XULKA GABDHAHA K/CAGTA SOOMAALIYEED EE KA YAR 15-SANO OO GUULO KA GAARAY…
(MUUQAALKA)-XULKA GABDHAHA K/CAGTA EE KA YAR 15-KA SANO EE SOOMAALIYA.
(KIGALI/RWANDA)-XULalka Wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 15-jirka ayaa guulo muhiim ah ka gaaray kulamadoodii ugu horeeyay ee tartanka African Schools Football Championship – CECAFA Zone, oo ka socda magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Geesiyada matalaya Labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar ay ka muuqatay karti, dadaal iyo isku xirnaan, xulka Gabdhaha ayaana guul weyn ka gaaray dhigooda Sudan oo ay kaga adkaadeyn 5-0 waana guul qiimo weyn u leh rajadooda tartanka. Wiilasha Ocean Stars ayaa dhankooda 2-1 ku garaacay dhigooda Burundi oo ay ku wada jiraan Group B, oo ay ku wehliyaan xulalka Uganda iyo South Sudan. Guulahan ayaa muhiimad weyn u leh Wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 15-jirka, maadaama labada xul ee ugu sarreeya Group walba ay u gudbi doonaan wareegga semi-finalka, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciyaartoyda labada xul, iyagoo ku ammaanay sida sharafta iyo geesinimada leh oo ay u mataleen Dalkeenna. Kooxahaan ayaa ku kala ciyaarayey garoomada kala ah FERWAFA COMPLEX ey ku ciyaarayaan Gabdhaha, halak Wiilasha ey ku ciyaarayaan Garoobka KIGALI PELE STADIUM, Kulanada ayaa loogu talagalay iney bilawdaan 3/9/26 kuna dhammaadaan 5/9/26-ka. Wareega(A) ee wiilasha waxaa kuwad jiro “Rwanda, Kenya, Sudan, Tanzaniya”, Wareega(B) waxaa kuwada jira “Uganda, Somalia, S/Sudan, Burundi”. Dhinaca Gabdhaha, waxaa Wareega (A) kuwada jira “Burundi, Rwanda, S/Sudan, Uganda”, Wareega(B) waxaa kuwada jira “Sudan, Somalia, Tanzaniya, Kenya “. LA SOCDA NATIIJADA.
ISHA-SNTV.