xulka Mauritius. Guushan ayaa noqotay mid taariikhi ah, maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay gaarto heerkan isreeb-reebka AFCON. Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta xulka Soomaaliya, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo hoggaamintooda guusha horseeday. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay shaqada wafdiga xulka ee taageerada joogtada ah siiyay kooxda inta lagu jiray tartanka. Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna hambalyo u diray xulka qaranka, isagoo sheegay in guushan ay muujineyso kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay horumarka ciyaaraha iyo mideynta bulshada. Tartanka Africa Cup of Nations 2027 ayaa la qorsheeyay in si wadajir ah ay u martigeliyaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania. Guushaan ayaa si weyn u farxad gelisay taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliya, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo dhanka horumarka ciyaaraha ah, taasoo sare u qaadaysa rajada mustaqbalka xulka qaranka.

ISHA-HOL.

Next
Next

MW.DENI OO ISKU SHAANDHEEYEY GOLIHIISA WASIIRADDA.