MARAAKIIBTA TURKIGA OO BILAABAY INEY BATROOL SIIYAAN DOOMAHA CIIDANKA BADDA.

(MUUQAALKA)-MARKA DAGAALKA EE TURKIGA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ay shidaal ugu shubeen doon ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya, iyadoo hawlgalkan lagu fuliyay badda dhexdeeda. Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maraakiibta TCG Kemalreis iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş, oo ka qeyb qaadanaya hawlaha Ciidanka Badda Soomaaliya, ay shidaal ku shubeen Doon Soomaaliyeed. Si fudud, waxa dhacay ayaa ah in markabkii Ciidamada Badda Soomaaliya loo geeyay shidaal isagoo badda ku jira, halkii uu markabku deked ku noqon lahaa si shidaal loogu shubo. Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in labada markab ay sii wadaan hawlahooda ka socda Badda Cas iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay taageerada iyo iskaashiga dhinaca ciidamada badda ee Soomaaliya iyo Turkiga. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muddooyinkii dambe xoojinayay iskaashiga dhinaca difaaca iyo badda, waxaana Turkigu gacan ka geystaa tababarka iyo horumarinta Ciidamada Badda Soomaaliya, iyadoo ciidamadaasi ay hadda sii kordhinayaan awooddooda ilaalinta xeebaha iyo biyaha dalka Soomaaliya.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

XULKA GABDHAHA K/CAGTA SOOMAALIYEED EE KA YAR 15-SANO OO GUULO KA GAARAY…

Next
Next

DUQEYMIHII MARAYKANKA OO DHAAWAC CULUS GAARSIIYEY DALKA IRAAN.